Home » News »

Burcad Badeed Soomaali ah oo lagu Maxakamadeynayo Dalka Mauritius.

Maxkamadeynta 12 ruux oo burcad badeed Soomaaili ah ayaa maanta ka bilaabanayso Magaalada Port-Louis ee dalka Mauritius, halkaasi oo la sheegay in lagu dhagaysan doono dacwadaha loo heysto ka dibna go’aan laga qaadan doono.

Kooxahaan burcad badeeda Soomaalida ee maanta maxkamada lagu soo taagayo dalka Mauritius ayaa waxaa qabtay ciidamada Maraykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya 5 tii bishaan aynu ku jirno ee janaayo.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Mauritius Arvin Boolell ayaa u sheegay warbaahinta in dalkiisa uu qaadayo kooxdii ugu horeysay oo burcad badeeda ah dacwadooda.

Wuxuu sheega inuu aad ugu faraxsan yahay in hayadaha caalamiga ee la dagaalama kooxaha burcad badeeda Soomaalida isagoo sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah burcad badeeda.

Wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in kooxahaani markii la maxkamadeeyo kadib ay ku wareejin doonan maamulka Somaliland si halkasi ugu dhameystaan waqtigoioda.

Somaliland ayuu sheegay inay kala saxiixdeen hishiis dhigaya in kooxaha burcad badeeda Soomalida lagu wareejiyo markii lagu xukumo dalkaasi.

Dagaalka ka dhanka ah burcad badeeda Soomaalida iyo xaqiijinta amaanka xeebaha badweynta India ayuu ku sheegay inay muhiimada koowaad ee beesha caalamka iyo ururada gobolka.

Cabdi Faarax, Muqdisho/Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.