Home » News, Suugaan »

Dhageyso ciyaarta Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ee loo yaqaan gaaleysada.

ila-ciyaarHalkaan waxaan kusoo gudbinayaa Barnaamij gaar ah oo ku Saabsan mid ka mid ah Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka ee loogu jecel yahay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciyaarta loo yaqaano Gaaleysada oo si weyn looga Qadariyo Gobolka Gedo.

Dadka u kuurgala arimaha Ciyaarta Gaaleysada  ayaa waxaa ay sheegeen in ciyaartaasi in dhaqan ahaan ay soo shaac baxdey mudo haatan laga joogo ilaa 200 oo sano oo ah horaantii Qarnigii 19aad xilligii dalka Soomaliya ay maamulayeen Gumaystayashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn waqtiga dhabta.

Haddaba, iyadoo soo shaac bixida Ciyaarta Gaaleysadana nuxurka ugu weyna ay tahay Guubaabo iyo amaan, taasoo inta badana ay isu jiibayaan Haween, kana kooban Geeraaro, Subcis, Alalaas iyo wax la mid ah, taasoo soo jirtey mudo fog,ilaa iyo haddana laga Ciyaaro qeybo ka mid ah Gobolada Koonfurta Soomaliya.

Hadaba Barnaamijkani ayaa waxaan ku dhageysan doonaa mid ka mid ah Ciyaarta Gaaleysada ah oo ilaa iyo hadda laga dhageysto Gobolka Gedo iyo Wareysi gaar ah oo aan la yeeshay Abwaan Cabdi kaamuun Cabdile  oo mudo ka badan ilaa 45 sano ka dhexmuuqday Ciyaarta Gaaleysada iyo Warsame Cabdulaahi Xasan Nuur Axmed Maxamuud Cali oo ka mid ah dadka wax ka qora arimaha dhaqanka Soomalida, gaar ahaan Gaaleysada a ee laga tunto Gobolka Gedo.

  Halkaan ka dhageyso ciyaarta Gaaleysada

————-
Diyaariye: Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo
Saalixi225@hotmail.com

line2

Link-iga hoose Guji si aad u dhageysato barnaamij hore oo la xariira Saarka oo ka mid ah ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida ee laga ciyaaro gobolka Gedo.

http://www.allgedo.com/2011/11/08/barnaamij-gaar-ah-oo-ku-saabsan-saarka-oo-ah-mid-ka-mid-ah-ciyaaraha-hiddaha-iyo-dhaqanka-soomaaliya-halkaan-ka-dhageyso/

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Dhageyso ciyaarta Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ee loo yaqaan gaaleysada. "

  1. abuu mucaad says:

    asc dhamaan waan idin wada salamaay salaan kadib diinteena islaamka waxaa jiro wax yaalo ay noo diiday oo ka soo hor jeeda diinta laakiin dhaqanka wixii aan ka hor imaaneeyn diintu ma diida bal way sugtay sidii dhacdayba xiligii nabi muxamed s.c.w ok ciyaaraha gobalkaan gedo waxaa xaaraam ah mida saarka la dhahho oo ay sababtu ay keeneeysu is dhex galka raga iyo dumarka tan ka loo ah mida moora jiidka iyo nin ka loo soo ciyaaraayo ayadoo la aamin san yahay in ay wax tareeyso oo ah nin ka dhali waayay in uu dhal ku helaayo geelo in uu ku bato intaas baa xun ee gaaleeysada iyo mida heesta geelaba dhib malahan ee saarka hadii laga saaro is dhex galka waa ok laakiin midaan gaaleeysada waa ok hadaysan jirin hadalo xun xun ida shirki bilaahi xiligii nabi geena waxaa dhacday in ay rag ku dhex ciyaareen masaajidka ciyaar oo waliba ay caa isha ay daawaneeysay taas oo kale dhib malahan laakiin gaaleeysada anigu waxaa dhihi lahaa haa lagu daro dhaqan keena wabilaahi toowfiiq

  2. A.A.Xade says:

    Mahadsanid Cumar Saalixi Gaaleeysadan quruxda badan ee aad inoo soo gelisay. Laakiin waxaa yara qaldan, warbixinta uu dhiibayo ninka aad Amwaanka ku sheegtay ee aan u maleeynayo in uu yahay dadkii gadaal ka gaarka ahaa. Taas oo ah, Gaaleeysada waxaa laga soo gaaray Dagoodiga deggan NFD, iyo labo boqol oo sano ayaa Gedo laga cayaarayey.

    Gaaleeyso waa laga cayaari jiray Gedo illaa iyo intii aay jirtay ama aay deganaayeen dadka loo yaqaano reer guriga ama lagaba soo billaabo qarnigii 17aad. Dagoodina lagama soo gaarine waxaa laga Cayaaraa, min Nageeyla illaa iyo Gaarisa, min Raaskaambooni illaa iyo Dooloow, cid gooni loogu nisbeyn karana ma jirto.

    Jubbooyinkana waxaa laga yiraahdaa, Saar lugeed wuuna ka qaab duwanyahay kan Gedo Laakiin labaduba rag soocan ayaa cayaara waana cayaar aqyaareed ama xafladeed saarka ka duwan.

  3. Wan idinsalamay maamulka allgedo iyo good ahan somaliweyn markan uso laabto ciyaarta gaaleeysada horta waa ciyaar aad uxiisa badan aad jecleysaneysid markey isku dhacta ciyaarta lkn allgedo waxad soqorten in ay naagaha ama haweenka jiibiyaan gaaleeysada ay ciyaaran ree gedo haweenka doorka ay kaqataan waa alalaaska ee majiran meelkale o ay kasogalan haween wadna mahadsan tihiin

  4. gedo boy says:

    asc horta cayaarta gaalaysada wax ay khaas u tahay gobalka gedo isku midna mahan iyada iyo sarka labo ayay kala yihiin oo wxay ku kala duwanyihiin galaysada waxaa loo cayaaraa badanaa aroosyada waxaana cayaaro dhalinyarada oo kaliya waxaa amaan loo tiriyaa arooska iyo aroosada mana jiraaan waxa uu ninka magiciisa ku sheegay abuu hebel oo is dhexgalka uu ka hadalay majirto bataatan doorka hawaynka ay ku lkeeyihii sida ay raga qaar u sheegeen waa alalaas waa cayaar hido dhaqan ah oo dad walba waxa ay leeyihiin calture saarka asaga waa uu ka duwanyahay oo waxaa la cayaaraa xilaga barwaaqada ah ee xooluhu nimcaysanyihiin waxaana la cayaaraa habaynkii oo dhalinyarada raga iyo dumara ayaa wada ciyaara waana ciyaar aad u xiisabadan mararka qaarkooda waa la isu xoogsheegtaa oo ninka oogu xooga badan ayaa cayaara oo gabdha ay amaanaan ilaa uu ka baxo cid soo gali karto ma jito marka waa sidaas