Home » Archive Daily January 22nd, 2013

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo Nairobi ku geeriyooday

Jan 22, 2013
Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Xassan Daahir Maxamuud (Afqurac) ayaa habeenimadii xalay oo ay taariikhdu aheyd Januray 21, 2013 ku dhintey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu ku xanuunsanaa bilihii u danbeeyey. Xassan Daahir Maxamuud ayaa ka mid ahaa dadkii wax ka asaasey Puntland sanadkii 1998, waxaana uu ka mid noqdey Xildhibaanadii u horeeyey ee Baarlamaanka Puntland isaga oo... 

Sh. Axmed Madoobe oo ka hor yimid qorshaha maamulo loogu sameynayo gobolada laga saaray Al-Shabaab

Jan 22, 2013
Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka soo horjeestay qorshaha maamul u sameynta deegaanada iyo gobolada laga saaray Al-Shabaab, kaasoo shalay ay ka doodeen Golaha Wasiirada, iyadoo maalinta khamiista cod loo qaadi doono sidii Wasaarada Arrimaha gudaha ula wareegi laheyd fulinta qorshahaas. Axmed Madoobe oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa... 

Ra’isal Wasaare Saacid oo Magaalada Muqdisho kulan kula Qaatay Mahiiga

Jan 22, 2013
Masawirka sare, midka dhanka bidix jira waa Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo ay salaan Diplomacy dhex martay Ambassador Mahiga. Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Abmasador Mahiiga ergayga gaarka ah e qaramada Midoobay uqaabilsan arimaha Soomaaliya. Kulanka labada masuul oo... 

Shirkii Wadamada Carabta oo Goor dhoweyd lagu soo Gabagabeeyey Dalka Sacuudiga.

Jan 22, 2013
Shirkii wadamada carabta ee looga hadlaaye dhaqaalaha wadamada carabta ee ka socday dalka Sacuudi Carabiya gaar ahaan Magaalada Riyaad ayaa la soo gaba gabeeyay goordhaweyd iyadoo arimo dhowr ah looga wada hadlay. Xoghayaha labaad ee safaarada Soomaalida dalka Sacuudiga Cali Nuur Macalin oo la hadlay Saxaafada ayaa wuxuu sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay ay kamid yihiin taageerada... 

Ciidamada Dowlada ee Ku sugan Jowhar oo ka hadlay Qarax ka dhacay Degmadaasi.

Jan 22, 2013
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Sh/dhexe Cabdi Weli Ibraahim Max’ed oo la hadlayey Saxaafada ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qarax xalay ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe. Taliyaha ayaa Sheegay in qaraxa uu ka dhashay nin Miinooyin isku soo Xiray oo damacsanaa in uu isku qarxiyo Masjid ku yaalla Degmada Jowhar ee Gobolka Shabelaha Dhexe isagoo carabka ku dhuftay... 

Hay,adda Xaquuqul Insaanka oo ka soo horjeesatey Go,aankii Dowlada Kenya.

Jan 22, 2013
Iyadoo dowlada Kenya ay bilowday u daad gureynta qaxootiga Soomaaliyeed xeryaha Dhadhaab,iyagoo laga kaxeynaya goobaha magaalada ah ee dalka Kenya ka tirsan lana geynayo xeryaha Dhadhaab ayaa arintaasi waxaa si weyn kaga soo horjeestay hay’ada xaquuqul insaanka u dooda ee Human Rights Watch,waxayna arintaasi ku tilmaameen arin ka hor imaaneyso xornimada dad magan galyo doon ka ah ee ku dhaqan...