Home » News »

Xusuusta Reer Puntland 4 Sano kaddib dadkii sida xaqdarada ah looga laayay (Arag magacyada marxuumiintii la laayay)

Waxaa Dhaman shacabka rer Puntland maskaxdooda kasii guxaysa samayn na kuyelatay Noloshooda Dilalii Fosha xumaa ee lagu dilay Xildhibandii, Isimdii, Mabadoondii, Ganacsatdii, Sarakiishii, Xer-ilaliyayashii iyo Gudoomiyayaashii aygoon waxba galabsan la dilay, Ilayo hadana an cida Dishay  an lababa iswaydiin, Cidlo max kamadeyay ama Danbigas laga Jaseeyayna aysan jirin iyo cid wax katiriba an la arag.

Gacankudhiglayashii Dilayna ay Wali sinabdoon ku jogan Dhulka korkiisa, Cid wax kaqabatay iyo Cid ilaayo hadaba ku howlana aysan jirin, Sababaha lolayayna aysan ahayn Danbi ay cid kagale ee ay tahay Sababa Dahsoon, liska Hagaayashii Umada Somaliyaded Gar-ahan reer Puntland ee Gacanta ka xaqdarani dishay ban Qarkod idin soogudbinaynaah, Alaha Unaxariistee Manan Ilawin Mana Ilawi doono Cida sida Naxariisdarada ah  udishay Halgamayashaydii Umadayda.

LISKA WASIIRADA IYO XILDHIBANAD BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQ DARANI DISHAY:

1) Wasiirkii warsame abdi shirwac (Seefta banaanka) la dilay Augusto 5, 2009 galkacayo

2) Xildhiban Ibrahim cilmi warsame (gaab) la dilay bishii Novembar 2009 Garowe, Gudiga golayasha puntland.
3)Xildhibaan mahamud abdi jibriil (daqare) xildhibaan barlamank puntland, la dilay bishii jan 19, 2010, Bosaso
4)Xildhibaan abdulahi ali karad la dilay bishii Jan 5, 2010 Bosaso
5)Xildhibaan Ibrahim Elmila dilay Nov 12, 2009 bosaso.

LISKA GUDOMIYAYASHA IYO XER ILALIYAYASHA BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQDARANI DISHAY:

1) Gudoomiya abdulahi Mahdi Hassan (sayidka):gudomiyihii ururka ardaydasoomaliyeed, la dilay Jan 31 2010 Bosaso

2) Gudoomiyihii karkaar: Yaasiin siciid husen la dilay Apr 27 2009 dhudhub, karkaar
3) Gudoomiyihi maxkamada darajada 1AAD: sheikh Mohamed Abdi Aware, la dilay nov 11 2009 bosaso
4) Gudomiye racfanka gobola mudug: sheikh  husen Mohamed khaliif, la dilay feb 8 2011 galkacayo.
 5) Xeer-ilaaliyihii gobolka mudug: abdulqadir jamac nugal (caato) la dilay jan 25  galkacayo.
6) Xeer ilaaliye mahamud awmuuse geele (timajilic) xeer ilaaliyhii gobolka mudud la dilay bishii jun 27 2011 Galkacayo
 7) Xeer I laaliya Ali Jamac Qalas  waxaa la dilay bishii june 12 2012 Bosaso
 8) Xeer I laaliye ahaana taliya ku xigeen akdeemiyada Carmo; col Abdulahi salax shirwac..waxaa la dilay bishii nov 30 2010 Bosaso.

LISKA ISIMADA BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQ DARANI DISHAY:

1) Suldaan ciisa hasan cumar la dilay nov 21 2010 bosaso

2) Nabadoon c/risaq maxamud guhaad la dilay 23 2008 galkacayo
3) Nabadoon warsame Yusuf Islaan (cirfe(: odayshii dhaqanka Mudug, la dilay Jan 3 2011 Galkacayo
4) Nabadoon cadbi kacaan la dilay feb 2009 galkacayo
5) Nabadoon ruur xirsi Osman (walwaal)la dilay march 30 2011 galkacayo
6) Nabadoon salah abdi salaam ahmed  la dilay apr 2011 masjidu raxma Bosaso
7) Nabadoon sacid hasan cumar (kashawiito) la dilay april bosaso masjidka alrashiid
8) Nabadoon Ahmed Salad CAynab : nabadoonadii Gobolka bari, la dilay march 28 2011, bosaso
9) Nabdoon Husen ALi dude: gudoomiyihii nabdagelyada gobola mudug,  la dilay bishii March 2011 Galkacayo.

