Home » Archive Daily January 20th, 2013
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Gobolka Shabeelada hoose (Sawiro)
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaminayo ayaa maanta booqashooyin ku kala bixiyay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose, Idaacadda Shabeelle, Garoonka Aadan Cadde iyo Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa booqashadiisan ku weheliyay, Wasiirka Arrimaha gudaha...
Wasiirka Gaashandhiga oo dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Muqdisho kadib markii uu shir looga hadlayey ammaanka uu kaga soo qeybgalay dalka Turkiga.
Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo saxaafada la hadley ayaa sheegay in shirka uu kaga soo qeybgalay dalka Turkiga looga hadlaye sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhanka tababarida ciidanka...
Hogaamiyaha Xisbiga Ucid oo sheegey Aqoosiga la Aqoonsadey Somaliya Iney dhabar jab ku noqoneyso Somaliland
Hogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay aqoonsiga dowladda Mareykanka ay siiyey dowladda Soomaaliya markii ugu horeysay muddo ka badan 20-sano, isagoo la hadlayey xalay BBC-da ayuu Faysal Cali wuxuu yiri “Arrintaas waxay dhabar jab xoogan ku tahay maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo”, wuxuu kaloo sheegay in arrintaas ay wiiqeyso dedaalka...
Dowlada Ethopia oo soo dhaweysay Aqoonsiga Dowlada Mareykanka ee Dalka Soomaaliya.
Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa si rasmi ah u soo dhaweeysay aqoonsiga ay doowlada Mareykanka muddo 22-sano ah ka dib aqoonsatay doowladda Soomaaliya, warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxay ku sheegtay, in aqoonsiga Mareykanka uu aqoonsaday doowladda Soomaliya ay timid ka dib horumarada ay Xukuumadda Soomaaliya u qaaday dhanka nabadgalyada iyo xasiloonida...
Qaar ka mid ah Soomaalida ku Nool Magaalada Minisoota oo dhigay Dibad bax ay kaga soo hor jeedaan Wafdiga Madaxweynha Soomaaliya.
Qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Minisoota ayaa dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dadkaan dhigay dibadbaxaya oo kasoo jeeda Gobalada Jubooyinka ayaa waxa ay si aad ah uga soo horjeesteen siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya ee Gobalada Jubbooyinka.
Mid kamid ah dadka dibadbaxa dhigaye ayaa sheegay in ujeedka mudaharaadkooda uu yahay...
Fariinta la dagaalanka Qaadka ee Todobaadkaan oo ku socota cid kasta oo mas’uul ah oo Soomaali ah (Daawo Video)
Abuukar Cawaale, Guddoomiyaha la dagaalanka Qaadka oo si uu naceyb ka muuqdo u eegaya Qaadka.
Todobaadkaan iyo LA DAGAALANKA QAADKA ayaa waxuu ku saabsan yahay fariin ku socota mas’uuliyiinta Dowladda dhexe ee Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada, culumaa’udiinka iyo qof kasta oo mas’uul ah in uu ka qeyb qaato sidii si wada jir ah loola dagaalami lahaa dabar goynta maan dooriye-yaha...
Dowlada oo sheegtay in ay Tirokoob ku sameynayso Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in guddi loo xilsaaray in tiro koob lagu sameeyo dadka barakacayaasha ah ee kunool Magaalada Muqdisho.
C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka arimaha gudaha ayaa wuxuu sheegay in Guddiyada lasameynayo ay ka shaqeyn doonaan sidii loo tira koobi lahaa xeryaha ay dagan yihiin dadka barakacayaasha ah sida dib loogu raro goobaha...