Home » Archive Daily January 30th, 2013

Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada oo lagu Diley Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

Jan 30, 2013
Dilka Askarigan ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmada Garbahaarey oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha magaalada Garbahaarey,waxaan dilkan uu ka dambeeyey ka dib markii ay murmeen Askari kale oo ka tirsan Isla Ciidanka,taasi oo ugu dambeentii keentay in Rasaas uu ku furo askariga,waxyar ka dibna uu u geeriyoodo Rasaastii la huwiyey. Col Cabdi Bare... 

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta la kulmay Wafdi ka socdey Qaramada Midoobay.

Jan 30, 2013
Ra’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee arrimaha Siyaasadda ee Qaramada Midoobay Jefery Feltman. Waxey labada dhinac ka wada hadleen sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya, waxeyna kulankooda maanta ay ku lafagureyn arrimaha siyaasadda ee dowladda Soomaaliya, Amniga, Garsoorka, iyo dib u dhiska dalka. Marka uu soo dhamaaday kulanka ayaa waxaa... 

John Kery oo loo Ansixyey inuu noqdo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Dalka Mareykanka.

Jan 30, 2013
Golaha odayaasha ee dalka Maraykanka (The Senate) ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Senator John Kerry oo xilka kala wareegi doona Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mrs. Hillary Clinton. Codbixintii shalay loo qaaday ansixinta Xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda ee Maraykanka ayuu Senator Kerry cod aqlabiyad ah uga helay isla golaha uu ka tirsan yahay ee Senate. Isla shalay ayey guddiga... 

Xarakada Al-shabaab oo Weerar ku Qaadey Saldhig Ciidamada Ethopia iyo kuwa Dowlada ay ku lahaayeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.

Jan 30, 2013
Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Saxaafada u sheegay in ay maqlayeen Jugta Rasaasta Noocyadeeda kale gedisan oo ay is weydaarsanayeen Labada dhinaca ee dagaalamayey gaar ahaan madaafiic la tuurayay qoriga hoobiyaha oo ay adeegsanayeen kooxaha weerarka soo qaaday. Sidoo kale weerar midkaasi lamid ah ayey ku qaadeen xoogagga Al-shabaab bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan... 

Madaxweynaha Soomaaliland oo soo Bandhigey Waxqabadka Xukuumadiisa.

Jan 30, 2013
Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo oo maanta khudbadiisa sanadlaha ah kasoo jeediyey golayaasha sharci dejinta Somaliland ee Golaha Wakiilada iyo Guurtida, ayaa khudbad dheer uga hadlay wax qabadka dowladiisa. Siilaayo ayaa khudbadiisa ku bilaabay hawlihii furitaankii xisbiyada oo uu ku tilmaamay tilaabo adag oo uu qaaday oo laga yaabo siyaasiyiinta kale inaysan fulin lahayn asagoo sheegay in... 

Dowlada Puntland oo sheegtay in Xisbiyada ay Xafiisyo ka furteen Gobolada Puntland.

Jan 30, 2013
Waxaa todobaadkan gobalada Puntland ka dhacay shirar kala gedisan oo ay soo abaabuleen ururada siyaasadeed ee dhawaan looga dhawaaqay Puntland, kuwaasi oo sheegay inay bilaabeen furashada xafiisyadooda gobalada. Xisbiga Horseed ee isaga oo aan doorasho ku guuleysan sheegtey in isagu yahay Xisbi Xaakimka Puntland ayaa xiliga doonaya inuu xafiisyo ka furto qeybo kamid ah gobalada Puntland, iyadoo hada... 

Xukuumada oo Baaq u Jeedisey Shacabka ku Nool Gobolka Bay.

Jan 30, 2013
Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq ujeedisay shacabka ku nool Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay. Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlaye shacabka Bay qaar kamid ah ayaa wuxuu sheegay in looga baahan yahay ka shaqeynta dhanka ammaanka ee Gobalkaasi. Wuxuu sheegay in hadii shacabka... 

Xukuumada oo ka digtey Weeraro Alshabab ay ka geystaan Gobolo ka tirsan Dalka Soomaaliya

Jan 30, 2013
Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka digayso weeraro Al-Shabaab ay ka geestaan Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya. Sida uu warbaahinta usheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi Al-Shabaab ayaa ukala firxaday Gobalada dalka Soomaaliya kadib markii sida uu sheegay laga itaal roonaaday. Wuxuu sheegay in Xukuumadda ay xog ku heshay inay Shabaab maleegayaan qaraxyo ay... 

Haweeney maanta Maxakamad ka hor cadeysey in ay dhab tahay in la kufsaday balse la doonayo in la qariyo cidii kufsatay

Jan 30, 2013
Maxkamadda Sare ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la horkeeney Wariye Cabdicasiis Nuur Maxamed (Korornto) iyo Shan Qof oo kale kuwaas oo Ciidamada Booliiska ku eedeeyeen in ay isku Kaashadeen Kufsi Been Abuur, balse waxay qireen dadkaasi in aysan wax dambi ah gelin oo ay u Xiran yihiin si Cadaalad daro ah. Markii ay maanta kasoo muuqdeen Maxakamada ayaa waxaa Xeer Ilaaliyaha Qaran uu ku eedeeyey dadkaasi... 

Alshabaab oo ku hanjabtey in ay Weerari doonaan Xarumaha Dowlada ee Magaalada Muqdisho.

Jan 30, 2013
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay weeraro kale oo qaraxyo ah ay ka geesan doonaan xarumaha Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho. Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in qaraxa Shabaab ay ka geesteen Magaalada Muqdisho uu muujinayo awooda Shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho. Abuu Muscab ayaa sheegay in xarumaha...