LISKA SARAKISHA BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQ DARANI DISHAY:

1) G/sare Yasin Ahmed Sanwayne taliyihii ciidanka sirdoonka, la dilay bishii Apr 2009 galkcayo

2) G/sare warsame Yusuf ahmed (yey) taliyihii dembi barista (CID) la dilay dec 1 2010
3) G/sare Husen Ali Farah taliyihii saldhiga baalade, la dilay dec 10 2010 boaso.
4) G/sare ahmed Jamaac salah sarkaal puntland police, la dilay bish dec 2, 2010 Garowe
5) G/sare  mukhtaar sheikh ALi la dilay bishii April 22, 2011 lagu dilay Garowe
6) G/sare Mahamed Muse Ilkadheere: taliyihii ciianka darawiishta gobolka cayn and mudug
7) Taliye Osman Abdidahir Mahamud (coor-coor): sarakiisha gobolka Mudug la dilay Bishii Dec  12 2009
8) Taliye sool ina ilka dheere
9) Taliye G/sare Ahmed Hassan Haji (dhoonge) taliyihii saldhiga biya kulule, la dilay septembar 5, 2010 Bosaso.

LISKA AQOONYAHANADA BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQ DARANI DISHAY:

1) Prof sheikh Ahmed Haji A/rahman: Asasayaashii PSU,  macalin, Prof wax ka dhiga jamacada psu  lagu dilay bosaso Dec 5 2011

2) Aqoon Yahan mohamed yasin ilka case: agaasimihii guud ee PDRC waxaa la dilay bishii abril 2011 garowe
3) Aqoon Yahan ah Sheikh Ismail haji husen: agaasimihii diinta iyo awqaafta, la dilay bishii Apr 16 2011 galkacayo
4) Aqoon Yahan  Agaasime sheikh ismail haji husen la dilay 16 apr 2011 galkacayo.

LISKA GANACSATADA XALALMIRADKA AH EE BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQDARANI DISHAY:

1) Ganacsade Hassan ahmed ali, lagu dilay Galkacayo

2) Ganacsade Mohamed cumar Guray: la dilay bishii April 27 2011 Galkacayo
3)Ganacsade A/salan Warsame Awmahamud: la dilay bishii may 14 2011 Bosaso
4) Ganacsade Abdinuur Salah Dhiidhix: la dilay Bishii May 16 2011 lagu dilay Bosaso
5) Ganacsade ali jamac biixi (janogale) july 9 2009 galkacayo
6) Ganacsade Cumar Awmuse Mahamed: ganacsade ahaana masuuliyiinta shirkada Red sea, la dilay  bishii june 20, 2011
7) Ganacsade/gudomiyihii hore ufayn: shire sicid Osman (walbaq) la dilay May 14 2011
8) Ganacsade mahamud sheikh Osman la dilay oct 8 2009 galkacayo.
qaymaynta
WAXAAN MAR LABAD UGA TACSIYADEYNAYAAH DHAMAN UMADA SOMALIYADEED GAR AHAN SHACABKA U DHABAR ADAYGAY TABAYNA EE ADKAYSIGA IYO SAMIRKA LAGUYAQAAN  SAMIRKA, ASTANTANA U AH NABADA,  XILIGA ADAGNA U BAR-BAR DHIGA SIDA DHACDAY INBADANBA  EE RER PUNTLAND.
MARXUUMINTAN GACANTA KA XAQ DARANI DISHAYNA ILAHAY WAXAAN KABAR YAYNAAH IN UU JANO FARDOWSO KAWARABIYO
AMIIN AMIIN AMIIN
—————–
Dr. Shirwa Abdisalan Mohamud (Jibriil)

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

8 Jawaabood " Xusuusta Reer Puntland 4 Sano kaddib dadkii sida xaqdarada ah looga laayay (Arag magacyada marxuumiintii la laayay) "

  1. Nabadoon says:

    Inaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, 43 isugu jira madaxii gobolka, su aashu waa ka dambeeya dilalkaa? waxaan filayaa kulli hal meel baa la agaasimay qorshe qoto dheer baana laga leeyahay waxaa bulshada ku dhex dhuumanaya waxa loo yaqaan — hitmen= ama =assasins= ee sidey ku dhacday in hal laga qaban waayo, ama war looga heliwaayo waa yaab.

    Allah ha u naxariisto.

