Home » News, Waraysi »

DHAGAYSO: Jamaal Xasan Sarey oo kahadlay dagaal ka dhacay duleedka Garbaharey

Dagaal-GedoWarar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maalintii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa wadada isku xirta degmada Luuq iyo degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa jidka u galay kolonyo ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo kusii jeeday Degmada Buurdhuubo si ay halkaas uga saaraan ciidamada Al-shabaab oo intii muddo ahba halkaas ku sugnaa.

Kaddib markii ay Alshabaab dhexda u galeen ciidamadii kolonyada ahaa ayaa waxaa halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo dhex maray labada dhinac kaas oo lasoo sheegayo in uu gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Jamaal Xasan Sarey oo ah Taliyaha ciidamada xooga dalka ee Gedo ayaa sheegay in Al-Shabaab badan ay kaga dileen dagaalkan ka dhacay gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ay dhawaan la wareegi doonaan magaalooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo xiligan ay Shabaab ka joogaan gobolkaas Gedo.

 

Riix halkaan si aad u dhageysato waraysiga Jamaal Xasan Sarey

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " DHAGAYSO: Jamaal Xasan Sarey oo kahadlay dagaal ka dhacay duleedka Garbaharey "

  1. hadan says:

    maasha alaah hadey ciidamada u dhashey gobalka gado ay u istaageen in ay ka saaraan wax magaratada gobalka nabada u diidey ee alshabaab waxaan lee nahey hala tirtiro waxii horumarka gobalka u diidan maatadana xabada ugu heysto afduubka ciidamadeenana waxaan leenahey guul ayaan iin rajeen ilaaheyna wax dhiba inma gaarsiiyo insha alaah

  2. all gedo waan idin salaamay salaan kadib waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan aad shacabk ugu shaqaynaysaan inkastoo wili aad ka gaabiseen hawlaha hurmarneed ee gobalka. hadii uun u gudbo muhiimada wariyaha waraysiga qaaday si wanaagsan ayuu u waraystay taliye jamaal xasan taray lkn waraysiga aad maqal ahaanta usoo galiseen iyo qoraalka aad webka kusoo qorteen isma lahan marka walaalayaal qoraalka webka soo galinaysaan hubiye hana is lahaado mahadsanidiin

  3. C/xakim bare says:

    Waad mahadsantihin algedo.lakiin waxaad badanaa kahadashaan dagaal kadhacay gobalka gedo.waxaan idinka codsanlahaa inaad iskudaydaan inaad kahadshaan waxbarashada gobalka iyo sida dhalinta gobalka ay wax ubaranlahayeen. Mahadsanidin

  4. بسم الله الرحمن الرحيم ‏ Ku.allgedo, marka hore waxaa kalimad leeyahay mulkilaha allgedo. Walaal waan idin salaamay, salaan kaddib aniga waxaan joogaa dalka Marykanka, gaar ahaan Kansas. Waxaan idin leeyahay walaal aan dhamaanteen u wada duceyno muslimiinta walaalaha Soomaaliyeed in uu dhiigooda kala bad-baadiyo, gaalada iyo fidnada ay nagu wadaana uu Rabbi naga qabto. Aniga koley ma jecli in uu ruux Soomaali ah oo muslim ah ruux kale oo Soomaali ah oo muslim ah dilo, sidaas awgeed, Soomaaliyey meel aan joognaba aan Rabbi ka baqno oo aan iska ilaalino in aanan ku dhicin dabinada ay had iyo jeeraale cadowga Ilaahey iyo cadowga muslimiinta noo dhigayaan. Wabilaahi towfiiq.