Home » Archive Daily January 31st, 2013

Kitaabka Suwar Min Xayaati Taabiciin| Sheikh Hussein Guuleed (Sheikh Hussein Siiro) | Casharka 36-aad (Dhageyso).

Jan 31, 2013
Asalaamu Caleykum, Waxaan hoos idinku soo Gudbineynaa Kitaabka Suwar Min Xayaati Taabiciin, waxaana casharada noo akhrinayo Rabbi raali haka noqdee Sheekh Xuseen Guuleed Adam (Sheekh Xuseen Siiro) oo ah Iimaamka Masjid Al taqwa oo ku yaal magaalada Columbus, Oh ee dalka Mareykanka.   Casharka 1aad (Cadaa Ibn Abii Rabaax (RH)   Casharka 2aad (Caamir Ibn Cabdillahi Al – Tamiimi (RH)   Casharka... 

Maxamuud Sayid Aden oo ka warbixiyey Wafdi ka Socdey Laamaha Qaramada Midoobay oo maanta soo gaarey Magaalada Garbahaarey (Dhageyso)

Jan 31, 2013
Wafdi ka socdey Laamaha Qaramada Midoobay, Gar ahaan mas’uulka ugu sareeya UN Sacurity ee Gobolada Koonfureed iyo Xubno la socdey ayaa Maanta waxaa ay ka soo dageen Garooonka Diyaaradaha ee degmada Garbahaarey.Wafdigani ayaa mudadii Saacadaha ahaa ee ay ku sugnaayeen Degmada Garbahaarey ayaa waxay Booqdeen Isbitaalka Degmada, Xeryaha ay ku jiraan Dadadka Barakacayaasha iyo weliba Goobo kale oo... 

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo oo gaarey Magaalada Marka.

Jan 31, 2013
Ra’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa socdaalka uu maanta ku tagay Magaalada Marka waxaa ku wehliyay Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka maalliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan, Taliyaha ciidamada xoogga... 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Hadley kulamo uu la Qaatey Madax ka tirsan Midowga Yurub.

Jan 31, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeri ah wuxuu ka bixiyay kulamo uu la qaatay madax ka tirsan Midowga Yurub oo uu kula kulmay Dalka Belguimka. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay isaga oo uwaramaye laanta afka Soomaaliga ee BBC-da in waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay kawada hadleen madaxda Midowga Yurub ay tahay waayaha cusub ee Soomaaliya iyo Dowladda aan KMG aheyn sida Midowga Yurub ay... 

Qaramada Midoobay oo Sheegtay In Soomaaliya u Bilaabatay Waji Cusub oo Xaga Horomarka ah.

Jan 31, 2013
Kaaliyaha xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jeffrey Feltman iyo danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga,oo ka qeybgalay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay si wadajir ah u shaaciyeen in xaalada Soomaaliya ay tahay mid soo yara hagaageysa. Kaaliyaha xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jeffrey Feltman,ayaa... 

Diyaaradaha Dagaalka ee Israaiil oo Duqeeyey Dalka Siiriya.

Jan 31, 2013
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in diyaaradaha Isra’iil ay duqeeyeen goob galbeedka uga beegan magaalada caasimada Siiriya ee Dimishiq, waxaana jira warar sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen kolonyo gaadiid ah oo hub usoo siday dhinaca wadanka Lubnaan. Balse Telefishinka Dowlada Siiriya ayaa sheegay in diyaaradaha Isra’iil ay duqeeyeen xarun military oo cilmi barista lagu sameeyo oo ku taal Galbeedka... 

Madaxweyne Faroole oo Sheegay In Madaxda Dowlada aanan looga Baahneyn in ay isku koobaan Awooda Dalka Soomaaliya.

Jan 31, 2013
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aan looga baahneyn inay isku koobaan kaliya awooda Dowladnimo. Faroole ayaa sheegay in hadii Mareykanka uu sheegay in Soomaaliya uu aqoonsan yahay taa macnaheeda aysan aheyn in Soomaaliya iminka ay heshay aqoonsi Dowladnimo balse sida uu yidhi Soomaaliya waligeed ayeey Dowlad aheyd. C/raxmaan Sheekh...