Home » Faallo, News »

Ahlusunno: rajo gurtay iyo Xukun gurracan “Faallo Xasaasi ah”

ahlusnna-waljamaacaInta aadan cinwaanka ka caroon, inta aadan Wadaadada dambe igu xugmin[AL ITIXAAD+ALSHABAAB] inta aadan igu dhibsan eray qallafsan, inta aadan kahan adoo is leh; maxaa Wadaadada is difaacaya ku tusay?! Inta aadan u damqan dareen aan jirin, bal adoon xoortaysnayn ila dhiraandhiri inta dhacday, iyo inta dhimman ee dhawaan soo socota.

Sida loo kala irdhoobay, waxaa baahay BEELAYSI baaxad weyn. Mar ahaa ISKAASHI, mar ahaa DUULLAAN, mar kale ahaa DIIMAYSI, marna ahaa MAAMUL. Inta laqdabada iyo luggooyoda loo heellanaa marka laga reebo, waxaa wax laga dhaxlay waa midka iskaashiga iyo maamul wadaagga lagu saleeyey, oo noqday furaha nolosha, deegaanno dhawr ahna lagu helay naruuro yar oo nabad iyo nagaadi ah, yeysanba buurnayn, oo wax la’aan ayey dhaantaaye.

Qallibkii Siyaasadeed ee dalka ka dhacay, haddii qawlaysato qabiillo ku daaban qoolka xireen, ee dad iyo duunyaba baaba’sheen, AQOONYAHAN iyo INDHEERGARAD lagu diimay, cabsi iyo inaysanba jirin midba. Waxaa la islahaa Wadaadada iyo Diinta wax dhaama ma lahan. Waa maroo iyagaa dadka Alle uga dhaw aqoon iyo garasho awgeed ama ugu dhaw cabsi iyo cibaad darteed. Waa marka kalee, waxaa dadku halkudhig ka dhigteen haddaan la qabsan XARIGGA ALLE inaan dawlad iyo maamul dhismayn!

Hadda ka hor baa nin MA DUKADE ahaa, wuxuu damcay inuu SALAADDA dib u billaabo, dabcan HANUUN iyo TAQWO doon buu ahaa. Nasiib wanaag wuxuu ku soo aaday SALAADDII CASIR, oo ah mid ka mid ah labada SALAADOOD ee dardaaranka gaarka ah laga baxshay, midda kalana waa SALAADDA SUBAX. Hadduu MASJIDKII galay muxuu la kulamy oo qabsaday?.

Waxaa qabsaday HOOG iyo BA’ go’aanka uu ku qaatay ay saamayn weyn ku yeelatay noloshiisa intii ka harsanayd. Markuu MASJIDKII galay, ee qaybtii WAYSO qaadka aadayey, ayuu Kabihii isaga siibay ILLINKA MASJIDKA, halkii ayuu ku Wayso dhammayastay, dabadeedna Salaaddii iska dukaday, isagoon wax dareen ah qabin, aan ka ahayn inuu maanta ALLE ugu dhaw yahay intuu noolaa.

Hadduu Salaaddii soo dhammaystay, Duco iyo Adkaar intuu ka gaarana soo marsaday, ayuu u soo dhaqaaqay dhankii kadinka, isagoo doonaya inuu u buxo dibadda Masjidka. Hadduu bannaankii isaga soo taagay, saa Kabihiisiiba ma yaalliin, maxaad ii dhiibatay? Ninkii waagaa ku baryey, dhankan eeg, waxyaalla ma lahan, dhankaa kale eeg, ha ku sheegin, dhankaa kale eeg, adaaba sheegaya! Hadduu cabbaar jeesjeestay ayuu ka huleelay isagoo CAGACAD.

Qarracankuu ka qaaday yaaba WADNA QABAD ku noqotay, illeen kama bixi karin inuu Kaba gatee. Miskiin ayuu iska ahaa aan xoolo sidaa ah haysan. Danuba tiri, inuu Kabo raadsadee, Casirkii xigay ayuu maqlay SALAADDA oo la AADAAMAYO, waaba is celin waayey, oo wuxuu la soo booday: “MAQL, MAQLA, MAQLA, TUUGADII AYAA ISU WACANAYSEE!”

Dhacdadu run iyo mala’awaal midey tahayba, waxay muujinaysaa sida loogu kadsoomay sheekadii WADAADU wadeen. Sidoo kale, waxaan u soo qaatay sida loogu hungoobay XARIGGII ALLE ee la lahaa wuxuu unug u yahay dalwad Soomaali oo dhisanta. Oo kaalay inta dunida dawlado ka dhisan imisa ayaan XARIG ALLE haysan? Maxaa keenay inay wax u dhisan yihiin, anaguna aan eber u taagan nahay? Maa runta la abbaaro oo maaweelada dhan nalaga dhigo? Haddii kale, maalin walba NIMAN aan jirin ayaan sugi doonnaa.

Haddii XARIGGII ALLE xirmi waayey, ee meeshii laga sugayey in lagu diirsado dhib kalaba abuurmay, waxaana dhibkaa abuurmay ka mid ah AHLUSUNNADA GOBOLLADA DHEXE iyo dabcan midda GOBOLKA GEDO. Maalintii ay qoriga qaateen ee ay iclaansheen inay ALSHABAAB iyo QUWADDA SHARTA ku JIHAADAYAAN, lama hayo wax yool ah oo la gaaray, ha noqoto dal xoraysan ama deegaan nabada, oo dabcan maamul iyo kala dambayni ka jirto.

Ayaan darrada baase ahayd, in JIHAADKII noqday JIDGOOYO cusub, illeen talo Tigree iyo tab Xabashi ayaa tubteeda la qaadee. Marka laga hadalayo in AHLUSNNA iska caabinayso falalka gurracan ee ALSHABAAB saw iyaguba ma ahan DHAL AMXAARO? Micnaha saw ma ahan dhisme Amxaaro samaysay ee ay walibana fangarayso ciidan aahan iyo cudud ahaanba? Mise iyaga AWLIYO iyo MALAA’IG ayaa ka garab dagaallanta, oo Xabashi uma baahna? Isma dhihine!

Midda aan qofna dood ka qabin waxay tahay, in qofkii ku dhiba, ee dhabbaqo iyo shidaad kaa dayn waayo, aysanna jirin qof kaa celiya ama aadan helayn ay xaq tahay in aad u doonatid wax kaa hor istaaga, SHAYDAANBA ha noqdee. Malaha waana midda AHLUSUNNO xoogga saartay, hadday taa ku guulaysatay, maxaa xigay? Waana qodobka aan qoramada ku falanqayn doono.

Dhawr kol baan isku dayey inaan muujiyo cabaqadda halkaa ka socota iyo sida xaalku u cakiran yahay, marka laga hadlayo maamulka iyo hoggaanka. Bal aqriste, dib u jeedaali qormooyinka kala ah:

“Ahlusunna: Awood aan Aragti lahayn!” “Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna” “Xerta Ahlusunno: Xigaalada Xabashida ee Xilligan.” Iyo “Ahlusunnooy: Lagga aragtaye Laaca ma ogtahay?” oo dhammaan ku qodbanaa talo iyo tusaalayn.

Saddax sano ka dib, DEEGAANKA GOBOLLADA DHEXE yaa taladiisa gacanta ku haya? Haddii qorshe daba dheeraado, wuxuu keenaa daldaloollo badan, sidaa awgeed, kan AHLUSUNNA isagaaba markii hore iska daldaloolaye, maxaa yeelay haddaad AL uga gabbanayso AL kale inaadan meel dheer gaarayn way muuqataa. Waxaan uga jeedaa, caqli ahaan WADAAD waa WADAAD, ee waxay ahayd in WADAADADA SUBAGLAYDA ah aan loo dayn maamulka deegaanka. Ma ahan inaysan wax ku lahayn ama loo diidayo, ee waa iyaguba inaysan ka aragti gaddisnayn kuwa ay iska caabinayeen dhanka maamulka iyo awood qaybsigee.

Waxaan uga jeedaa, maamulku waa inuusan salka ku hayn wadaad iyo warkii. Illeen wadaadku inuu Aadane yahay ka sokow, waxaaba nooga filan inta aan indhaheenna ku aragnee, oo dib dambe aannaan ugu dagmayn, waa haddii la doonayo nolol iyo naruuro, haddiise ay tahay inta ka sacabba jafatid seerada ha loo daayo waa gaar, waana midda aan ka baqayo inay iminka hirgali rabto, haddii aysan hirgalinba.

