Home » Archive Daily January 27th, 2013

Taliska Boolioska oo soo Bandhigey Gacan ku dhiigle horey Fal Dil ah ugu geystey Dalka Suudaan.

Jan 27, 2013
Saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay gacan ku dhiigle horay fal dil ah Magaalada Muqdisho uga geestay kadibna dalka dibadiisa u baxsaday. Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shariif Sheekhuna Maya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ugu suuragashay inay soo qabtaan C/raxmaan Ciise Axmed oo horay qof shacab ah ugu dilay... 

Garoowe & Gaarisa ma ood wadaag baa mise waa Isir wadaag? Akhri qormo la xariirta wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Gaarisa oo dhawaan Garoowe tagay.

Jan 27, 2013
Duqa magaalada Gaarisa Ismaaciil Maxamed Garaad/Jan. 26/AOL. Maalamahan waxaa ku sugnaa magaalo madaxda Gobolka Nugaal ee Garoowe Wafdi ka socda Maamulka gobolka Waqooyi Bari ee dhulka ay Keenyatigu gumaystaan kana tirsan dhulwaynihii Soomaliya oo gumaystuhu u gacan geliyey dawladaha deriska la ah Soomalia kaasoo uu hogaaminaayo Duqa magaalada Gaarisa Ismaaciil Maxamed Garaad oo ay la socdaan odayaal... 

Dowlada Federaalka oo Seddax Qof u xirtey Musuq-Maasuq lagu sameeyey deeq waxbarasho

Jan 27, 2013
Saddex masuul oo ka tirsanaa Wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Sooomaaliya ayaa la xirey kuwaas oo lala xiriirinaayo in ay musuq-maasuq ku sameeyeen deeq waxbarasho oo laga helay dalka Turkiga. Maryan Qaasim Cariif oo ah Wasiirka hormarinta arrimaha bulshada oo ay hoostagto waxbarashadu ayaa sheegtey in tani tahay calaamad muujineysa sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaalanka wax... 

Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Adis-Ababa.

Jan 27, 2013
Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika oo sanadkiiba 2 Mar la qabto ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay ee Sanadka Cusub waxa uu ka dhacayaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ithopiya iyadoo ay soo Xaadireen dhammaan Madaxda wadamada ka qayb galaya waxaana la filayaa in si weyn shirkaasi diiradda Loogu saaro arrimaha waddamada Soomaaliya iyo Maali. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay U amba baxay dalka Ithopiya... 

Qoysas Qaxooti ah oo dib ugu soo laabtey degmooyinka Baardheere iyo Salagle oo ka cabanaya nololxumo.

Jan 27, 2013
Boqolaal Qaxooti soomaaliyeed ah oo ku jiray Xerada Dhadhaab ee Dalka Kenya ayaa bilaalabay in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda, kaddib markii sida ay sheegeen Qoysaskaasi ay u adkeysan waayeen Xaalado isbiirsaday oo isugu jira nolol xumo iyo Amnidaro, taasi oo sababtey in Qoysaskaasi qaarkood ay soo gaaraan deegaanadii markii hore ay ka tageen. Degmooyinka Malmahii ugu dambeeyey ee ay soo gaareen...