Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Muqdisho kadib safar shaqo oo qaatay muddo (9 cisho) oo ay ku kala bixisay wadamada Britain iyo Talyaaniga ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad oo guul hugan.
“Waxaan kula kulmay London dhiggeyga William Hague oo aan isla meel dhignay taageerida dowladda Soomaaliya dhanka dhaqaalaha, nabadgelyada, la dagaalanka burcad badeeda iyo isdhaafsi diblomaasi si dib loogu furo safaaradaha labada dal ay ku kala lahaayeen Muqdisho iyo London” sidaa waxaa sheegtay Marwo Fawsiya Yuusuf oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho.
Wasiirku waxa ay intaa ku dartay “ Magaalada Rome waxaan kula kulmay Mas’uuliyiinta kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Giulio Terzi iyo Wasiiradda Cadaaladda Paola Severino, waxaa ayna ii balan-qaadeen inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka beeraha, kaluumeysiga, tababarida ciidamada, garsoorayaasha maxkamadaha iyo dib u soo nooleynta heshiisyadii labada dal horey u kala saxiixdeen”.
————–
Section of Press and Public Relations
info@mofa.gov.so























waa mahadsan tahay shaqadii wanaagsanayd ay soo qabatay
mudadii ay dalalka ingriska iyo talyaaniga laakiin waxayna noo
sheegin wixii ay ka qabatay dhismihii safaaraddii soomaaliya ee
Roma ay ku lahayd ee uu kiraystay nuur cadde taas oo aan aad uga
war sugaynay waxa ay ka qabato dawladda soomaaliya ilaa haddana
wax jawaab ah haddii aanahay shacabka soomaaliyeed si aad ah
ayaan u danaynaa arrintaas waad mahadsan tihiin
fawsiyo waxay shirkad la tahay xassan culusow waxaa ka dhexeeya ganacsi shacabkana lama socdaa . aad ayaan uga xumahay qof aan aaminsanayn midnimada somaliya. ufiirso fawsiyo ma keenin saacid meesha.