Home » Archive Daily February 13th, 2013

Prof. Jawaari oo Safarkiisii ugu horeeyey ugu Ambabaxay Dalka Ethiopia.

Feb 13, 2013
Afhyaeenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaliya mudane Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta (Arbaca) safar ugu baxay dalka Itoobiya. Jawaari oo ay safarkiisa ku weheliyaan Guddoomiyasha Guddiyada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warfidiyeenada u sheegay ka hor inta aanu ka duulin garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde in uu casumaad rasmi ah ka heley... 

Mareykanka oo Balan Qaadey in Wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya uu ka taageeri doono dhanka Amaanka

Feb 13, 2013
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama oo jeedinyay qudbad sanadeedkiisa ayaa balan qaaday inuu kordhin doono taageerada uu siinayo wadamada Somaaliya Yemen, iyo Libya, isagoona sheegay in wadamadaasi uu ka caawinayo dhanka Nabadgalyada iyo xasiloonida. Brack Obama oo khudbadiisa sanad laha ah taabaneysay dhinacyo badan, ayaa ka dhawaajiyay in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay ay ku sii xoogeysanayaan... 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Wakiil Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Feb 13, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaalliya Mohamed Salah Anadif. Kulanka oo ahaa mid ay saxaafada dibadjoog ka aheyd islamarkaana markii uu soo dhamaaday kadib warbaahinta laga siiyay warbixin ayaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed Anadif wuxuu sharaxay waxyaabaha ay kawada hadleen Madaxweynaha... 

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Nawaaxiga degmada Dolow Ethiopia

Feb 13, 2013
Gaariga oo ah Nooca Xamuulka ayaa la sheegay in uu ku rogmaday Meel Degmada Dolow Ethopia u jirta ilaa 23- Km, iyadoo la sheegayo Gaarigaasi oo ka soo Ambabaxay Magaalada Nageyle ee Dalka Ethopia ayaa wararku waxay sheegayaan in uu ku soo jeeday dhinaca Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana gabi ahaanba ay waxyeelo soo gaartay dadkii gaariga saarnaa oo gaarayay ilaa sagaal qof oo uu ku jiro wadihii... 

Gudoomiyahii Fulinta Ahlu suna Waljameeca Sh. Maxamed Yuusuf Xeefoow oo Geeriyoodey.

Feb 13, 2013
Alle ha u Naxariistee waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow Gudoomiyihii Golaha fulinta ururka ahlu Sunna Waljameeca. Geerida Sheikh Xeefoow ayaa timid ka dib xanuun kusoo booday kaasi oo markii dambe sababay inuu u geeriyoodo. Sida la tilmaamay waxaa loola soo carary maagalada Muqdisho kadib markii xanuunka uu haleelay iyadoo la dhigay isbitaal... 

Taliyahii Booliska Afgooye oo Xil ka Qaadis lagu sameeyey.

Feb 13, 2013
Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ku waramayaan in kulan halkaasi ka dhacay xilkii looga qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Afgooye Gaashaanle Ibraahim Diini Isaaq halka Taliye Cusub oo ay yeesheen Ciidanka Booliska Degmada Afgooyena loo magacaabay Sayid Cabdi Qaadir Abiikar oo ah nin kasoo jeeda deegaanka. Xil ka qaadistan iyo magacaabistan cusub... 

Iska horimaad culus oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Feb 13, 2013
Iska horimaad Culus oo Sababay khasaaro ayaa lagu soo waramayaa in Xalay ay ka dheceen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, kuwaas oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo Xarakada Al Shabaab ee Gobolkaasi. Goob Joogayaal ku sugan Baydhabo ayaa waxa ay u sheegeen Warbaahinta in dagaalkaasi oo soconayey Muddo ka badan ilaa Hal saac ah uu ka socday halkaasi Mana la ogaan karo khasaaraha Rasmiga ah... 

Mareykanka oo ka hadley Taageero la sheegay Iiraan in ay siiso Alshabaab

Feb 13, 2013
Afhayeenka waaxda arimaha dibada Mareykanka Victoria Nuland, ayaa shaaca ka qaaday in la maqlo Iran oo hubsiisa Ururka Al-shabaab aysan ahayn wax cusub islamarkaana iminka arintaasi aysan noqon wax la yaab leh, balse ay iska cadahay in Iran taageerto Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya. Victoria Nuland,ayaa dowlada Iran waxay ku dhaliishay sii hurinta xiisadaha ka taagan dalka Soomaaliya... 

Taliska Booliska Baydhabo oo sheegay in ay soo Qabteen Ruux Bam ku tuuray Ciidamada Ethopia.

Feb 13, 2013
Iyadoo shalay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay uu ka dhacay qarax bambaano ah oo lagu weeraray ciidanka Ethiopia ayaa saraakiisha ammaanka ee Magaalada Baydhabo waxa ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen ruuxii ka dambeeyay bamkaasi. Mahad C/raxmaan taliyaha qeybta Booliiska ee Gobalka Baay oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in howlgal ay sameeyeen kadib ay gacanta kusoo dhigeen ruuxii ka...