Home » News »

Madaxweynaha Soomaaliya oo Safar ugu baxay Dalalka Itoobiya iyo Xarunta Midowga Yurub

Waxaa maanta ka duuley magaalada Muqdisho wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa booqasho ku tegaaya dalalka Itoobiya iyo Biljimka.

Wefdigaan uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya uga qeybgalaya Shir madaxeedka, wadamada Midowga Afrika kaasoo dhawaan furmaya.

Shir Madaxeedka Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay kamid yihiin xaaladaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, iyo xiisadda ka taagan dalka Mali.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkiisa Itoobiya kadib lagu wadaa inuu u safro Magaalada Brussels ee dalka Belguim-ka, halkaas oo ah xarunta wadamada Midowga Yurub ku jira, Madaxweynaha ayaa kaga qeybgali doono Kulan ay isugu imaan doonaan hogaamiyeyaal ka socda Dowladdaha ku bahoobay Midowga Yurub, sida uu saxaafadda u xaqiijiyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamed Nuur Gacal.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde kusii sagootiyay Wasiirka kowaad ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, Guddoomiyaha Baarlamanka Jawaari iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdi Faarax
Muqdisho/Soomaaliya

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.