Home » News »

Ciidamada Ethopia iyo kuwa Soomaaliya oo ku sii siqaya Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay

Wararka laga helayo Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay shalay gelinkii dambe la wareegeen deegaano ka tirsan Magaalada Baydhabo iyo Diinsoor.

Sida ay sheegayaan wararka howl galkan oo ka bilowday duleedka Baydhabo ayaa ciidamada huwanta ugu suura gashay inay dagaalo kula galaan tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Baydhabo.

Col. Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa sheegay in dagaalada ay la galeen Al-Shabaab uu ahaa mid ku socday hab qorsheysan oo milateri ah, isagoo xusay inay ku siiqeen dhinaca Diinsoor.

Nuurow Maxamed, Baydhabo/Soomaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.