Home » Archive Daily January 28th, 2013

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jirbriil “waa qalad in wargeys magaca dowladda ku hadla lagu dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed”.

Jan 28, 2013
Xildhiban Cabdi Barre Yuusuf Jibriil/Muqdisho/Somalia. Anigoo ah Xidhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jabriil, waxaa la yaab iyo amakaag igu noqotay in maanta meeshii la rabay in Soomaali wanaageeda laga sahqeeyo in Webkii afka Dawladda ku hadlayey ee (Radiomuqdisho.Net) in lagu soo daabaco in Muwaadin Soomaaliyeed ay Dawladda ku amartay Safaaradda Soomaalida ee Turkiga in la xiro Aqoonyahan Soomaaliyeed... 

Wafdi ka tirsan Dowlada oo gaarey Baydhabo ayaa Kulamo la leh Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolkaasi.

Jan 28, 2013
Wafdi ka socda Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay kamid yhihiin Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/kariim Xuseen, Wasiir ku xigeenka warfaafinta Ibraahim Isxaaq Yarow, Xildhibaanno iyo sarakiil kale oo maanta ka ambobaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay. Wafdiga ayaa markii ay tageen Baydhaba waxaa si... 

Ururka Difaaca Suxufiyiinta Caalamiga ah (CPJ) oo Dowlada Soomaaliya ka dalbatey siideynta Wariye Cabdicasiis Koronto..

Jan 28, 2013
Warbixin maanta oo isniin ah ay soo saareen Ururka difaaca saxafiyiinta caalamka ee (CPJ) fadhigoodu uu yahay dalka Mareykanka ayaa waxay si cad ah ugu qeexeen in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay inay si sharuud ah ku sii daayaan wariye wax ka badan labo isbuuc u xiran xukuumada Soomaaliya oo lagu haysto inuu baahiyay warar sheegaya in haweeney barakac ah ay kufsadeen Rag ku lebisan dareeska ciidanka... 

Madaxweynaha Soomaaliya maxuu u jeediyey Hogaamiyayaasha Afrika ee ku shirsan Adis-Ababa

Jan 28, 2013
Madaxweynaha ayaa khudbadii uu ka jeediyey shirka uga hadley arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalka dersika, dhaqaalaha, dhismaha nabadda, dhismaha ciidanka Soomaaliya iyo xiriirka caalamiga ah. Ugu horeyntii Madaxweynaha ayaa mahad u celiyey dalalka Midowga Afrika dedalkii ay ka geystey Soomaaliya sidii ay nabad ugu soo laaban lahayd cagaheedana isugu taagi... 

Ra’iisul Wasaare Saacid Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga U Qaabilsan Soomaaliya.

Jan 28, 2013
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa saaka Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Adrea Mazzela. Waxyaalaha ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada waddan. Kulan qaatay mudo saacad ah kadib ayaa waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay... 

Hogaanka Dembi Baarista oo sheegay inay Socdaan Baarista Dadka Geysta Dilalka.

Jan 28, 2013
Hogaanka dambi baarista Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay socdaan baaritaano ku aadan cida ka dambeysa dilalka loo geesto suxufiyiinta Soomaaliyeed. Taliyaha hogaanka dambi baarista Dowladda Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in laanta dambi barista ay wado baaritaano ku aadan gacan kusoo dhigida dadkii ka dambeeyay dilalka loo geestay suxugiyiinta. Wuxuu... 

Maamulka Somaliland oo Jawaab ka bixiyey Hadal ka soo yeeray Dowlada UK.

Jan 28, 2013
Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray Dowladda Britain kaasi oo ku aadanaa in Dowladda UK ay ka digtay in muwaadiniinta dalkeeda udhashay inay isaga baxaan deeganada maamulka Soomaaliland. Wasiirka Wasaarada arimaha dibada maamulka Soomaaliland Maxamed C/laahi Cumar oo la hadlay warbaahinta kadib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha wasiirada maamulka Soomaaliland ayaa wuxuu sheegay... 

Madaxweynaha Soomaaliya oo Wadamada Afrika ka Codsadey in ay Taageeraan Dowladiisa.

Jan 28, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinaye furitaanka shirka Midowga Afrika ayaa wuxuu sheegay in wadamada Midowga Afrika looga baahan yahay in dalka Soomaaliya ay garab istaagaan. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iminka ay ka baxday KMG iminkana ay tahay Dowlad rasmi ah oo la jaan qaadi karta Dowladaha ka jira caalamka isaga oo sheegay in Soomaaliya marwaliba... 

Shirar iyo Kulamo ku aadan Sameynta Maamul Goboleedyo aan la isku waafaqsanayn oo ka kala soconaya Kismaayo iyo Baydhabo.

Jan 28, 2013
Isbarbar yaaca shirarka ka soconaya qaar kamid ah Gobalada dalka Soomaaliya ayaa ujeedkooda wuxuu yahay maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo sidoo kale lix Gobal oo ku yaalo koonfurta dalka Soomaaliya, iyadoo Beelaha Goboladaasi ku noolna ay ku kala aragti duwan yihiin howlahaasi. Suldaan Xaydar Suldaan Suufi Suldaan Muunye oo ka mid ah salaadiinta beesha Tuni oo wax ka dega gobolada Jubbooyinka...