Home » News, Tacsi »

Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka hadlay dilkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Daawo Video)

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Garoowe ee dalka Soomaaliya lagu dilay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimada ugu waaweyn dalka Soomaaliya.

Sheekha ayaa sida la sheegay waxaa maanta oo Jimca ah uu wiil dhalinyaro ah oo lasoo qalday uu si naxariis daro ah ugu dilay masjid dhexdiis, ayada oo kaaga sii darane uu Sheekhu hor taagnaa Rabbi CW oo salaaddii casir tukanayay.

Haddaba, marka hore, haddaynu nahay bahda maamulka shabakadda Allgedo Online, anaga oo si weyn uga tiiraanyeysan dilka bilaa macnaha ah ee loo geystay xaakimka mudada dheer kusoo guda jiray faafinta dacwadda Islaamka, ayaa waxaan tacsi u direynaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba iyo qoyska uu Sheekha ka tagay, waxaana leenahay “Rabbi janadiisa ha geeyo Sheekha, dhamaanteena samir iyo iimaan hanaga siiyo,” aamiin, aamiin.

Video-ga hoos ka daawo Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka hadlay Alle ha u naxariistee dilka Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax:

Hoos ka daawo gacan ku dhiiglaha Sheekha dilay oo inta la qabtay la’isagu daray wareysi iyo in adduunka lagu cadaabo, ayada oo ay waliba u danbeyso xisaabtii Eebbe:

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.