Sida loo kala guuray oo kala geeddi loo noqday ayaa loo kala degay. Degid deegaan iyo mid dareenba. Haddana meelaha aan wali degin ee ay ugu horreeyaan deegaannada ay ka arrimyaan AHLUSUNNA ee leh GOBOLLADA DHEXE iyo GOBOLKA GEDO, waa inaan is weydiinnaa waxa keenay arrintan? Waa inaan u helnaa jawaab. Illeen intaa waqtigu waa socdaaye. Maalin walba oo na dhaaftaa dib u soo noqon mayso, haddaan lagu gudan waxqabadkeedee.

Dib u milicso maalintii ay hana qaadeen ilaa iminka, lama haayo tallaabo horumareed oo ay qaadeen ee dhan walba leh; xag ammaan, xag maamul, xag dib u hesheesiin, xag dib u dhis, xag dib u dejin IQB. Laga yaabee aqriste, inaad is leedahay haddi waxaad nimankan weydiinaysaa waa hawshii looga fadhiyey dawladda dhexe? Waxaanse kuugu warcelinayaa inaan waxqabad walba looga fadhin dawladda dhexe, maxaa yeelay qofkii xil qaaday ee deegaan matala waa inuu ka soo dhalaalaa, haddii kale, magac uun muxuu qaban?.

Saddax sano oo hurmar la’aan ah, saddax sano oo nabad la’aan ah, saddax sano oo colaad ah, saddax sano oo khilaaf ah, saddax sano oo magacaaw iyo casilaad ah, saddax sano oo shirar ah, saddax sano oo ay Aadis iyo Muqdisha u dhexeeyeen, haddana, aysan dadka deegaanaka u soo hayn wax natiijo ah oo la taaban kara, aan ka ahay inay ka mid noqdeen LIXDII SAXAL ee isku meeray ka arriminta aayaha Soomaaliya, ee uu maanta ka dambeeyo Mudane Faroole oo isna sii liiqliiqanaya.

Saddax sano oo qasaaro iyo macna la’aan ah ayaa na dhaaftay, haddana, bal aan su’aal dhigee, TALA XUMADA AHLUSUNNA MA TOL LA’AAN AYAA U WEHLISA? Dabcan, doodda ugu weyn ee ay soo jeedin doonaan, waa inaysan xoogba u helin si ay u dhisaan maamul, oo ay ku mashquul sanaayeen safka hore iyo sirta dirirta, balse, sida Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmarke mar hore yiri: “Gacanna qorigaan ku ridaynaa, gacanta kalana Vote-kaan ku bixinaynaa!” ka dib markay ku soo aadday doorashado dagaalkii 1964 dhacay.

Haddii tusaalooyin dhaxalgala jiraan, aanse cidna dhugaynayn, maxaan ku naallaa? Aan ka ahayn inaan nahay wada maqanaayaal aan joogin. Bal aan kala qaadee, AHLUSUNNADA GOBOLLADDA DHEXE waxaa Axmed C/salaam damcay qorshe ah inuu isu keeno siyaasiin iyo odoyaal ka soo jeeda deegaankaa, haddana, nasiib darro, isku daygaa isagoo curdun ah buu dhicisoobay, ka dib markii qarax lala eegtay Maqaayad ku taalla Magaalada Dhuusamareeb, oo ay ku geeriyoodeen Xildhibaan Yusuf Mire Seeraar iyo C/wali Aw Muxumed, kuna dhawaacmay Axmed C/salaan oo ahaa Aabbaha aragtidan watay. Aqriste, siduu u dhawaacmay adigu ma aragtay wax sheegayaa fikreddaa, hadday jiraanse, intee ayey la egyihiin? Waxaaba la dhihi lahaa: WAA GABLAN AAN GABBAAD LAHAYN! Aanba dabciyo si aan la ii dhihin waa Habaarramayaaye, aragtidaa waxay ku dhawdahay inay noqoto mid aan la hirgalin doonin, illeen wax warkeeda sheegayaba lama maqale.

Dhanka kale, GOBOLKA GEDO, waxaa sidoo kale ka jiray isku dayo dhawr ah, oo lagu damacsanaa in Gobolka maamul loogu sameeyo, balse, wali waxaaba lagu mashquulsan yahay iska caabinta Alshabaab. Haddana, waaba laga sii daray, ka dib markii Kenya laga keenay qorshe ay hormood ka yihiin Gaandi iyo Axmed Modoobe, oo dabada ka riixayaan Faarax Macallin iyo Yuusuf Xaaji. Waaba yaabe, rag Gaarisa wax u qaban la’ maxay Gobollo kale u gargaaraan? Haddii aysan ka ahayn; “SIDAAN U GUMOOBAY, HA LA IILA GUMOOBO!” “Tiisa daryeelaa, tu kale ku dara!” ayeyse murtidu ahayd. Qorshahaa oo la doonayo in maamul Kenyaati ah loogu dhiso Gobolka Gedo, taa oo ka dhigan fashilkii hore mid ka sii daran. Maxaa yeelay, haddii markii hore maamul la samayn waayey, ma waxaa lagu daboolayaa in Kenya dabada la gashto?.

Dabcan, aragtidan Kenyaanka dadka deegaanka aad ayey uga soo horjeedaan, haddana, waxaa hubaal ah haddaan qatarta sida ay tahay looga hortagin inay berri keeni karto dhib kii hore ka weyn, oo mar walba Gobolka u dhexeeyo isjiijiidka Kenya iyo Ethiopia. Illeyn Gobolka wuxuu ku yaal xadka labadaa dawladeed, oo labaduba ciidan ka joogo Waddanka.

Inta aan kugu gudajiray diyaarinta qormada, ayaan duljoogsaday laba war oo aad u kala fog. Midi wuxuu ahaa in heshiis iskaashi dhex maray labada Maamul ee GALMUDUG iyo XIMAN iyo XEEB. Kan kalana wuxuu ahaa Maamulka XIMAN iyo XEEB oo ka horjeestay shir ka dhacay Magaalada GAALKACYO oo u dhexeeyey AHLUSUNNO iyo GALMUDUG. Labada dhacdo waqti badan uma dhexeyn, haddaa, maxaa midna loo oggolaaday, midna shaki uga yimid?.

Warcelinta sida ay aniga ila tahay, waa sidan: horta AHLUSUNNO maamul ma ahan, ee waa JABHAD ku kacsanayd ALSHABAAB, halka labada kale u yihiin maamullo ay dhisteen dadka deegaanka, aanna hoos tagin aragti diimeed iyo magac wadaad midna.

Sidaa awgeed, marka la wada hadlayo ama wax la wadaagayo, waa in la helaa isu dhigmaasho iyo wadiiqo, waxaan uga jeedaa, Maamulka Ximan iyo Xeeb ilama ahan inay diiddan yihiin Odayaasha ama Siyaasisiinta degmooyinka Dhuusa mareeb, Guriceel ama Matabaan inay la xaajoodaan ama wada hadal la galaan, ee waxay ka biya diiddan yihiin waxay tahay Wadaad AL wata.

Ha is dhihin inay iyaguba ka maran yihiin, balse, markan gar wadeen uma aha, taa darteed, waa in la helaa rag badali kara magaca AL, haddii kale, dadaal walba wuxuu ku dhammaan natiijo la’aan, waaba haddaan la sii kala fogaan ama dirir kale dhicine, Allow naga haay adaa qaadiree.

Waxaa xusid mudan hadal uu yiri Madaxa Maamulka Galmudug Mudane Cabdi Qaybidiid, oo nuxurkiisu ahaa, inuu soo dhawaynayo qof walba oo ka qaybqaadanaya sidii loo ballaarin lahaa Maamulkaa. Taa oo keenaysa in xoogga la saaro is dhexgalka wax wadaagga iyo wax qaybsiga dadka deegaanka Gobollada Dhexe. Run ahaan aragtidaa waxay u baahan tahay in laga mira dhaliyo, oo dadaal iyo waqti badan la galiyo.

Tan kale ee muhimka ah ayaa ah in AHLUSUNNA aysan beel ahayn, meeshana waxaa dega waa beelo, dadka beelahaa u dhashayna qasab ma ahan inay feker diimeedka AHLUSUNNA wada aaminsan yihiin, sidaa awgeed, waa inaan lagu degdegin heshiisyada lala galayo Urur Diimeedka Ahlusunna, maxaa yeelay inta aragti Diimeed jirta ayey qayb ka yihiin.

Dhanka kale, marka la leeyahay Guddi Aqoon yahanno ayaa la magacaabayaa, waa iga su’aale, Aqoon yahan aan meel uu ku daaban yahay la garanayn sidee loo soo xulaa? Ha la soo xulee maxaa lagu soo xulaa? Ma waxaa qaybsanaya Galmudug iyo Ahlusunna? Saw deegaanka ma degaan in badan TOBAN BEELOOD? Meeye beelihii kale, mise labadaa beel kaliya ayaa go’aan ka gaaraysa inta kale ee ka maqnayd shirka? Iyadoo waliba qaarkood caddeeyeen inay ka soo horjeedaan shirkaa.

DHISME GOLE GUURTI XEER DHAQAN AH. 

GOLAHAN OO NOQONAYA MID U GOGOLXAARA ISFAHANKA BULSHADA GOBALLADA DHEXE una sameya dhabbaha ugu dhaw, ee lagu gaari karo DHISME MAAMAUL loo DHAN yahay.

DHISME GOLE DHEXE, oo u hawlgala dhisidda GUDDIYO FARSAMO ee leh AQOON YAHAANNO, CULUMO AWDIIN, GANACSATO IWM.

Ugu dambayn, inta goori goor tahay, waqtigu anaguu nagu socdaaye, oo dhallaankeena ayuu ku socdaaye, hadda sida xaal yahay wax ha laga bedelo, illeen wax ay cid wax soo waddaa ma muuqatee. Waxaan la yaabaa marka ay aragti iyo hadal ka dhiibteen maamul u samaynta Jubbooyinka, waxaa la yiri: “TIISA DARYEELAA TU KALE KU DAREE” maxay ugu yaalliin deegaanno kale? Illeen iyagaanba meelna haysane.

Dhanka kale, waa in la isku dayo in wax laga badalo sidii hore, waa in la isu geeyo cududda iyo caqliga, lana hirgaliyo maamul, illeen maamul marka la gaabsho wuxuusan dhaafayn saddax qodob oo kala ah:

1- Hoggaan kala haga maarayn maalmeedka iyo mutaqbalka dambe.

2- Hoggaanka ciidan ee suga nabadgalyada, ilaalinaya ammaanka iyo xasilloonida.

3- Guddoonka Garsoorka oo labadii qof ee is qoonta wax kala dhaha.

Dhawrkan qodob nimanka awoodi waayey inay hirgaliyaan wax loo sugaa aniga iima muuqdaan. Hubaal inay ku leeyihiin ama lagu leeyahay intuba waaba jiraan, haddana, sida ay u jiraan cid u garanaysaa ma jirto, illeen wixii dhan SHEEKH HEBEL baa wada hayee, oo hadda adigu kaalaay SHEEKHYO kala garo, war dhibkan jira bal eega.

Aan ku laabtee, Gobollada dhexe waxaa ka dhisan, GALMUDUG, XIMAN IYO XEEB IQB, inta kale, waxaanan u xusin sida kuwan oo kale meel rasmi ah uma maamulaan, marka laga reebo Hiiraan oo xaalkiisu gaar ah yahay oo xiriirna la leh dowladda dhexe, haddana uusan joogin maamul deegaanku doortey.

Haddaba, haddii aan AHLUSUNNA dhinac loo dhaafin, deegaankaa waligii arki maayo maamul. Adba AL ku doorso AL kale! Waxaan ka wadaa haddii Alshabaab meesha laga saaray, ASHA kale ee Alsunnana waa inay raacdaa. Illeyn nidaam hadday keenayaan intaan deegaanku uma afduubnaadeene.

Haddaan laga hortagin maqaarsaarka ay soo waddo Xabashidu, ee ay la damacsan tahay Gobollada Dhexe, waxaa hubaal in ay noqon doonto deegaan aan xasilloonayn maamulna ka dheer yahay. Bal adba eeg Gobolka Hiiraan waxaa jooga ciidanka Xabashida iyo Jabuuti, ilaa haddana maamul looma samayn. Ma kula tahay inay ujeed la’aan tahay? Ma kula tahay in dadka deegaanku aysan rabin inay maamul samaystaan?.

Qorshaha gacan ku rimiska ah ee Xabasidu rabto waa maamul ay ku magacaaban yihiin AHLUSUNNA, taa oo ay ka dhalinayso in ay sii kala dhantaalmaan deegaanna aanba hadda is haysan, ayna sii xoogaysato beelaysiga hadda ka muuqda saaxada siyaasadeed.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

6 Jawaabood " Ahlusunno: rajo gurtay iyo Xukun gurracan “Faallo Xasaasi ah” "

  1. abd says:

    Bashiroow Athkaar badan akhriso, nimankaan lagama hadlo, waa laga baqayaa, sababta looga baqo dadku waxay u qabaan iney Awliyo duusha yihiinm laakiin xaqiiqda saa maaha ee Waxay ukala baxaan Madax iyo Muriid, Madaxdu waa Saaxiriin oo cilmiyo kale ayay dantooda ku fushadaan, Muriidkuna waa ardey oo waxba makala oga nin walba sheekh buu leeyahey shiikhaas wuxuu ku shubo maahee wax wax kale ma galaan, waxaan anigu ku sheegayaa in dadka deegaannada ay ka taliyaan waa qasban yihiin oo cabsi ayaa laga qabaa waxaase is weydiin mudan hadday shiikyaal yihiin iyo haddii kaleba maxay gobollada beesha Sade loogu beeray? Sidoo kale ashabaab maxay gedo ugu mintidayaa oo waligood ay uga dhaqaaqi la yihiin, ninkii shaley ku xasuuqayay ayaa intuu cimaamad kuu soo qaatey ayuu caruurtii uu agoomeeyey walammo ka qaadayaa oo waliba ku xukumayaa, waa arrin cajiib ah, ree sade diinta aysan aqoon oo la barayaa maxay tahey? aaweyse culumadoodii, maxaa keenay inay 2 urur diimeed oo aan u dhalan beesha kala qaybsadaan? maxaa ummadda kaloo dhan wey iska caabiyaane beesha Sade urur diimeeyada hoosta ugu heystaan? kuwa dhashey waaba la gartaye kuwa beelaha kale ka soo carara maxaa C/waaq iyo Gedo inta lagu soo dhaweeyo haddana uga amar ku taag leeyaan Oo beri ma geydada ugu laayaan, waxaan filayaa shax dheer baa meesha ka socota cid ka danbeysaba.

    An soo gunaanadee Carrabeey ,iyo M.xayir waa 2 nin oo udhashey C/waaq ,Maamul bay dhiseen beeshoo dhan waa ku raacsaneyd waxaa is hor taagey oo fashiliyey rag aan beeshaba aheyn oo C/waaq ka arrimiya, marka
    waxba yaan la warwareegine raggaan iyo al-shabaab waxba ma kala sokeeyaan midna xabbad bay dadka ku dhameeyan iyo gawrac iyo bara kac, midna sixir, ee iney maanta jufada C/waaq baraxleey looga taliyo waa wax cajiiba. wayba fiicnaan laheyd haddi samaan lagu heshiiyo ee degmo dhan oo Gallinsoor la yiraahdo bay galmudug xoog ku heystaan ee mala weydiiyey horta iney ka baxaan deegaannada ay xoogga ku heystaan? jawaabtu waa maya yaaban laga hadlin baa taagan.

    Aniga anigoo yar oo 10 jir ah ayaa nin aan ree c/waaq aheyn oo xer iska dhigaya isixray wuxuuxa igu yiri dariiqada qaadiriyada yaan ku siinayaa, kaligayba maahayne dhallin yaro badan oo ree C/waaq ah ayuu ninkaasu sixray oo ku yiri dariiqaan idin siinayaa, markii aan culima badan weydiiyey qaabkuu wax u sameeynaye waxy isku raaceen inuu sixir ahaa Wallaahi ma sameynayo arrintan waa run, waxay ku aaddan tahey qiyaasti 1979-80 yaadkii, masaajidka weyn ee c/waaq buu markii lagu kala tago salaadda cishe ku hari jirey oo intuu nalka damiyo oo xeero caano ah wax ku aqriyo ayuu madaxa inta gacanta kaaro ayuu af aan la garaneyn wax ku aqrin jirey intuu cirka fiiriyo, caruur baan aheyn oo waxaas diin baan u maleynayney, waxaan u maleynayaa in rag badan ninkaa ila garanayaan mana aheyn nin ka soo beelaha C/waaq dega. aad baan ula yaaba waxa ku kallifay ninkaas falkaas iyo cadawnimada intaas le-eg ee caruuraha la iska sixrayo,.

    Gunaanadkii ree Sadoow sida tahay Deero ama Cawl ha la idiin cayrsado.

  2. saami says:

    qoraagan waxbuu isku dhex yaaciyay! hadalkiisana aad looma fahmaayo! mar gobolada dhexe mar jubooyinka marba meel isku qaad. lakin waxan ka fahmay inuu maamul la rabo gobolada dhexe ahlusunana aysan xal u ehen, xaga kale jubooyinka maamulka lagu sheegayo inay wataan dad gooniya ayuu ka dhigay! qabiil ayaa ka dhex guuxaya, dadka deeganadan haday hada toosen o rabaan maamul waa sax yusuf haji iyo faraxna haday wax inala rabaan waan so dhaweynaynaa. waana wax fiican. ogolaanshaha maamul u samayntana dadka deganka ayay ku xirantahay.

  3. Samo wade says:

    Kkkkkkk Sade waa reer ba’aw yaa ku keh Allaaah bayna leeyihiin kuwii wax garto oo tashadana alle haka dhigo, wallow ay gacmahooda isku lumiyen wax walbo ku dhaceyna ay ayaga Isugu geysteen.ninka Sami watoow Faarax Macalin iyo Yusuf xaji ayaga ayaa refuge ah oo sidii looma oyanka Kolba lalaayaa cidwalbana waa ogtahay wixii soo jirenka ahaa kuwii ugu danbeeyey laga soo bilabo hadalkii ay tiri marti kurua ee ahaa Somali waa wada qaxoti hadey Kenyan yihiin iyo hadey kuwa somalida yihiin 2006 bayna ahed dhacdadas ama isla ayamahas ee ayaga north eastern wax ha uqabten intey somalida iyo Jubooyinka faraha ka qadan adigana Allaah ka cabso oo wax qabso intaad iska daysid hebel baa wax noo qabanayo

  4. Qolof says:

    KKKKKKKKKKKKKK nin ka Abdi la baxay ee comentiga kor ku qoray waa iga qosliyey sxb laakiin waxaad sheegeysid wax badan baa ka jira kkkkkkkk. marka micnahaagu beesha C/waaq waxaa lagu heystaa sixr?kkkkkk.

  5. saami says:

    @samo wade kula yaabi maayo o somalidu qofkii wax haysta ilaahay ha u siyaadiyo ma dhahan ee way xaasidaan.reer North Eastern ilaahay ha u siyaadiyo nabad iyo nolosha ay haystaan. waad jeclaan lahayd sidaad u qaxday inay u qxaan o qoxoti noqdaan lakin ilaahay ma dhihin.walaalkaa nabada u quur.

  6. husein says:

    Su aasheyda yaa iiga jawaabaya waa yaabe ???
    sida aan ognahay somalia in ay joogaan labo koox-diimeed ah mid waxaa la yiraahdaa 1-ahlu-sunna waljamaaca 2=al itixaad al islaami
    Waxaan ognahay in somalia 100% islaam tahay waxaan kaloo ognahay taariikhda labadaan kooxood so that ka jawaab su aalahaan ???
    1-qof masaajid ka soo baxay yaa ku hordilay labadooda ???
    2-qof yaa miino ku xiray oo isqarxi dhahay labadooda ???
    3-yaa dad gaaleysiiyay oo jano ku raadsaday 2dooda ???
    4-yaa gabdhaha xoog ku guursaday labadooda ???????
    5-100sano ka hor dadka diinta yaa bari jiray 2doda ????
    6-yaa aqoonbadan xaga barida diinta labadooda ??????
    7-hadii aad caydo yaad ka nabad galee 2doda ?????
    iska ilaali caadifad qabiil iyo nin jecleysi