Home » News, Waraysi »

DHAGAYSO: Cali Dheere oo ku hanjabay in ay qabsan doonaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya

Afhayeenka Kooxda Shabaab Cali Maxamed Raage ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay guud ahaan la wareegi doonaan deegaanada Puntland.

Cali Dheere ayaa sheegay in dagaalo xoogan ay ku qaadeen duleedka Boosaaso ayna dileen askar badan oo Shabaab ah, isagoo carabka ku adkeeyay in Boosaaso ay mar dhow gacantooda soo geli doonto.

Dhanka kale Afhayeenka Koxoda Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ka dhacay gobollada Bay, Bakool iyo Gobolka Gedo, sidoo kalana waxaa uu carabka ku adkeeyay in Muqdisho ay xili kasta weeraro ka gaystaan.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Cali DheereCali-Dheere

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " DHAGAYSO: Cali Dheere oo ku hanjabay in ay qabsan doonaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya "

  1. nirig-naaf says:

    Calidheere murdisada uu taagayo meel ciriiri ah waa iska gelin karaa, laakiin, Puntland shareeci iyo wax kale toonna cidi kuma khasbi karto.

  2. mahad says:

    Nimanyahoow waxaan la yaabay dadka wax u soo qora ama wariyaha wax u soo tebiya Shabakadaha kala gedisan ee Soomaalida miyeysan lahayn qof ka mas’uul ah oo ka hubiya wararka inta aan la soo daabicin oo dadweynaha aan loo soo gudbin qof iyo laba ka hubiya(Editor) qoraalada la soo gelinayo wixii khalad ah oo ku jira kara qoraalkaa ama ugu yaraan dhanka Naxwaha afka soomaaliga ama xuruufta ama macnaha guud ee uu xambaaarsanyahay qoraalkaa hada qoraalkaan waxaad ku arkeysaa in Cali dheere yahay afhayeenka Shabaab markaa Cali dheere wuxuu ku sheegayaa in ay dagaal ku qaadeen isaga iyo kooxdiisa duleeka Boosaaso misana wuxuu leeyahay waxaan dagaalkaa ku dilnay askar badan oo Shabaab ah marka Cali Dheere yuu dagaalka ku qaaday ama askarta ka laayey waa war dhan uu u socdo aan la fahmi karin waana inta ugu yar oo aad ka arki kartid khaladaadka ku jira wararka la soo geliyo Shabakadaha afka Soomaaliga lagu soo qoro oo iyagoo dhan ay ka simanyihiin su’aashu waxay tahay maxaa loo waayey xitaa hal Shabakad oo si saxan wax u qori karta? maxaa ka wada dhigay isma dhaanto iyo dhasheed? weliba waxaad ogtahay in qaar badan oo iyaga ka mid ah ay hawlgalayeen muddo badan marka maxay tahay sababta ay xitaa wax khibrado ah ugu kordhi wayeen muddooyinkaa badan oo ay hawasha ku gudo jireen waa waxyaabaha aan is weydiiyo goor walba? ilayn sida caadiga ah qofku waa inuu wax ka barto oo horumar ka sameeyo hawsha uu maalin walba qabto mise waxa oo idil baa ku dhisan jaantaa rogan iyo is dhexyaac iyo wax uun iska qor waxay ahaadaanba war ha kaa tago, waan yaabay anigee adiga siday kula tahay?