Home » News »

Madaxda Federaalka Soomalaiya oo ka qeyb galay xaflad ka dhacday Muqdisho

Madaxda Sar sare ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay kulan taageero loogu muujinayay hadaladii aqoonsiga ahaa ee dowlada dalkaasi mareykanka dhowaan shaacisay.

Madaxda Federaalka oo uu horkacayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul wasaarihiisa, xubno ka tirsan golayaasha xukuumada iyo Maamulka gobolkaasi Banaadir ayaa ka soo ku sugna kulankaasi.

Hadalo kala duwan oo taageero loogu muujinayay aqoonsigaasi ayaa laga soo jeediyay halkaasi waxaana dadkii ugu horeeyay oo halkaasi kahadlay ka mid ahaa gudoomiyaha Gobolkaasi Banaadir Mr Tarsan.

Waxa uu Tarsan sheegay in xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen ka maamul ahaan iyaga ay ku aadantahay sidii loo soo dhaweyn lahaa aqoonsigii dowlada dalkaasi Mareykanka ay siisay Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna halkaasi ka jeediyay qudbad dhinacyobadan taabaneysay waxaana uu sheegay in aqoonsiga mareykanku siiyay xukuumadiisa ay aheyd mid ay wada sugayeen islamarkaana ay uga mahadcelinayaan.

Waxa uu taabtay dhinacyobadan oo ku aadan horumarka iyo hanaanka maamulkiisu ku shaqeyn doono isagoo sheegay in siweyn uga shaqeyndoonaan xasilinta gebi ahaan amaanka dalka.

Maalin ka hore ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka so laabtay safaro qaatay ku dhowaad todobaad kaas oo uu ku gaaray wadamo uu ka mid yahay Mareykanka.

Cabdi Faarax, Muqdisho/Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.