Home » Archive Daily January 7th, 2013

Askari ka tirsan ciidamada dowlada oo 3 maalmood gudahood 2 nin ku kala dilay magaalooyinka Doolow iyo Balad Xaawo

Jan 7, 2013
Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in uu galabnimadii Isniinta oo ay taariikhdu aheyd January 7, 2013 waqtiga Bariga Africa uu gudaha  magaalada B/Xaawo ku toogtay nin adeer ugu aadan oo la yiraahdo Nabadoon Baanje Cabdi Dhudi oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee sida weyn looga yaqiinay Degmada Baladxaawo. Waxaa shabakadda AOL soo gaaraya in sababta... 

Ciidamada Kenya oo caawa qarax lagula eegtay magaalada Gaarisa

Jan 7, 2013
Wararka ay AOL ka helayso magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in halkaas uu caawa ka dhacay qarax qasaaro gaystay, waxaana qaraxaas lala eegtay ciidamada KENYA. Goob jooge kusugan Gaarisa ayaa sheegay in bambo lagu tuuray gaari ay wateen ciidamada amaanka xili ay marayeen meel wado ah. Shan Ruux oo afar kamid ah ay ciidamada kenya yihiin ayaa lasoo sheegayaa in dhaawac uu kasoo gaaray weerarkan qaraxa... 

SAWIRO: L Messi oo markii afaraad oo isku xigta ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka dunida

Jan 7, 2013
Ciyaaryahan L. Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka aduunka ee Ballon d’Or kadib markii uu kaga adkaatay Iniesta iyo C. Ronaldo. Weeraryahanka qaranka Argentina iyo Kooxda Barcelona ayaa markii afaraad ku guulaystay abaalmarintan isagoo jabiyay dhamaan rikooradii ciyaarayaha kubada cagta uyaalay sanadkan. Sidoo kale waxaa la magacaabay Tababaraha ugu wanaagsan aduunka waxaana... 

Ciidamo badan oo gaaray magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo

Jan 7, 2013
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbaharey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay saacadihii lasoo dhaafay gaareen ciidamo aad u badan. Ciidamadan gaaray magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxaa ay isugu jiraan Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaas oo kasoo kala baxay magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq. Saraakiil ku sugan Garbaharey ayaa AOL u sheegay in ciidamadan gaaray magaalada... 

Amisom oo soo qabtay dhalinyaro Shabaab ah iyo hub ay wateen

Jan 7, 2013
Taliska ciidamada Amisom ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro Shabaab ah iyo hub badan oo ay wateen. Afhayeenka ciidamada Amisom Col Cali Aadan Xaamud ayaa shaaciyay in ay ciidamadan Shabaab-ka ah ee hubaysan ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho. “howlgalkan waxaa si wadajir ah usameeyay ciidamada Amisom ee booliska ah iyo booliska Soomaaliya,... 

Baydhabo: Ciidamada Itoobiya oo ka baxaya garoonka diyaaradaha

Jan 7, 2013
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha magaaladaasi ay bilaabeen inay ka guuraan garoonka diyaaradaha ee Baydhabo oo aheyd xaruntii ugu weynayd ee ay halkaasi ku lahaayeen. Arrintu waxay ka dambeysay kaddib codsi gaar ah oo uga yimid Wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, kaas... 

Madaxweyne Xasan Sh: Al-Shabaab-ka dhalinyarada ah fursad cafis ah ayaa wali ufuran

Jan 7, 2013
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ay fursad cafis ah siinayaan dagaalyahanada Shabaab ee dagaalamaya. Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan ubaahan tahay nabad taasna lagu gaari karo kooxaha hubaysan ee dowlada kasoo horjeeda oo hubka dhiga. “nabada waa loo wada baahan yahay, dowladana waa xaqiijin doontaa, hada waxaad haystaaan fursad... 

Warar dheeraad ah: Qaraxyo qasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho iyo Kismaayo

Jan 7, 2013
Qaraxyo kala duwan ayaa xalay siyaabo kala gadisan uga dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo ahaa bamka nooca gacanta laga tuuro sida la sheegayna lagu weeraray guriyo ay degan yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa raaskambooni ee ku sugan Kismaayo. 9:00 Habeenimo ee xalay ayaa bamka nooca gacanta lagu tuuro waxaa lagu weeraray guri uu magaalada Kismaayo... 

Ciidamada Huwanta oo isku dayaya in ay gudaha ugalaan gobolka Jubbada dhexe

Jan 7, 2013
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay la wareegeen deegaano horleh oo ka tirsan xuduuda ay wadaagaan Gobolada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ,sida dadka deegaanka ay sheegayaan. Markii ciidamada isgarabsanaya ay qabsadeen deegaanada kala ah Naasiriya iyo Welmaaro,ayaa haddana waxaa la sheegaya in ciidamada dowlada ay sii dhaqaaqeen ayna qabsadeen... 

Dilal ka dhacay magaalada Boosaaso iyo Howlgallo soconaya

Jan 7, 2013
Kooxo Hubaysan ayaa weeraro dilal ah ka gaystay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyadoo lasoo dheegayo in ciidamada amaanka ay wadaan howlgallo balaaran Labo Ruux ayaa lasoo sheegayaa in rag hubaysan ay ku toogteen gudaha magaalada Boosaaso, dadkaas ladilayna waxaa ay ahaayeen dad shacab ah Ku dhawaad 20 Ruux ayaa lasoo sheegayaa in ciidamada amaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen kadib howlgallo...