Home » Archive Daily January 23rd, 2013

Danjire Maxamed Cali Ameerico iyo Danjiraha Cusub ee Kenya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Jan 23, 2013
Muqdisho, Somalia (AOL) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Ameerico ayaa saaka ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde isagoo horkacayay wafti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya. Waftigaan ayaa waxaa ka mid ahaa Danjiraha cusub oo Kenya u soo magacowday Soomaaliya Mudane Josphat Maikara oo maanata la qorshaynayo inuu warqadihiisa aqoonsiga... 

Mahad Celin ku socoto Safaarada Somalia ee dalka Liibiya

Jan 23, 2013
Waxgaradka, culima udiinka, aqoonyahanada iyo dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Qatar waxay umahad celinayaan shaqaalaha iyo safaarada Somalia ee wadanka Libya dowrkii muhiimka ahaa ee ay kageysteen howlaha badbaadinta, xog aruurinta iyo aaska dadkii kuwaxyeeloobay shilkii gaari ee wadankaas kadhacay bishii hore. Geeridaan naxdinta leh ayaa waxaa kudhintey 26 qof oo ku jirey safar Tahreeb ah,... 

Madaxweynaha Puntland oo Maanta dib ugu soo laabtey dalka kadib safar gaaban oo uu ku tegey dalka Jabuuti.

Jan 23, 2013
Madaxweyne Dr. C/Raxmaan Sheekh Maxamed oo saxaafadda kula hadley garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso ayaa sheegay in muddadii uu joogey dalka Jabuuti uu u tagney halkaas in aan Jabuuti uga tacsiyeyno Guddoomiyihii Bangiga Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd oo qaraabo dhawna la ahaa Madaxweynaha. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu kulamo kala geddisan la yeeshey Madaxda Jabuuti, waxa laga wada... 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wafuud ka socota Deeq bixiyayaasha.

Jan 23, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Wakiilo ka socday Wadamada deeqda bixiya. kulanka oo ay saxaafada dibad joog ka aheyd ayaa waxaa Madaxweyne Xasan sheekh iyo safiirada kasocday dalalka taageera dowlada soomaaliya ay ku falan qeeyeen sida ugu fudud ee dowlda soomaaliya ay gacanteeda ugu dhigi laheyd dhaqaalaha ay ku... 

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Dadka Kismaayo ayaa maamulka sameysanaya, waa inuu ku yimaado rabitaankooda”

Jan 23, 2013
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa mar kale ku celiyay siyaasada dowladda ee ku aadan maamul u sameynta gobolada dalka, xilli uu muran weyn uu ka taagan yahay arrinta Jubooyinka. Isagoo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu Wasiir C/kariin Guuleed ka dhawaajiyay in dowladdan aysan maamul u dhiseyn Kismaayo, balse ay tahay in maamulka uu ku yimaado... 

Safaarada Soomaalida ee Dalka Kenya oo sheegtay in la baajiyay dib u celinta Soomaalida degan Wadankaasi.

Jan 23, 2013
Amabasador Max’ed Nuur Cali America Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Soomaaliya oo la hadlayey Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Kenya Kala hadashay Go’aanadii ka soo baxay dowladda Kenya ee ahaa in dadka Soomaalida ee Ku nool dalkaasi ay gabi ahaan isugu tagaan Xeryaha qaxootiga ee Ku yaalla dalkaasi. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa tibaaxay... 

Soomaaliland oo sheegtay in Dowlada Jabuuti ay ku lug leedahay Khilaafka ka taagan Degmada Seylac.

Jan 23, 2013
Wararka laga helayo degmada Saylac ayaa sheegaya in wafdiga wasiirrada ka kooban ee ka socda Somailland ay shaaca ka qaadeen in arrinta ka aloosan degmada Saylac ay faraha kula jirto dowladda Jabuuti. Waftigani ayaa shalay la kulmay beesha Ciise iyagoo ku dadaallaya in la siiyo jagada guddoomiyaha degmada taasoo ay ku waayeen doorashadii dimuqraadiga ahayd ee ka dhacday deegaankaas, iyadoo beesha Ciise... 

Midowga Yurub oo muddo labo sano ku kordhiyay Howgalka Tababarka Ciidamadda Soomaaliya

Jan 23, 2013
Howlgalka ayaa lagu kordhiyay ilaa 31 Bisha March ee sanadkan 2015, si uu wax uga beddelo xaaladda Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa siin doona talooyin siyaasadeed wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, iyadoo sidoo kale tababaro gaar ah loo sameyn doono ciidamada milateriga Soomaaliya. Sidoo kale Midowga Yurub ayaa haatan waxay sheegeen in xarunta tababarka ciidanka ay ku taalo dalka Uganda loona soo... 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtey.

Jan 23, 2013
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo noqday kadib safaro uu ku soo maray dalalka Mareykanka iyo Sacuudiga halkaasi oo uu kaga soo qeybgalay shirar muhiim ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka aroortii kasoo dagay Airportka Muqdisho isaga oo ay wehliyaan xubno ka tirsan wafidigii ku hogaaminaye socdaalkaasi dalalka caalamka. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu... 

Dowlada Soomaaliya oo dadaal ugu jirta Sidii Cunoqabateenta Hubka looga Qaadi lahaa.

Jan 23, 2013
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya dadaal dheeri ah ugu jirto sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya. C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda ay iminka dagaal xoogan kula jirto sida uu sheegay argagixiso caalami ah oo kusoo duushay dalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay...