Home » Archive Daily January 18th, 2013

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xuquuqul insaanka, haweenka iyo arimaha bini-aadanimada oo socdaal ku jooga Nairobi

Jan 18, 2013
Xildhibaan Muuse Sh. Cumar oo ah aqoonyahan dhawaana loo doortay guddoomiye kuxigeenka Guddiga baarlamaanka u qaabilsan xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bina’aadanimada ayaa wareysi dhinacyo bacan taabanaya siiyay idaacada Qaramada Midoobey ee Ergo xarunteeda Nairobi waxa uuna kaga hadlay arimaha xuquuqul insaanka ee dalka, haweenka iyo gargaarka bini-aadanimo ee soomaaliya. Xildhibaan... 

Shir tuulada Xiriiro ee Gobolka Bari ugu soo dhamaadey mid ka mid ah Beelaha dega Bari

Jan 18, 2013
Waxaa Tuulada Xiriiro ee gobolka Bari maanta lagu soo geba gabeeyey Shir muddo 12 cisho ku dhow ka socday halkaas kaas oo ay lahaayeen bulshada degta halkaas. Shirka ayaa ahaa mid looga arinsanayey qodobo dhowr ah sida: ka shaqeynta horumarka deegaankaas. Waxaana geb-gabadii kulanka ka hadlay Suldaan Cumar Maxamed Geesdiir oo ka sheekeeyey muhimadda shirku lahaa isla amrkaana la dardaarmey bulshada... 

Hay,adda Nabad sugida oo Hub iyo Walxaha Qarxa soo Bandhigtey

Jan 18, 2013
Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay hub sida ay sheegeen ay la haayeen Ururka Al-shabaab ee ka soo horjeeda hanaanka ay dowlada ku shaqeyso. Hubkan ayaa waxaa lagu qabtay howlgal ciidamada dowlada ay ka sameeyeen degmada Yaaqshid. Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmad Ereg oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen... 

Kooxo Hubaysan oo Goor dhoweyd Muqdisho ku diley Wariye u shaqeynayey Idaacada Shabelle.

Jan 18, 2013
Kooxo hubeysan oo aan la heybtooda la aqoon ayaa saaka weeraray wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo u shaqeyn jiray idaacadda Shabelle xilli uu ku sugnaa suuqa weyn ee degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Kooxahani oo la sheegay in ay baastoolado ku heybnaayeen ayaa wariyaha ku dhuftay dhowr xabadood, kuwaasoo ay kasoo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana wariye Cabdi xareed loola cararay isbitalka... 

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatey Hillary Clinton

Jan 18, 2013
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kula kulmey xarunta Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Xoghayaha xilka ka degaysa Hillary Rodham Clinton. Kulanka kadib waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo Hillary Clinton la wada hadleen saxaafadda, waxaana ay ka jawaabeen su’aalo weriyaashu weydiiyeen Hillary Clinton ayaa sheegtey in bishii Janaayo... 

Golaha Wasiirada oo Go’aano adag ka soo saarey Dadkii Ciidamada AMISIM ay ku laayeen Sh. Hoose iyo Arimo kale.

Jan 18, 2013
Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaley isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dhacdadii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacday Tuulada Buulo Yaasiin oo ku dhow degaanka Leego Gobolka Sh/hoose, iyo Xariga Weriye C/casiis C/nuur Koronto oo warbixin aan sax aheyn faafiyay isla markaana ku xiran Xarunta CID-da. Golaha Wasiiradda...