Home » News »

Maxkamada Gobolka Banaadir oo Manta bilowday dhageysiga Kiiskii Wariye Koronto iyo Haweeneydii sheegtay in la Kufsadey

KorontoMaxkamada Gobalka Banaadir ayaa maanta waxaa ka bilaabanaysa dhageysiga dacwada wariye Cabdicasiis Koronto iyo sidoo kale haweenaydii sheegtay in la kufsaday.

Sida uu sheegay Abukaate Maxamed Maxamuud Afrax oo ka mid ah qareenada u doodaya kiiska wariye C/casiis Koronto dhageysiga dacwada ayaa maanta dib u bilaabmeysa iyadoo la eegayo racfaankii dhawaan maxkamada Gobalka ay ka qaateen kiiska wariyaha qareenada u doodaya wariye C/casiis iyo haweenayda sheegatay in la kufsaday.

Abukaataha ayaa sheegay in maanta ay soo bandhigayaan cadeymo badan oo markii hore aysan usuuragelin inay soo bandhigaan taasi oo qeyb ka noqoneysa waxyaabaha ay ku difaacayaan wariye C/casiis Koronto iyo haweenayda.

Sidoo kale, Abukaate Maxamed Maxamuud Afrax ayaa muujiyay rajo wanaagsan inuu kasoo baxo maxkamada Gobalka Banaadir kaasi oo ku dheehan cadaalada.

Wariye C/casiis iyo haweenayda sheegatay in la kufsaday ayaa la xukumay 5-Bishii February iyadoo lagu xukumay wariyaha iyo gabadha min halsano oo xarig ah.

Cabdi Faarax, Muqdisho/Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Maxkamada Gobolka Banaadir oo Manta bilowday dhageysiga Kiiskii Wariye Koronto iyo Haweeneydii sheegtay in la Kufsadey "

  1. A_ADDE says:

    Warye Abdiasiis Koronto waxaa lagu haysto waa sharci daro waayo waxaa uu waayey qof dadkiisa ah oo u dodo.

    hadii maanta ninka xiran uu yahay nin Hawiye ah lama xiri lahayn wariye Abdiasiis Koronto marka hawiyoow sidaas isku dhaama
    midakale ninka yiri waa la ii tarjumay hadalka gabadha waan ka xumahay in uu yiraahdo sidaa waayo isaga iyo gabadha la kufsaday waa isku cid

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.