Home » News »

Baaq cambaareyn ah oo la xariira dilalkii ka dhacay Dolow iyo Balad-xaawo

baaq-cambaareyn-ahAnaka oo ku hadlayna magaca Jaaliyadda reer Sade ee ku nool magaalada London UK, waxan cambaareynaynaa labadii fal ee foosha xumaa ee kala dhacay shantii iyo todobadii bishan.

Waxaan ka war helnay in January 5, 2013 in lagu dilay Dedmada Dolow ee gobolka Gedo Marxuum Bashi C/lahi Diirey, isla markaasna  isla January 7, 2013 lagu dilay Degmada B/xaawo marxuum Banjo Cabdi Dhudi, oo ka mid ahaa odayaashii xallka u raadinayay dilkii maxxuumka hore.

Waxan ka soo horjeednaa falalka dilka macna darada ah ee loo gaysanaayo dadka shacabka ah. Waa in qofkii dambi galaa maxkamad la horgeeyo si dambigiisa loogu qaado.

Dhanka kale, maamulka degmooyinkaas waxan ugu baaqynaa in ay si dhaqso ah usoo qabtaan ninkii falkaas geystay iyo intii ku gacan siisayba kaddibna sharciga la horkeeno.

Shacbiga walaalaha ah waxaan kula talinaynaa in ay nabadda ilaashadaan oo aanay ku sirmin dabinada loo dhigayo si aan nabad waarta uga dhicin gayigaas.

Waxan tacsi u diraynaa eheladii ay ka geeriyoodeen labada Marxuum ee ay gacanta ka xaqa daran dishay.

Maamulka labada Gole ee jaaliyadda reer Sade ee London, UK .

—————–
Baaqaan waxaa AOL usoo gudbiyay Said Mire, saidmire0@gmail.com.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.