Home » Archive Daily January 17th, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Gudoomiye Cusub u Magacaabay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya u magacaabay C/salaan Xaaji Cumar Hadliye oo ka soo jeeda deegaanada maamulka la baxay Somaliland.
Madaxweynaha ayaa ku sheegay wareegtada in magacaabidda mas’uulkan ay ku timid soo jeedinta Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo mas’uulkan la magacaabay 12/01/2013,...
Barakacayaal ku dhibaataysan nawaaxiga degmada Garbahaarey oo Codsadey in la caawiyo.
Barakacayaal ku dhibaataysan nawaaxiga degmada Garbahaarey oo Codsadey in la caawiyo.
Boqollaal qoys oo ka mid ah qoysas dhawaan ku barakacay dagaalo ka dhacay Tuullooyinka u dhaxeeya Degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey,islamarkaana gaarey Tuulada Booco oo ka tirsan degmada Garbahaarey ayaa lagu soo warramayaa in xaaladdooda nolosha ay aad u liidato,iyadoo wali degaanadaasina ay ka taagan yihiin cabsi...
Xarakada Alshabaab oo sheegtay in ay Toogasho ku dishey Sarkaalkii faransiiska ahaa ee gacanta ugu jiray Dennis Allex.
Sida ay sheegayaan wararka aan ku helayno Xarakada Shabaab ayaa sarkaalkan ku toogtay Degmada Buulo Mareer ee Gobalka Shabeelaha Hoose iyadoo aan la shaacin qaabka uu u dhacay dilka toogashada ah.
Warqoraal ah oo ay ku baahiyeen Shabaab barta twiterka ayaa lagu sheegay in xalay 7:30 ay Shabaab dileen Dennis Allex,xilli shalay ay sheegeen inay dilayaan.
Al-Shabaab ayaa sheegay in laga yaabo inay soo...
Xarakad Al Shabaab oo Xalay tiro Madaafiic ah ku Weerartay Magaalada Kismaayo
Ciidamo ka tirsan kooxda Shabaab ayaa xalay markale tiro Hoobiyaal ah ku soo weeraray fariisimaha ay Ciidamada Dowladda, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Dhismaha Jaamacada magaalada Kismaayo, ayadoo ay warar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Ilo wareedyo ku suggan goobta ay xalay ku soo dhaceen tirada hoobiyaasha ah ayaa Saxaafada u sheegay inuu jira khasaare...
Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay si rasmi ah u Aqoonsan doonto Dowlada Soomaaliya
Kadib markii ay dhacday Dowladdii dhexe ee Soomaaaliya, mudo haatan laga joogo 22 sano, iyadoo aqoonsigan uu albaabbada u furayo xiriir dhexmara Soomaaliya iyo Mareykanka tan iyo sannadkii 1993-kii markaasoo laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca Mareykanka looga soo riday gudaha Soomaaliya.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Johnnie Carson ayaa sheegay in booqashada madaxweynaha...
Faah Faahin dheeri ah oo ka soo baxaysa Weerar Sababay dhimasho iyo dhaawac oo xaley ka dhacay Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.
Weerarkan Habeenimadii Xalay Ka dhacay Magaalada Gaarisa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari dalka Keny ayaa waxa uu udhexeeyay Ciidamada Booliiska Kenya oo ku sugnaa Meel bartamaha Magaalada ah iyo Kooxo hubeysan.
Isku dhaca Ciidamadaan ka tirsan Buliiska Kenya iyo Kooxaha Hubeysan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen mid ka mida Hoteelada Ku yaalla Magaalada Gaarisa...
Al-Shabaab oo ka hadashey Dad Shacab ah oo Ciidamada AMISOM ay la eegteen Rasaas.
Al-shabaab oo sheegay dhacdadii Ciidanka Amisoom ay ka geesteen gobalka shabeelaha hoose in ay ahayd mid loogu aar gudayay dowlada faransiika
Iyadoo dhawaan ciidamada AMISOM dad shacab ah ku rasaaseeyeen Gobalka Shabeelaha hoose deegaano ka tirsan ayaa arintaasi waxaa ka hadlay maamulka Ururka Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalkaasi.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo ah wakiilka Shabaab ee Shabeelaha hoose...