Home » News »

Guddoomiye ku xigeenkii Labaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed oo ku Geeriyooday Muqdisho

Muqdisho, Somalia (AOL) – Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Halyeyga Isboorti  Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman) [Eeg masawirka hoose) oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii  labaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed.

Xasan Axmed Cabdi -Xasan Elman-2013

Marxuum Xasan  Elman ayaa lagu xasuustaa qeybtii lixaadka lahayd ee uu ka qaatay horumarinta  ciyaaraha  gaar ahaan Kubadda Cagta. Wuxuuna qeyb weyn ka qaatay Tayeyntii iyo horumarintii naadiga Elman tasoo ay ku raacday Naaneystiisa (Xasan Elman).

Dadaal iyo karti uu ka muujiyay  Isboortiga dalka  waxaa 19kii Febraayo 2009 loo doortay  ku xigeenka 3aad ee GOS, Sidoo kale 3da bishan Janaayo 2013 waxaa loo doortay  xilka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Guddiga  Olambikada Soomaaliyeed.

Isla maanta ayaana Aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, Iyadoo  ay ka soo qeybgaleen madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Madaxda sare ee GOS, Madaxda Xiriirada kala duwan  iyo Bahda Isboortiga  oo aan u kala harin.

BAHDA ISBOORTIGA OO TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAAYA EHELADA MARXUUM XASAN ELMAN:

Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
C/llaahi Axmed Tarabi
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
Cabdi Xasan Axmed (Wataac)
Guddoomiye ku xigeenka 3-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed
Ibraahim Abuukar Shaamoow
Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax
Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo)
Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe (Eenoow)
Guddoomiyaha XSKC  Cali Saciid Guuleed
Guddoomiyaha XSKL Prof Maxamed Cali Caddoow
Guddoomiyaha Teakwondo Aweys Abanuur Abati (Orafeeyo)
Guddoomiyaha Feerka Xaaji Axmed Maxamed Coloow
Guddoomiye ku xigeenka XCF Khadiijo Aadan Daahir
GX.K.K Maxamed Xaaji Cali
GX.K.K Cali Xasan Cali
GX.K.K C/Casiis Goodax
Xogahayaaha XSKK Saciid Ducaale
Xogahayaaha XSKC C/qani Saciid Carab
Xogahayaaha XSCF Faarax Cali Macalin

Dhamaan Guddoomiyeyaasha iyo madaxda xiriirada kala duwan ee heer Qaran iyo Ururada isboortiga, dhamaan guddoomiyeyaasha Olombikada Gobolada dalka iyo kuwa degmooyinka gobolka Banaadir, dhamaan Garsooreyaasha,Ciyaartoyda,Tababareyaasha iyo taageerayaasha ciyaaraha, saxaafadda iyo dhamaan bahweynta ciyaaraha Soomaaliyeed waxayna Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehelada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee  Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman]  oo ku geeriyootay magaalada  Muqdisho waxayna illaah uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo qarabaadii uu ka geeriyoodayna samir Iimaan Eebbe ka siiyo.

Aamiin.. Aamiin.. Aamiin.

———-
Said Ibrahim
saciid_buuna@hotmail.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.