Home » News »

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Weriye Cabdicasiis Koronto, su’aalana weydiiyay weriye kale

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xariga loo geystay weriye Cabdulcasiis Abdinuur Ibrahim (Cabdicasiis Koronto) oo ku xiran xarunta Baarista dembiyada ee CID, iyadoo maxkamadi xarigaas dalban, isla markaasna ku baaqay in si deg deg ah weriyaha xorriyadiisii dib loogu soo celiyo.

Weriye Cabdulcasiis Abdinuur Ibrahim (Cabdicasiis Koronto) oo u shaqeeya Radiyaha Ergo iyo Dalsan, isagoo sidoo kale wakiil wareed u ahaa Jariirada Daily Telegraph,   ayaa loo heystaa warbixin laga sii daayay telefishinka Aljazeera oo ku saabsaneyd ciidamo ka tirsan dowladda oo kufsi u geystay haweeney Soomaaliyeed.

Gen. Cabdullahi Xasan Barise ayaa waxa uu wacay weriye Cabdulcasiis, una sheegay in uu CID ugu yimaado, balse markii uu yimid ayaa loo sheegay in uu xiran yahay. Sidoo kale, ciidamada Booliska waxa ay su’aalo weydiiyeen weriye Cumar Faaruuq oo telefishinka Aljazeera u shaqeeya, inkastoo markii dambe la fasaxay.

“Waxaa la iga soo wacay gabadhii dhibanaha ahayd ee aan wareystay taleefoonkeeda, waxaana iga soo wacay Gen. Barise, waxa uuna ii sheegay in aan imaado CID” Cabdulcasiis Koronto ayaa NUSOJ u sheegay isagoo ku sugan xarunta CID-da, waxa uuna intaas ku daray,  “Markii aan imid, waxaa la I weydiiyay, gabadhan adiga maa wareystay, waxaan ku iri Haa, kadibna waxaa la ii sheegay in aan xiranahay.”

Cabdicasiis Koronto ayaa intaa ku daray in gabadhan uu wareystay 6 January ee sanadkan, ayna u sheegtay in ay shan (5) nin oo ku lebisan dharka ciidamada milateriga ay xoogeen intii lagu guda jiray bishii Barakeysneyd ee Ramadaanka.

Sidoo kale, waxa uu Cabdicasiis NUSOJ u xaqiijiyey in aanay jirin meel uu ku daabacay wareysigaas haba yaraatee. Iyadoo Boolisku ay xireen gabadhii dhibanaha ahayd iyo gabadhii bartay weriyaha dhibanaha.

Telefishinka Aljazeera English ayaa baahiyey 6 Janaayo ee sanadkan maqaal looga hadlaayay kufsiga dumarka loo geysto oo ay qorto weriye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo layla Cali, oo saldhigeedu yahay magaalada Nairobi, taasoo lagu soo bandhigay heerka kufsiga ee lagu hayo haweenka Soomaaliyeed.

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska inay sida ugu dhakhsiyaha badan xorriyadiisa dib ugu soo celiyaan weriye Cabdicasiis Koronto.  Waxaa muhiim ah in la ogaado in saxaafadu doorkeedu yahay in ay iftiimiso wax qarsoon oo indhaha dowladda lagu soo jeedinayo si ay wax uga qabato, weliba iyadoo u tebineysa hab wax dhisid ah.

“Haddii uu daabici lahaa Cabdicasiis wareysiga gabadha dhibanaha ah, doorka ciidamada qalabka sida waxa uu noqonayaa in ay fal dembiyeedyadaas dhacaya ay wax ka qabtaan, dambiilayaashana keenaan maxkamad cadaalad ah,” Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Md. Maxamed Ibrahim (Bakistaan) ayaa yiri, “Ma ahayn in weriyaha u iftiininaya meelaha u baahan wax ka qabashada inay xabsiga dhigaan amaba ay xiraan dhibanaha, taasoo xadgudub ku ah xorriyadda Hadalka iyo xuquuqda aadanaha.”

“Waxaan ugu baaqeynaa in ciidamada booliska inay xorriyada weriyaha dib ugu soo celiyaan, isla markaana qadariyaan bahda saxaafada iyo wada shaqeynta kala dhexeysa ciidamada Booliska.” xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibrhaim, ayaa intaa ku daray.

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa kuamaanay ciidamada Booliska iyo kuwa ammaankaba sugidda amniga magaalada Muqdisho.
—————-
NUSOJ Newsletter, newsletter@nusoj.org.so.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Weriye Cabdicasiis Koronto, su’aalana weydiiyay weriye kale "

  1. Dadweeynaha Soomaaliyeed waxa ay umaleeynaayaan in ay yihiin Askar daacad ah,waa mooryaantii 20kii sano wax Dhacaysay,Bililiqaysanaysay,wax dilaysay,Gabdhaha,iyo Hooyooyinka Umusha ah iyo waayeelkaba Kufsanaysay,EE umada yaan been loo sheegin,Wariyayaashana Gardaro yaan yaan lagu qab-qabsan.iyo maxaad Askartaan tuugta ah ee ku howl gasha maga Dowlada umada u tusaysaa,.Wariye wuxuu u shaqeeyaa umada ee uma shaqeeye qabiil,iyo tuugo.