Home » Archive Montly February, 2013

Dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay faraha kula jirto arinta maamul u sameynta Jubooyinka (Sawiro)

Feb 28, 2013
Muqdisho, Somalia (AOL) –  Odoyaal, Waxgarad iyo aqoonyahanno kasoo jeeda gobollada Jubooyinka ayaa maanta si kulul u cambaareeyay dowladda Kenya oo ay ku eedeeyeen in ay faraha kula jirto arinta maamul u sameynta Gobollada Jubooyinka. Shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen qaar katirsan beelaha dega gobollada Jubooyinka ayaa lagu cambaareeyay dowladda... 

War Saxaafadeed maanta kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee joogtada ahaa (sawiro)

Feb 28, 2013
Muqdisho, Somalia (AOL) – Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixino laga dhagaystay Wasiiro ka soo noqday safaro shaqo oo ay ku tageen dalalka Suudaan iyo Ethiopia, Amniga,... 

Madaxweynaha Soomaaliya oo madaxtooyada kulan kula qaatay Garsoore-yaal ka kala socday maxkamadaha (Sawiro)

Feb 28, 2013
 Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xassaasi ah Madaxtooyadda kula qaatay 60 Garsorayaal oo ka kala socday Maxkamada Sare, Maxkamada Dhexe iyo Maxkamada Gobolka. Kulanka ayuu Madaxweynaha kaga hadlay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Garsoorka oo tiir weyn ka ah “Lixda Tiir Siyaasadeed” ee Madaxweynaha. Madaxweyne... 

Afhayeenka Shirka Wada tashiga Garbahaarey oo faahfaahin ka bixiyey Go’aanadii ka soo baxay Shirkaasi (Dhageyso)

Feb 28, 2013
Shir wadatashi ah oo Maalmahan Magaalada Garbahaarey uga soconayey Ergooyin ka badan ilaa 45 ruux oo ka kala Socdey Mas’uuliyiinta Dowlada Gobolka Gedo iyo Xubno ka socdey Ururada Bulshada Rayidka oo gaarayey ilaa 17 xubnood ayaa gebagebadii shirka waxaa ka soo baxay Go’aano ay wada gaareen Xubnahii ka qeyb galey Shirkaasi. Nuur Siyaax Ilix oo ah Afhayeenka Shirka Wadtashiga ah ee Garbahaarey... 

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la Qaatey Garsoorayaasha Maxkamada Sare

Feb 28, 2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xassaasi ah Madaxtooyadda kula qaatay 60 Garsorayaal oo ka kala socday Maxkamada Sare, Maxkamada Dhexe iyo Maxkamada Gobolka. Kulanka ayuu Madaxweynaha kaga hadlay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Garsoorka oo tiir weyn ka ah “Lixda Tiir Siyaasadeed” ee Madaxweynaha. Madaxweyne Xassan ayaa wuxuu... 

Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay in Waqti dhow la Furi doono Wadada isku Xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Feb 28, 2013
Raisal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax shirdoon (Saacid) iyo wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in wakhti kooban ay ka hartay furitaanka wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho. Dowlada Federaalka ayaa guul ku tilmaamtay hawlgaladii ugu danbeeyey ee ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowlada ka wada sameeyeen qeybo kamid ah gobalka Bay. Guusha ay madaxda dowlada... 

Shirkii Maamul U Sameynta Gobolada Jubbooyinka oo Maanta ka Furmay Kismaayo

Feb 28, 2013
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose waxaa ka furmay shirka maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo oo maalmahan qaban qaabadiisa ay socotay. Xarunta Jaamacada Magaalada Kismaayo ayaa iminka si toos ah shirka looga daah furay iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin ergooyin kala duwan oo ka qeybgalaya shirka. Ergada ku sugan xarunta shirka uu iminka ka socdo ayaa waxa ay ka kala yimaadeen... 

Mas’uuliyiintii shirka Garbaharey oo isku afgartey in Xilligan ayan haboonayn ka qeyb galka Shirarka Maamul u Sameynta Jubbooyinka

Feb 28, 2013
Waxaa Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo weli ka soconaya Shir halkaasi ay ku leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ee ka Soo jeeda Gobolka Gedo, kuwaasi oo ka wada hadlayey arimo ay ka mid yihiin howsha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka iyo Arimo kale oo la xariira Xagga howl galada Ciidamada. Shirkaasi oo maalinimadii doraad loo qabtey Gudi gaaraya ilaa 30 ruux... 

Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Maamul Goboleedka Puntland oo Dil ku xukumey 12 Ruux

Feb 27, 2013
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun ku ridey dad ku eedeysnaa in ay ka danbeeyeen dilkii Sheekh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya. Eedeysaneyaasha oo ay tiradoodu tahay 12- qof, isla markaana ay 6 ka mid ahi maxkamadda joogeen, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo xukunkoodana uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda... 

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Iclaamiyey Waqtiga uu Furmayo kala Fadhiga Baarlamaanka

Feb 27, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday xilliga uu furmayo kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya kalfahdigooda labaad uu furmi doono maalinta sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 02-03-2013. Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay inuu furi doono kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya...