Home » News »

Shabakadda Allgedo waxay cudur daar iyo raali galinba ka bixineysaa qoraal ay shalay daabacday oo ka hadlayay Shirkadda Hormuud Telcom.

hormuud TelcomMaalinimadii shalay waxaa bogga hore ee Shabakadda AOL kusoo baxay qoraal uu cinwaankiisu ahaa “Shirkadda Hormuud Telcom oo qarka u saaran in ay burburto.”

Mar uu maamulka Allgedo qoraalkaan kala xariiray wariyihii usoo gudbiyay oo ay kalsooni hore ku qabtay, waxaa uu ka meer-meeray inuu noo soo gudbiyo cadeymaha uu u hayo qoraalka dhaawacaya habsami u socodka iyo sumcadda Shirkadda Hormuud Telcom.

Sidaas awgeed, maadaama uu maamulka AOL u arkay in qoraalka Shirkadda Hormuud Telcom ka hadlayay uu ahaa mid aan xaqiiqda ku fadhiyin cadeyn buuxdana aan loo haynin, waxuu  isla maantaba ka saaray boggii uu ku jiray, waxuuna raali galin ka siinayaa maamulka Shirkadda Hormuud Telcom qoraalkaas aan xaqiiqda ku fadhiyin ee sida fudud loogu soo gudbiyay Shabakadda Allgedo Online.

Maamulka AOL.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.