Home » Archive Daily January 25th, 2013
Barta Twitter-ka Al-Shabaab oo La Xanibay.
Boggii Twitter-ka ee Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah loo xanibay ka dib muddo sanad ah oo bartaas ay baahin jirtay wararka iyo bayaanaadka Afka English-ka ee Al-shabaabka Soomaaliya ka soo baxa.
Ilo wareed muhiim ah oo ka tirsan Maktabka Iclaamka ee XSHM ayaa xaqiijiyay in la xannibay account-koodii Twitter-ka, waxaana ay sheegeen in muddooyinkii u danbeeyay ay jireen cadaadisyo lagu saarayay shirkadda...
Burcad Badeed Soomaali ah oo lagu Maxakamadeynayo Dalka Mauritius.
Maxkamadeynta 12 ruux oo burcad badeed Soomaaili ah ayaa maanta ka bilaabanayso Magaalada Port-Louis ee dalka Mauritius, halkaasi oo la sheegay in lagu dhagaysan doono dacwadaha loo heysto ka dibna go’aan laga qaadan doono.
Kooxahaan burcad badeeda Soomaalida ee maanta maxkamada lagu soo taagayo dalka Mauritius ayaa waxaa qabtay ciidamada Maraykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya 5 tii bishaan aynu...
Biyo la’aan baahsan oo ka taagan Tuulooyin ka tirsan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Biyo la’aan aad u daran oo saameyn ku yeelatey nolosha dadka iyo duunyada ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay tuullooyin ka tirsan degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, iyadoo Biyo la’aantaasina la sheegayo in haatan ay gaarsiisan tahay heerkii ugu adkaa.
Tuullooyinka ugu daran ee Biyo la,aantu y sida daran u saameysay ayaa waxaa ka mid ah Daabley, Godey, Caano maal, Reysqode,...
Dowlada Kenya oo ku Gacan Seyrtey Hadal ka soo yeeray Xarakada Alshabaab
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in aysan wax wadahadal ah la geli doonin koox argagaxiso ah, sida lagu sheegay war ay soo saareen xubno kamid ah xukuumada iyo militariga dowlada Kenya oo ka jawaabayey Digniin Arbacadii uga timid kooxda Al shabaab.
Xarakada Al Shabaab ayaa shalay ku hanjabtay inay dili doonaan dhamaan askarta ka soo jeeda dalka Kenya oo ay gacanta ku hayaan hadii aan lasii deyn dhamaan...
Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Khilaafka soo kala dhex gala Madaxda iyo Saameynta uu ku yeesho Xukuumada.
Madaxaweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in masuuliyiinta ugu sareysa dalka aan wax is qab qabsi iyo qilaaf uusan ka dhexeynin.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in sedexda mas’uul ee ugu sareysa dalka ay saaxibo yihiin islamarkaan ay saxiibo ku yihiin danaha umada soomaaliyeed.
Sidoo kale madaxweynaha waxaa uu ka hadlay doorka ay saxaafada ay bulshada kuleedahay waxuuna sheegay iney...
Guddi dowladda Ingiriiska kula taliyay in aan Qaadka la joojin (Daawo Video)
Dhigimaayo weligey rajada, hankeygana ka ilaashey quus!
Gudiga loo xilsaaray inay dowlada Ingiiska kala taliyaan arimaha daroogada ee loo yaqaan Advaisory counsel misuse of drugs (ACMD) ayaa shalay baarid dheer kadib kasoo saaray warbixin ay kula talinayeen dowlada Ingriiska inaan qaadka la joojin iyagoo ku tilmaamay inuusan qaadku haba yaraatee wax dhibaato ah ku hayn bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa...