Home » Archive Daily January 8th, 2013

Dhageyso ciyaarta Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ee loo yaqaan gaaleysada.

Jan 8, 2013
Halkaan waxaan kusoo gudbinayaa Barnaamij gaar ah oo ku Saabsan mid ka mid ah Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka ee loogu jecel yahay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciyaarta loo yaqaano Gaaleysada oo si weyn looga Qadariyo Gobolka Gedo. Dadka u kuurgala arimaha Ciyaarta Gaaleysada  ayaa waxaa ay sheegeen in ciyaartaasi in dhaqan ahaan ay soo shaac baxdey mudo haatan laga joogo ilaa 200 oo sano oo ah horaantii... 

Dagaal Xoogan oo ka dhacay magaalada Marka iyo dowlada oo kahadashay

Jan 8, 2013
Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ayaa laga soo sheegayaa in ay ka dhaceen gobolka Sh/Hoose gaar ahaan duleedka magaalada Marka. Dagaalkan oo si gaar ah kaga dhacay deegaanka Buufow ayaa udhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo kuwa dowlada oo kaashanaya ciidamada Amisom. Waxaa jira qasaaro xoogan oo ka dhashay dagaalkan ka dhacay duledka magaalada Marka iyadoona qasaaraha ugu badan uu soo gaaray dhinacyada... 

Al-Shabaab lagu qab qabtay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

Jan 8, 2013
Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-Shabaab hubaysan lagu qab qabtay deegaano katirsan gobolkas dhaca bartamaha Soomaaliya. In lasoo qab qabtay ciidamadan Shabaab-ka ah ayaa waxaa saxaafada usheegay Maamulka  gobolka Mudug qeybtiisa Waqooyi ee Puntlad. Puntland ayaa shaacisay inay gacanta ku hayaan Rag ay la xiriirinayaan Al-shaabnimo kuwaaso oo ay howlgallo magaalada ay ka sameeyeen... 

Dowlada Italy oo balan qaad usamaysay dowlada Soomaaliya

Jan 8, 2013
Dowlada dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay ka garab siinayso dowlada Soomaaliya arimo badan oo la xariira sidii Soomaaliya ay lugaheeda isugu taagi lahayd. Kulan magaalada Rome ee caasimada Italy ku dhexmaray Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya iyo dhigeeda Talyaaniga ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arimo badan. Markii kulanka uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada Soomaalida hadal siisay wasiirada... 

Ahlusunno: rajo gurtay iyo Xukun gurracan “Faallo Xasaasi ah”

Jan 8, 2013
Inta aadan cinwaanka ka caroon, inta aadan Wadaadada dambe igu xugmin[AL ITIXAAD+ALSHABAAB] inta aadan igu dhibsan eray qallafsan, inta aadan kahan adoo is leh; maxaa Wadaadada is difaacaya ku tusay?! Inta aadan u damqan dareen aan jirin, bal adoon xoortaysnayn ila dhiraandhiri inta dhacday, iyo inta dhimman ee dhawaan soo socota. Sida loo kala irdhoobay, waxaa baahay BEELAYSI baaxad weyn. Mar ahaa... 

Ra’isul Wasaare Saacid: Boqol maalin markii ay inoo dhamaato wax qabadkeena ayaan soo gudbinaynaa

Jan 8, 2013
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Dr Saacdid Faarax Shirdoon ayaa shaaca ka qaaday in xukumadiisa ay si adag ula tacaali doonto xaalada dalka gaar ahaan arimaha amaanka. Dr Saacid Faarax ayaa sheegay in arimaha ay xukumadiisa diirada saarayso ay kamid yihiin in guud ahaan la sugo amaanka dalka, lana dhiso hay’adihii dowlada iyo xariirka caalamiga ah. Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaciyay...