Home » News »

Hungo: Wadanka Holand oo qaadkii laga joojiyay iyo dalka Ingiriiska oo ku xigi doona.

Waa ilaaheey mahadiise halgan dheer dabadiis waxaa isa soo taraya  guulaha laga gaaray la dagaalanka qaaddka ee qaarada yurub waa ilaahey mahadiise waxaa waxaa magaalooyinka Amsterdam, Rotherdam iyo gebi ahaanba wadanka Holand laga maqlayey Mashxarad iyo dabaaldeg ka soo yeeraya dumarka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka holand sidoo kale dhinaca kalena waxaa ka socda ALLE bari iyo dadka oo ilaahey ugu mahad naqaya ka joojinta jaadka ee wadanka Holand.

AAA
Abukar Awale (Qaad DiiD), Gudoomiyaha la dagaalanka Qaadka.

Dhinaca kalena wadanka ingriiska oo ah wadanka kaliya ee reer galbeeda oo qaadku ilaa hada si sharciya oo raamsanayo ayaa muqayiliinta wejiyadooda waxaa ka muuqda wel-wel ay is leeyihiin toloow UK na ma laga joojin doonaa  waa dantooda oo aysan weli garowsane, xaga kalena waxaa aad iyo aad u kacsan hididiilada waxgaradka iyo dumarka Soomaaliyeed ee  Magaalada London ku waasoo ku ducaysanaya Ilaahigii Holand ka joojiyoow ingiriiskana ku dar.

Dowlada Kenya oo iyadu dhumisay qeyb wen oo  ka mida dhaqaalihii qaadka kasoo geli jirey kadib markii laga madnuucay wadanka Holand ayaa iyaduna Si aad u weyn ugu dagaalamaysa inaysan ingriiskuna joojin qaadka, shirka dhacay magaalada London maalinkii shalay 7/1/13 oo looga arinsanayey sidii qaadka laga yeeli lahaa iyadoo go’aan kama danbaysa laga sugayo dowlada ingiiska inay soosaarto dhamaadka bishatan ayaa shirkaas waxaa kasoo qeyb galay ergo kasocota Dowlada Kenya  ku waasoo iyagoo isku dayeyey inay isticmaalaan wax walba oo macquula loogana hortagi karo inaan ingiriisku marin wadadii holand, ergadaas ayaa  ka codsaday dowlada ingriiska inaan qaadka laga joojin UK, iyagoo sheegay in lacagta qaadka laga helo qaar kamida lagu dhiso Kaniisado laguna fidiyo Diinta Kiristiyaanka. (Subxaanalaah) Iyagoo arintaas uga raadineyey beer laxawsi diimeed in loogu hiiliyo.

Dowlada Ingiriiska ayaa Muujisay inay aad uga wel-wel santahay dadka Soomaalida ah oo usoo qulquli doona London iyagoo ah ceelyeelad ah, oo qaaad raadinaya waxayna walaac weyn ka muujiyeen in London isu bedeli doonto Marfish weyn oo Soomaalidu usoo qayilaad tagto, taasoo kordhin karta denbiyada la xariira keenida iyo ka ganacsiga qaadka iyo iyadoo qaadka oo kootara baana la isku deyi doono inay u dhoofiyaan qaarada yurub inteeda kale, Ameerika iyo Canada.

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa inay ergadaas Kenyaatiga ahaa ay kala kulmeen dowlada ingiiska weji gabax iyagoo ku hungoobey codsigii diinta kirishtanka huwanaa oo ay wateen..kuna beel laxawsanayeen.

Dhanka kalena Anagoo ku hadlaynay magaca Soomaalida ayaan gaashaanka u dhignay weerarka Kenya ay ku doonaysay inay sii wadato qorsheheedii qaadka UK oo aan kutimaamay dhiig miirato daroogo ku laynaya caruurta Soomaaliyeed ee Britishka ah kuwaasoo ay dowlada ingiriiska masuuliyad ka saran tahay in laga hortago wax alaale wixii dhibaato u keeni kara dhalinyarada Soomaaliyeed  anigoo ku goodiniya arintaas ayaan waxaan tilmaamay in dhalintarada Soomaaliyeed ay kamid yihiin dhalinyarada wadankaan UK, horumar iyo guulo badana u soo hoyiyey sharafta iyo karaamada ingriiska anigoo weliba tusaale ahaan usoo qaatay Mohamed Farah oo sanad kii tegey gilgiley quluubta wadankan una soo hoyiyey 2 biladood oo dahaba.

Gebagebadii shirka  ayay masuuliyiintaas mataleyey dowlada Kenya ayaa iyagoo hanjabaya  axdi iyo balan ku qaadeen inay kordhin doonaan qaadka Soomaaliya la geeyo iyagoo tilmaamey inay qiimo jabin ku samayn doonaan qaadka Soomaaliya si dhalainyarada iyo dadka aan awoodin ay u gataan, arintaas anigoo ka jawaabaya ayaanu ku dhiirinay inaanu   Masuuliyiintii Kenya ugu cagajuglayno Soomaali way toostay waana la ogaaday inaad tihiin dhiigmiirato doonaya inay Soomaaliya ku gumeystaan Qaadka arintaasina sanadaha Soosocda ay soo afjarmi doonto anagoo tilmaanay in Dowlada Soomaaliya ay wax kaqaban doonto in sidoo kale dhinaca Soomaaliland  Gudoomiye Faysal Cali waraabe oo lagu yaqwaan nin aan gaban uu hangoolkiisii qaadka u qaatay inuu la dagaalamo Qaadka iyo Sigaarka, anigoo arintaas kusii dhiiranaya ayaan tilmaamay hadii xukunka Soomaaliland UCID qabatana waad ku hungoobi doontaan oo doolar dabe ka qaadi maysaan Soomaaliland idinka iyo itoobiyaba.

Waxaan kaloo dhinaca kalena ugu caga jugleeyney in Madaxweynaha Puntland uu yahay nin aad u neceb qaadka isla markaasna ah nin wuxii uu  usoo jeesto aan kaharin ilaa uu guul kagaaro, muluq-muluqdii iyo mucaaradyada oo soo afjarmaya Puntland markuu kasoo jeestana dharbaaxadiisu way ku dhixi doontaa ganacsiga qaadka oo Puntland ku haya faro kulul.

Gebagebadii ayaanu anagoo giir iska kicinayna ku goodinay inay Kenya iyo Itoobiyaba ku Hungoobi doonaan dhawaan dhaqaalihii ay ka guran jireen Wadankan ingiriiska, kadibna waxaanu dagaal cir iyo dhulaba kusoo qaadi Doonaa (OLOLLE)  Wadankayagii si aan gaashaanka ugu dhigno   gumeysigiina qaadka.

————-
Abukar Awale (Qaad DiiD)
Gudoomiyaha la dagaalanka Qaadka
abukar_aw@yahoo.co.uk

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.