Home » Archive Daily February 17th, 2013

Welcome: Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo Jaaliyada Soomaalidda ee Minnessota Xaflad soo dhaweyn ah u Samaysay (Sawiro)

Feb 17, 2013
Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo maalmahan booqasho ku soo gaaray Dalka Mareykanka, ayaa lagu qabtay magaalo madaxda Gobolka Minnessota ee Mineapolis. Munaasadan casho sharafeedka ayaa waxaa soo dhaweynta Xildhibaanka ka hadlay, Siyaasiin, Wasiiro iyo aqoonyahano ay ka mid yihiin, Wasiiirkii Caafimaadka ee Xukumaddii Reysalwasaare... 

Ha qaadina wadadii 1997-2000 Mas’uuliyiinta Gedo iyo shacabkow – By Maxamuud Sheekh Xasan Aw Cali (Soofe).

Feb 17, 2013
Walaalyaal waxaa xaqiiqa ah haddii masuuliyiinta Jubooyinka, gaar ahaan kuwa Gedo aysan muujin midnimo,  talaasul iyo in danta guud wax walbo laga hor mariyo, waxaa hubaal ah in aan la gaari doonin nabad, xasilooni iyo maamul ka hana qaado deegaankeena. Sida aan ku cadeeyay maqaal aan qoray 2011 oo uu cinwaankiisu ahaa “Hujuumka gu’ga iyo haraaga abaarta”, waxaan waligey in badan... 

Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyey Xildhibaan Abdirashiid Xaaji Deeroow iyo Xildhibaan Abdullahi Yuusuf Hassan (Alenkey)

Feb 17, 2013
Xafladdan lagu soo dhaweynayay Labada xildhibaan oo lagu qabtay Magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska oo ay kasoo qeybgaleen dad aad u faro badan oo isaga kala yimid gobolada dalka Ingiriiska ayaa waxaa soo agaasimey jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Ingiriiska, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Birmingham iyo agagaaraheeda. Ugu horeyntii, waxaa soo dhaweyntaa ka hadlay qaar ka mid ah... 

Muranka Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya oo Cirka isku shareeray

Feb 17, 2013
Baaq ka yimid Dowlada Soomaaliya ee ku socda Golaha Amaanka ayaa maalinimadii Khamiistii Golaha Amaanka ka hor akhrisay Raysalwasaarae kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Fowsiya Yusuf. Jaraa’idka dalka Kenya ayaa si weyn uga hadlay baaqa Soomaaliya kasoo baxay ee ku socda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay loo gudbiyey xili dowlada Kenya ay codsatay in ciidamadeeda bada sanad... 

Diyaad Cabdi Kaliil oo ka hadley kulan Magaalada Luuq ku dhex marey Xubno ka socdey Gudiga Farsamada ee Jubbooyinka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan degmooyinka Gedo (Dhageyso)

Feb 17, 2013
Luuq, Somalia (AOL) – Maalinimadii shaley ayaa degmada Luuq ee Gobolka Gedo waxaa gaarey Xubno ka tirsan Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka, iyagoo mudadii ay halkaasi ku sugnaayeena kulamo ku aadan howsha Maamul u sameynta iyo Turxaan bixinta khilaafaadka jira la qaatey Gudoomiyayaasha degmooyinka Luuq, Dolow iyo Baladxaawo, waxaana sidoo kale kulankaasi goob joog ka ahaa... 

Faah faahin ka soo baxaysa Qarax dadkii dhigayay ay la kacday Bartamaha Magaalada Gaarisa

Feb 17, 2013
Qarax xoogan ayaa xalay ka dhacay magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii labo ruux oo sida la sheegay aasayay ay markii dambe iyaga ku qaraxday. Sida ay sheegayaan wararka qaraxan oo ahaa miino ayaa ragii aasayay ku qaraxday agagaarka garoonka weyn ee Gaarisa Primary School, waxaana saaka isugu soo baxay dadweyne fara badan oo daawanayay dadka ay miinada la kacday oo dhamaan... 

Culimada Soomaaliyeed oo Dowlada iyo Maamulada ka jira Dalka ka Codsatey in la Sugo Amaankooda

Feb 17, 2013
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah afhayeenka hay’adda culumadda Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay ugaarsiga xilligaan lagu haayo culimadda. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa wuxuu sheegay in xilligan ugaarsi lagu haayo culumadda Soomaaliyeed ayna laynayaan dad waxmagarato ah. Wuxuu sheegay in Culumadda Soomaaliyeed dhulka ay uga dhigan yihiin sida xidigaha oo kale ah shacabka Soomaaliyeedna aysan ka... 

Madaxa Ururka EASTADO oo soo dhaweeyay dhaq-dhaqaaqyo la rabo in looga qeyb qaato maamul goboleedka Jubbaland

Feb 17, 2013
Waxaan soo dhaweynayaa dhaq-dhaqaaqyada beryahaan socda oo ay qaar ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka ka wadeen gudaha iyo dibadda dalka. Waxaa jirta ifafaalo horumarineed oo horseedi kara taabagalka maamul goboleedka Jubbaland, waayo waxaa markii ugu horeysay muddo 21 sano ah maalmahaan dhanka fekerada ay ku kala gedisan yihiin isaga soo dhawaanaya mas’uuliyiin... 

Dowlada Turkiga oo sheegtay in ay ka Qeyb Qaadanayso Dib Udhiska Soomaaliya

Feb 17, 2013
Kadib kulan shalay Magaalada Muqdisho ku dhexmaray saraakiil ka socda Dowladda Turkiga iyo Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay kawada hadleen sidii ciidanka xooga dalka Soomaaliya dib udhis ballaaran loogu sameyn lahaa. Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Saraakiisha Turkiga ay kulanka wada qaateen ay kawada hadleen sidii dib... 

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Raaskambooni oo Howlgalo ka sameeyey Duleedka Kismaanyo

Feb 17, 2013
Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa ururka Raaskaambooni iyo ciidamada AMISOM ayaa saaka dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ka wada deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-shabaab. Ciidamo aad u tiro badan islamarkaasina ku qalabeysan hubka noocyadisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa la arkayay iyagoo saaka ka dhaqaaqaya fariisimo ay ku...