Home » Archive Daily January 21st, 2013

Darawalada Gadiidka iyo Ganacsatada Gobolka Gedo oo Codsadey in Dayactir lagu sameeyo Burburka Xoogan ee ku yimid Wadada xiriirisa Baardheere iyo Ceelwaaq.

Jan 21, 2013
Darawalada gaadiidka u kala goosha degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa xilligani waxay cabasho xoogani ay ka muujiyeen bur bur lixaad leh oo ku yimid wadadaasi,taasina waxay saameyn adag oo dhinaca safarka ah iyo dhaqaalahaba ay ku yeelatey dadkii u kala socdaalayey labadaasi Magaalo. Burburka xoogan ee ku yimid Wadadaasi oo dhererkeedu uu dhan yahay 185km ayey Wadayaasha Gaadiidka... 

Maamulka Khaatumo oo Soo dhaweeyey go’aankii Dowlada Maraykanka ku Aqoonsatay Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Jan 21, 2013
Maxamed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel) oo kamid ah Madaxweynayaasha maamulka Khaatumo ayaa sheegay in ay tahay horumar wanaagsan, isagoo ku tilmaamay Guul Qaranimo oo uu maamulka Federaalka Soomaaliya gaaray. Indha-sheel oo shir jaraa’iid ku qabtay degmada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn, ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka inay dadaal u gasho inaysan ku koobnaan magaalada Muqdisho balse ay noqoto... 

Shirkii Golaha Wasiirada oo looga hadley Arimaha Maamul U Sameynta Gobolada Dalka.

Jan 21, 2013
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana shirka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ugu horeysay qorshaha dib-u-xasilinta dalka, Dhismaha maamulada gobolada iyo dagmooyinka, dhulka iyo hantida Dowladda ee lahaysto. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha... 

Dibad bax lagu taageeray go’aanka Maraykanka ee Xukuumadda Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay

Jan 21, 2013
Dibad bax balaaran oo lagu soo dhaweynayay aqoonsiga ay Dowladda Mareykanka siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka qeybgalay R/wasaare Saacid ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dibadbaxan uu soo abaabulay maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana ay ka qeybgaleen R/Wasaaraha Soomaaliya Ccabdi Faarax Shirdoon, Wasiirro uu kamid yahay Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga, Duqa Magaalada... 

Kooxo hubaysan oo Degmada Qansaxdheere ku toogtay Gudoomiyahii Maxkamada degmadaasi.

Jan 21, 2013
Wararka laga helayo Degmada Qansax Dheere ee Gobalka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysna ay toogteen Guddoomiyihii Maxkamada maamulka Dowlada ee Degmada Qansax dheere,Iyadoo toogashada oo ka dhacdey Bartamaha Magaalada la sheegayo in ay ka dambeeeyeen Labo dhalin yaro ah oo ku hubaysan Bistoolado. Dilka kadib ayaa waxaa durba soo gaaray meesha ay dhacdada ka dhacday ciidamo ka tirsan Dowladda... 

Maamulka Dowladda ee Degmada Badhaadhe ee Gobalka Jubadda hoose oo ka hadlay xaaladaha ciidanka iyo sidoo kale tan shacabka Degmadaasi.

Jan 21, 2013
Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe ee Dowladda Soomaaliya Faarax Cabdi Haybe oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi muddo aysan helin mushaaraad. Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda ay shaqeeyaan dagaalana ay kala hortagaan ciidanka Shabaab balse in muddo ah aysan qaadan mushaaraadkii ay xaqa ulahaayeen. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in masuuliyiin... 

Booliska Dalka Kenya oo Qab qabasho ku haya Dadka Soomaalida ah ee ku nool Xaafada Islii.

Jan 21, 2013
Wararka naga soo gaarayo dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan raaf loo geysnayo dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee magan galsaday dalkaasi. Ciidamo isugu jira Nabadsugid iyo Booliis ayaa magaalada Nairobi ku jarmaaday xaafadaheeda,iyagoo doonaya inay qabqabtaan dadka Soomaaliyeed ee sida sharcidarada iyo kuwa aqoonsiga heesta ee ku sugan dalkaasi. Dadkaan la raafayo ayaa lagu wadaa... 

Puntland oo soo dhaweysay Aqoonsiga Mareykanka ee Soomaaliya (Warsaxaafadeed)

Jan 21, 2013
Dowladda Puntland waxay soo dhawaynaysaa hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dowladda USA Hillary Clinton oo ku dhawaaqday inay Dowladda USA si rasmi ah u aqoonsatay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo uu hada hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud. Puntland waxay u aragtaa go’aankii ay gaartay Dowladda USA talaabo taariikhi ah oo hormarinaysa xiriirka USA iyo Soomaaliya ahna talaabo ku dayasho... 

Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

Jan 21, 2013
Ka dib markii Maalinimadii shaley uu Dib ugu soo Laabtay Magaalada Kismaayo Gudoomiyaha Mamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo Axmed Madobe Wafdiga Gudoomiyaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Axmed Gureey, qaar kamid Saraakiisha Dowladda iyo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Magaalada Kismaayo Col, Yaasiin Nuur Gaas Raadeer, wuxuuna Gudoomiye Axmed Madoobe Faah faahin ka bixiyay Safaro... 

Shir looga hadlayo Dhaqaalaha Wadamada Carabta oo ka Furmaya Dalka Sacuudiga.

Jan 21, 2013
Dalka Sacuudiga ayaa maanta waxaa ka furmaya shir looga hadlayo dhaqaalaha wadamada carabta kaasi oo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin kala duwan. Shirka oo ka dhacaya magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin kala duwan, waxaana kamid ah masuuliyiinta ka qeybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay kasoo duulay dalka Mareykanka. Sidoo...