Home » News »

Mahiga: “Awoodda Ciidamada Dowladda Soomaliya Ma Gaarsiisna Heer Ay Amisom Ku Beddalaan

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay dhaqaale xooggan ku bixiyaan dhismaha ciidamada Qaranka Soomaaliya, si ay amniga dalkooda ugala wareegaan Ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa shaaciyay in ciidamada Soomaaliya aanay xilligaan awoodin inay la wareegaan amniga dalka oo ay beddelaan ciidamada AMISOM, haddii aan la siinin tababarro iyo agab ku filan.

Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM gudaha Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo kala wareegi kara amniga, taasna meesha waa ka maqan tahay” ayuu yiri MAHIGA

Mr.Mahiga ayaa tilmaamay in hawsha tababbarka ciidamada Soomaaliya aanay si deg-deg ah ku socon, isagoo taasi u sababeeyay dhaqaale buuran oo aan jirin.

Wasaaradda Gaasgaandhigga ee Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan codsatay in xayiraadda hubka ee saaran dalka laga qaado, si tayo iyo tabar loogu ciidamada Qaranka, amniga dalkana ay ula wareegaan.

Dalka Soomaaliya waxaa saaran cunoqabatayn dhanka hubka ah 21 sano ee u danbeeyey, wax hub ah looma oggola in ay dowladdu soo gadato, sidoo kale ma geli karto heshiisyo ama mid deeq ah.

Allgedo Media, Muqdisho Somaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.