Home » News, Sports »

SAWIRO: L Messi oo markii afaraad oo isku xigta ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka dunida

Ciyaaryahan L. Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka aduunka ee Ballon d’Or kadib markii uu kaga adkaatay Iniesta iyo C. Ronaldo.

Weeraryahanka qaranka Argentina iyo Kooxda Barcelona ayaa markii afaraad ku guulaystay abaalmarintan isagoo jabiyay dhamaan rikooradii ciyaarayaha kubada cagta uyaalay sanadkan.

Sidoo kale waxaa la magacaabay Tababaraha ugu wanaagsan aduunka waxaana qaaday macalinka Spain Vicente Del Bosque oo ay kula tartamayeen Mourinho iyo Pep. Macalinkan ayaa qarankiisa Spain ka caawiyay hanashada koobka Euro 2012-ka

Gabadha ugu wanaagsan kubada cagta aduunka ayaa loo doortay weeraryahanada qaranka Mareykanka Abby Wambach, halka tababaraha dhinaca gabadhaha ay qaadatay macalimada dalka Swedan Pia Sundhage.

Waxaa sidoo kale goolka ugu wanaagsan ku guulaystay ciyaaryahan Miroslav Stoch isagoo kaalintaas kaga adkaatay ciyaaryahanada Neymar iyo Falcoa.

Waxaa loo codeeyay kooxda ugu wanaagsan sanadkan taas oo ay kala qaateen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo lagyu daray hal Falcoa.

Kooxda lasoo dooqay ayaa ahayd sidaan:

FIFA/FIFPro World XI: Casillas; Dani Alves, Gerard Pique, Sergio Ramos, Marcelo; Xavi, Xabi Alonso, Iniesta; Messi, Falcao, Ronaldo.
Abaalmarinta ayaa sidaas goordhow kusoo dhamaatay
00000 0000 000 00 0 1 2 3 4 5 6 7 8 9

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.