  2. runsheeg says:

    shaki kumo jiro faroole ayaa ka danbeeya haduusan ka danbeen bal idinku isweydiiya maxaa isku aadiyey 4tii sano uu faroole meesha joogay iyo dilalka qorsheysan?? BIRMAGAYDADII iyo masuuliyiintii dilalka qorsheysan lagu laayey beesha faroole ee ciise riyoole maxaa ka reebey ama ay uga mid noqon waayeen?? waa su’aal da’weynoo madaxa daalineysa!!!!!!!!!

  3. Raaxo-qarad says:

    ALLgedo su,aal fudud ayaan rabaa in aad jawaab run ah iga siisaan.marka hore waxaan aniguna leehay sidaad idinkuba ugu ducayseen illaahow u naxariiso dadkeenii xaqdarada lagu laayey kuwii hore kuwii dhexe iyo kuwa dameba.marka xiga dadka reer puntland 40 sano in ka badan xasuuqaas aan cidina wax iska waydiin waa ku socday waana hubaal in mar wax la iska waydiin doono oo uu qof waliba xaqiisa helayo. intaa kadib.SU.AASHEYDU WAA: MAXAA XILIGAAN KU TOOSIYAY INAAD XASUUSATAAN AMA KA HADASHAAN DADKII PUNTLAND LAGA LAAYEY SANADIHII UGU DA MEEYAY? waxaan kaloo idin xasuusinayaa in dalkeena inta kale oo dhammi ay ka dil badan tahay,oo lago yaabo in meelaha kaloo dhan badanaa maalintii ugu yaraan 5 qof lagu dilo.Waad mahadsan tihiin Allgedo ujeedadiinnu waxay doonto ha ahaatee, jawaabtana waan idin ka sugayaa.

    —————–

    From: Allgedo Online

    Akhriste, waxaan fileynaa in aad su’aal aad u fudud na weydiisay. Walaal, qoraalka allgedo ma qorin ee waxaa qoray noona soo gudbiyay ninka ay magaciisa iyo email-kiisa qoraalka ku hoos qoran yihiin. Fadlan, wixii su’aal ah ee qoraalka la xariira kala xariir qoraha maqaalka soo qoray adiga oo kala xariirayo Email-ka ku hoos qoran.

    Wabilaahi towfiiq.

    Maamulka AOL.

  4. sharmaake says:

    waan idin salaamay dhamaan shaqaalaha shabakada allgedo online iyo weliba qoraaga soo gudbiyay iyo dhamaan ummada soomaaliyeed meel kastoo ay joogto, dhanka kale dadka la laayayna ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo eheladoodiina samir iyo iimaan ha ka siiyo aamiin
    dhanka kale waxaa haboonaan lahayd dilalka qorshaysan soomaaliyoo dhan bay ka dhacayeene bal iyadana waxaan ka codsanayaa qoraagu inuu soo baadi goobo dadkaas waanan uga mahad celinayaa qoraaga iyo allgedo online waxaanse la yaabanahay raaxo waxa ay ku mucaaradayso in la soo gudbiyo dadka cuqaasha iyo culumoudiinka iyo aqoon yahanada iyo saraakiisha iyo dhamaan dadkaas soomaaliyeed ee la laayay haduu is xilqaamay dr soomaaliyeed oo uu soo uruuriyay dilalkaas ka dhacay puntland dabcan waxaanan inta badan gobolada koonfurta loo raadinin waa dawladi kama jirin mana jirin maamul hantiya siday u burburtay dawladii allaha u naxariistee maxamed siyaad barre marka yaa lagula xisaabtami yaase la waydiin dagaaladii sokeeye waxyaabihii dhacay xageese laga raadin dadkaa la laayay

  5. calas says:

    kkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkk qofkii aan qorin wax aad rabtaan waa waad ka saraysaan qoraalkiisa

  6. calas is deji ha deg degin duqa maxaas jiro.

  7. allgedo waad kacsantihiin waxaad ka heshaan xamar waxba hanaga siinina jaalayaal.

  8. abdi says:

    waxaan idiin sheegayaa markii maxakiimtu iyo all shabaabka ay soo aas aasmaayeen waxaa ka bilaamay xamar in qofkii aqoonleh ama waaya aragaba la toogto markaa waxaan u arkaa in urur siyaasadaysan uu ka dilaacidoona dhawaan puntland ama diin ha ku adeegtaan ama siyaasad kale ha ku adeegatee hadii aan dadku iska fahmin sida ugu dhakhsaha badam