Home » News, Tacsi »

Culimada Soomaaliyeed oo Dowlada iyo Maamulada ka jira Dalka ka Codsatey in la Sugo Amaankooda

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah afhayeenka hay’adda culumadda Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay ugaarsiga xilligaan lagu haayo culimadda.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa wuxuu sheegay in xilligan ugaarsi lagu haayo culumadda Soomaaliyeed ayna laynayaan dad waxmagarato ah.

Wuxuu sheegay in Culumadda Soomaaliyeed dhulka ay uga dhigan yihiin sida xidigaha oo kale ah shacabka Soomaaliyeedna aysan ka maarmid qof waliba oo qaldana ay waaniyaan culimadda Soomaaliyeed.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamulada Gobalada dalka ay ku socdaan gaadiid ciidan ay ka buuxaan balse culumadda aysan ku socon gaadiid ciidan ay ka buuxaan.

Culumadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobalada dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay u baahan yihiin badbaado maadaama iminka lagu haayo ugaarsi gaar ah oo lagu leynayo.

Shacabka Puntland gaar ahaan shacabka Garoowe ayuu ku ammaanay ficilikii ay kusoo qabteen gacan ku dhiiglihii dilay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo shalay lagu aasay Magaalada Garoowe.

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dadka diinta ku laynaya culumadda Soomaaliyeed ay yihiin kuwa aan raad ku laheyn diinta.

Wuxuu sheegay in culumadda Soomaaliyeed ay gaashaan u noqonayaan islamarkaana dhanka culimadda looga baahan yahay inay ka qeybqaataan ka hortaga dadka magaca diinta dadka ku laynaya.

Culumadda Soomaaliyeed oo looga bartay fidinta diinta islaamka ayaa xilligan u muuqda kuwa soo foodsaartay cabsi xoogan oo ku aadan noloshooda.

Cabdi Faarax, Muqdisho Soomaaliya.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.