Home » News »

DHAGAYSO: Madaxweyne Faroole oo kahadlay dilalka ka dhaca Gaalkacyo, Beledweyne iyo Laascaanood

-Madaxweynaha maamulka Puntland C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa dad manaxayaal diin laawayaal ah ku tilmaamay kuwa dilalka ka gaysanaya qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dilalka ka dhacaya inta badan Laascanood, Gaalkacyo, Beledweyne iyo Muqdisho ay yihiin kuwa dano gaar ah laga leeyahay.

Sidoo kale Faroole ayaa sheegay in dadka shacabka ah looga baahan yahay in ay ciidamada kala qeyb qaataan sugida amaanka magaalooyinka ay ku nool yihiin.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in ay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab-ka kusugan deegaanada Puntland gaar ahaan Buuraha Gal-Gala.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Faroole

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.