Home » Archive Daily February 1st, 2013

Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqasho ku jooga Dalka Ingiriiska (Daawo Video)

Feb 1, 2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare uu hogaaminayo ayaa waxeey ka dageen caasimadda dalka Ingriiska ee London. Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha... 

Fadlan u gargaar wiil yar oo muddo saddex sano ah ku xanuunsan Muqdisho (Daawo masawirada)

Feb 1, 2013
Aabbe Yacquub Cabdi Isaaq  waa Aabbe Soomaaliyeed oo Mudo Sadex Sano ah la Daala dhacayey Wiil Yar oo ka Xanuunsan oo lagu Magacaabo Zakeriye Yacquub Cabdi oo da’addiisa ay tahay Saddex Sanno jir, isagoo kala Quustey Dhaqaatiirta ku sugana Gudaha Soomaaliyaa, Kuwaas oo markii Dambe kula Taliyey in uu u baahan yahay Caafimaad Dibadeed, iyadoo aad halkaan ka heleysid Waraaqihii caddeynta ee ay qoreen... 

Odoyaasha iyo Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo oo Bayaan ka soo saarey Arimaha Siyaasada Puntland

Feb 1, 2013
Shirar is-daba-joog ah oo ay yeesheen nabaddoonnada iyo wax-garadka gobolka Mudug, ayaa kadib markii ay qiimeeyeen marxaladda ay haatan marayso Puntland, oo ay horay uga soo saareen bayaan cad oo ku aaddan mowqifkooda siyaasiyaga ah, waxay markale maanta oo ah Jimce, 1-da Februay, 2013-ka ay qodobbo ay ku cadeeynayaan mawaaqiftooda ku aaddan sharciyadda golayaasha, axsaabta iyo xaaladda guud ka soo... 

Ra’isal Wasare Saacid oo Markii ugu horeysay ka Hadley Qaraxii ka dhacay Madaxtooyada.

Feb 1, 2013
Ra’isal Wasaaraha soomaaliya Cabdi faarax shirdoon “Saacid” ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee xafiiskiisa iyo safaarada ethopia ay ku leedadahay Madaxtooyada soomaamliya. Dr. Saacid ayaa xusay in qaraxaasi u jeedkii laga lahaa aan laga gaarin arintaasi ayuu ku amaanay ciidamada dowlada oo uu sheegay inay ka hor tageen. Sidoo... 

Maxamuud Sayid Aden “Maamul Goboleedyo laga sameeyo Jubbooyinka iyo mid kale oo lagu magacaabo Koofur Galbeed wax micno ah malahan” (Dhageyso)

Feb 1, 2013
Maxamuud Sayid Aden oo ah Gudoomiyaha Hogaaminta Ciiidamada Aaga Gedo ayaa waxaa uu kaga hadley arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin aragtidiisa ku aadan howlaha Maamul Goboleedyada ee ka kala soconaya Gobolada Jubbooyinka iyo midka kale ee Koofur Galbeed ee dhowaanahan soo shaac baxay, dhamaantoodna waxuu sheegay in ay yihiin talaabooyin aanan wax micno ah soo kordhin doonin. “Anaga Mowqifkeenu... 

Shir looga hadlayay arrimaha Jubbooyinka oo ay beesha Sade ku yeelatay Muqdisho oo uu war murtiyeed rasmi ah kasoo baxay (Sawiro)

Feb 1, 2013
Muqdisho, Somalia (AOL) – Kulan si weyn loo soo abaabulay oo ay kasoo qeyb galeen waxgarad kasoo jeeda beesha Sade ayaa maalinimadii shalay oo ay taariikhdu aheyd January 29, 2013 lagu qabtay Hotel Muqdisho oo ku yaal magaalada Muqdisho, kaasoo loogana hadlayay maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. Shirkaas oo uu guddoominayey Nuur Cali Xassan (Nuur-gaab) oo xildhibaan ka ahaan... 

Madaxweynaha Puntland oo ugu Baaqay Somaliland inay la heshiiso Puntland, halka uu digniin u diray Dowlada Federaalka inaysan ku xadgudbin Dastuurka Federaalka.

Feb 1, 2013
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo khudbad dheer kasoo jeediyey Shirka Urur Siyaasadeedkiisa uga furmay magaalada Garowe ayaa ka hadlay in wadahadalo u socdaan Puntland iyo Somaliland, isagoo ugu baaqay maamulka Soomaaliland inay heshiiyaan. Madaxweyne Faroole ayaa khudbadiisa ku sheegay in arrimaha Gooni isu taaga Soomaaliland ay tahay mid mar danbe laga hadli doono, balse... 

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadley Qatarta Burcad Badeeda.

Feb 1, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ka hor hadlay xarunta Midowga Yurub oo ku taalo dalka Belgiumka gaar ahaan magaalada Brussels, islamarkaana qudbadiisa dhinacyo badan taabaneysay, ayaa waxuu carabka ku dhiftay dhibaatooyinka burcad badeeda Soomaalida ee ay ku hayaan biyaha Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dul istaagay dhibaatooyinka burcad badeeda Soomaalida,... 

Midowga Yurub oo ka hadlay Xaalada Amaan ee Dalka Soomaaliya.

Feb 1, 2013
Xog hayaha arimaha dibada ee midowga yurub haweenayada lagu magacaabo katrin Ashiton oo la hadashay warbaahinta ayaa waxaa ay ka hadashay xaalada amaan ee soomaaliya. Katrin ashinton waxaa ay sheegtay in xaalada amaan ee soomaaliya soo hagaageyso balse waxay ay hoosta ka xariiqday in wali ay Qatar ku yihiin ururka dagaalka kula jira ciidamada dowlada soomaaliya iyo ciidamada amison inay qatar ku yihiin...