Home » News »

Faah Faahin kasoo baxaysa dagaal Shabaab iyo ciidamada Puntland ku dhexmaray duleedka Boosaaso

galgalaWarar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo Shabaab iyo ciidamada Puntland iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray duleedka Boosaaso.

Dad kusugan Boosaaso ayaa sheegaya in dagaalkan uu xalay  Shabaab iyo Puntland uu ku dhexmaray tuulo ku taala duleedka Magaalada Boosaaso.

Sida Wararku sheegayaan dagaalka oo la’isugu adeegsaday Hub kala duwan ayaa waxaa jilibka isu dhigtay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland iyo Mileeshiyo iyana la sheegay in ay taacabsanaayeen Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Mileeshiyada Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Qaaw oo qiyaas ahaan 30-km dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.

inta la ogyahay ilaa iyo 2 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana lagu soo waramayaa in Khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba uu intaas ka badan karo.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax warar ah oo kasoo baxay Labada dhinac ee Dowlad Goboleedka Puntland iyo Mileeshiyada Shabaab oo dagaaladaasi ku saabsan.

Dagaalkana waxaa uu qeyb ka yahay mid waayadan ka jiray gobolka Bari iyadoona ay guulo ka kala sheegteen dagaaladii horey udhacay Puntland iyo Shabaab.

AOL Muqdisho Office

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.