Home » News »

Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Dowladda eek u sugan Kismaayo oo Lagu Xiray dalka Kenya

Sarkaalkani oo Ciidamada Kenya ay u taxaabeen Xabsiga oo lagu magacaabo Max’ed Sheekh Cabdi oo ka tirsan Ciidamada dowladda ee Gobollada Jubbooyinka ayaa Boliiska dowladda Kenya waxa ay ku xireen Garoonka dayuuradaha Magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya ,iyadoo Booliska Kenya ay ku eedeeyeen in waddanka si sharci darro ah uu ku soo galay.

Sarkaalka oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Isagoo sheegay in baaritaan Caafimaad uu halkaasi u gaaray isagoo intaa ku daray in Documentiyo Caafimaad oo uu watay ay buliiska Kenya ay ku sheegeen kuwa qaldan.

Sarkaalka oo hadalkiisa wata ayaa waxa uu tilmaamay in Buliiska ay u sheegeen in dalkiisa dib loogu celinayo gaar ahaan laga dajinayo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Sarkaalkani Booliska dowladda Kenya ay ku xireen Magaalada Nairobi ayaa ah Taliyaha Ciidamada dowladda ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Cabdi Faarax, Muqdisho/Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.