Howlgalo ballaaran oo ay maanta ka sameeyeen ciidamada Nabad sugidda iyo kuwa Booliska qeybo kamid ah degmooyinka dharkenley iyo kaaraan ayaa waxaa ay kusoo qab qabteen dad gaaraya ilaa iyo 550 qof kuwaas oo isugu jiray rag looga shakiyay in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al shabaab iyo kuwo jid gooyooyin qarsoodi ah uyaaleen qeybo kamid degmaooyinkaasii
Markii uu soo dhamaadey Howlgaladaasi ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Taliyaha hey’adda Nabad sugidda Gobolka banaadir Khaliif Axmed Ereg Isagoona sheegay in dadkii maanta lagu soo qab qabtay howlgaladaasi intooda badan lasii daayey islamarkaana ay haatan gacantooda ku jiraan 72 kamid ah dadkaasi waxa uuna sheegay In mid walba lagu qaadi doono dambigiisa lana marsiin doono shareecada Islaamka isagoo intaa ku daray in aysan u dul qaadan doonin in dadka Shacabka ah hantidooda dhac loo geysto ama la dhibaateeyo.
Howl galka maanta Ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Booliska ay ka sameeyeen Degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeynley ayaa waxa uu qayb ka noqonayaa Howl Gallada Muddooyinkaan dambe ka soconayay Magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu xaqiijinayay Ammaanka Gobolka Banaadir
Cabdi Faarax
Muqdisho/Soomaaliya

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.