Home » News »

Golaha Wasiirada Shir Ay Isugu Yimaadeen Xalay Kaga Dooday Sidii Barakacayaasha Loo Dajin Lahaa Goobo Ka Baxsan Caasimadda (Sawiro)

Moqdisho, Somalia (AOL) - Shir ay xalay  isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa shirkaas looga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Dib-U-dijin loo samaynayo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan malaagada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirka Hurmarinta iyo Adeega Bulshada.

SHIR_IMG_7620

Ugu horayntii  Goluhu wuxuu warbixin dheer ka dhageystay Wasiiradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed oo safaro ku soo martay dalalka Turkiga iyo Tuniisiya.

Goluhu markuu dhageystay warbixintaas oo qodobka ugu muhiimsani uu ahaa deeqaha waxbarashada ee lasiiyo Soomaaliya sidii wax looga badali lahaa, ayaa dood dheer kadib waxaa Goluhu isla gartay in loo magacaabo gudi heer Wasiir ah oo ka kooban lix xubnood  oo ay Drs Maryam horkaceyso iney soo diyaariyaan  qaabka ay xukuumadda Soomaaliya uga faa’iideysan karto deeqaha waxabarashada ayna horkeenaan kulanka dambe oo uu goluhu yeelanayo.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Golaha horkeenay qorshe  Barakacayaasha looga rarayo magaalada si loo dejiyo meelo loo qoondeeyay.  Waxaana arinkaas Wasaarada ka caawinaya  hay’ado caalami ah sidii dib-u-dajin loogu samayn lahaa Barakacayaasha loogana raro gudaha Caasimada, si kor loogu qaado amnigooda, Nolashooda, Caafimaadkooda, Waxbarashadooda iyo Sidii ay u heli lahayeen Biyo nadiif.

Ugu danbayntii Golaha wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay samaysay Qaramada Midoobay taas oo ah in ay u soo rarayaan bisha Sadexaad ee sanadkaan magaalada Muqdisho shaqaale gaaraya ilaa 300 oo xubnood oo hada ka howl gala magaalada Nairobi. Dood dheer ka dib  goluhu wuxuu magacaabay gudi ka kooban sadex xubnood oo uu hormuud ka yahay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, gudigaas ayaa ka shaqayn doona sidii loogu samayn lahaa daagaamayn, looguna dhamaystiri lahaa dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen.

SHIR_IMG_7605 SHIR_IMG_7614 SHIR_IMG_7615 SHIR_IMG_7617 SHIR_IMG_7618  SHIR_IMG_7623 SHIR_IMG_7625 SHIR_IMG_7629

—————–
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Golaha Wasiirada Shir Ay Isugu Yimaadeen Xalay Kaga Dooday Sidii Barakacayaasha Loo Dajin Lahaa Goobo Ka Baxsan Caasimadda (Sawiro) "

  1. Keerow Abdi says:

    Anigu waxaa isoo jiitey runtii arita dib udejinta waayo qaxootigu weligood may helin wax dib udejin ah oo loogu sameeyo gudaha wadankooga hooyo.