Home » News »

Fadeexad: Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mas’uuliyiin reer Gedood ah ka hor istaagay in ay shir wada tashi isugu yimaadaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gegida diyaaradaha ee Muqdisho ka celisay diyaarad u socotay degmada Doolow Soomaaliya, si ay halkaas uga soo qaado xubno isugu jiray guddoomiye-yaasha saddexda Degmo ee Luuq, Doolow iyo Balad-xaawo, iyo qaar ka mid ah Guddiga maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka oo doonayay in ay magaala madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey uga qeyb galaan kulan wada tashi oo dhex mari lahaa ayaga iyo mas’uuliyiin kale oo Garbahaarey ku sugan.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in ay maanta dowladda Soomaaliya waxay awood laheyd isugu geysay sidii ay u xaqiijin laheyd in aanay diyaaradda la xanibay jebin amarka la siiyay, balse waxa intaas kasii daran waxay tahay ayada oo dowladda ay shirkadda diyaaradda iska leh ku war gelisay haddii ay jebiso amarka la siiyay, in laga qaadi doono sharciga ay ku duusho.

no-fly to dolow1

Shabakadda AOL oo isla maantaba baaritaan ku sameysay waxa ka jira warkaan la xariira diyaaradda Muqdisho lagu xanibay ee degmada Doolow kasoo qaadi laheyd mas’uuliyiin reer Gedood ah oo usoo socday magaalada Garbahaarey ayaa waxay ogaatay in uu warkaan dhab yahay, balse ilaa iyo hadda lama oga sababta dowladda ku kaliftay in ay xanibto dhaq-dhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Gedo ee doonayay in ay shir uga qeyb galaan Garbahaarey.

Falka noocaan ah ee ay dowladda Soomaaliya maanta ku kacday ayaa waxuu liddi ku yahay xuquuqda uu muwaadin kasta u leeyahay in uu u socdaali karo, degi karo ama ka shaqeyn karo (travel, reside in, and/or work) deegaan kasta oo wadankiisa ka mid ah, goor kasta oo uu rabo, iyo waliba in uu isaga tagi karo wadanka uu ku dhashay oo uu aadi karo wadan kale, haddii aanay jirin danbi cad oo muwaadinka lagu hayo oo marqaati leh, ama muwaadinka oo qaba cudurada faafa (contagious disease) oo looga baqaayo haddii uu socdaal galo in uu usii gudbiyo dad kale cudurka uu qabo.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxaa ka hoos baxay oo ay ilowday, in muwaadinka oo loo diido in uu ciidiisa (dhulkiisa) ku dhex safro ama ka shaqeysto sabab la’aan ay tahay ku xad gudub xuquul insaanka (human rights violation), isla markaana ay meel ka dhac ku tahay sharafta iyo karaamada muwaadinka loo gefay.

Muwaadiniinta uu dal leeyahay waa kala feker iyo aragti duwanaan karaan, laakiin sinaba meesha uguma jirto in ay dowladi muwaadinka ugu ciqaabto ama dhaq-dhaqaaqiisa uu xaqa u leeyahay uga xanibto oo kaliya “waa iga aragti duwan yahay!.

Falka ay maanta ku kacday dowladda Soomaaliya waa “FADEEXAD” laga fiicnaa in ay dhacdo waliba waqtigaan xasaasiga ah ee ay dowladdu tahay mid aad u tabar yar oo looga baahnaa in ay shacabkeeda ka kasbato kalsooni buuxda.

Isku soo duuboo, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa looga baahan yahay mar walba in ay si buuxda u ilaaliso xuquuqda dastuuriga ah ee ay ku leeyihiin muwaadiniinteeda, sidoo kalena, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay xurmeeyaan sharciga dalka u yaalo oo ay isbar-bar taagaan dowladdooda, si uusan u imaanin isku dhac iyo isfahan waa la mid ah midka maanta dhacay oo kale.

——————
Aden Colujoog, AOL Editor-In-Chief
adencolujoog@yahoo.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

16 Jawaabood " Fadeexad: Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mas’uuliyiin reer Gedood ah ka hor istaagay in ay shir wada tashi isugu yimaadaan. "

  1. Avv Tahlil says:

    Haddii ay run tahay in Dawladdu joojisay socdaal diyaarad ay kireysteen siyaasiyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed, waa in ay si rasmi ah jawaab tafaf tiran uga bixiso sababta ay go’aankaas (xayiraada) loogu dhaqaaqay. Waxaan si gaar ah uga sugeynaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Gaadiidka in ay jawaab ka bixiyaan arrinkaas kor ku xusan.
    Waxaan sidoo kale xasuusineynaa Xildhibaanada Gobolka Gedo in ay ayagoo wadajira ay guux (motion) hordhigaan Barlamaanka ayna su’aalaan (interpellation) Dawladda sababta diyaaradda loo xanibay iyo talaabooyinka ay qaadi doonto dawladdu si aysan mustaqbalka u dhicin arrimahan oo kale.

  2. Farah Huseen says:

    Haddii ay amni xumo daraaddeed diyaarad ugu baahan yihiin Beledxaawo iyo Garbaharrey inta u dhexaysa, maxay tahay dawladda ay dhisayaan?

    Wallee FADEEXAD RUN ah waxaa ah xaaladda ay ku socdaan dadka Axmed Madoobe isu dhiibay!

  3. suldaan1 says:

    farah huseen fadeexad run ah waxa qaba adiga iyo inta kula mid ah oo maalin kasta lagu bahdilayo xamar adigoo iska dhaadhiciyay inaadan ka maarmin xamar oo waxii xamar aysan wadin aysan fiicnayn hadii talada awlibaax iyo madoobe mar hore laqaadan lahaa maanta diyaarad yar oo xamar kasoo kacaysa laguuma diidayn xamar oo xabadu ka dhacayso ayaa doorasho iyo dawlad lagu sameeyay jubaland waa lasamayn gedo marna u darsan mayso xasadka xamar yaal

  4. mahad says:

    si wanaagsan baad u dhigtay Suldaan1 nooloow .

  5. Farah says:

    Waxaa dhab ah in Aan wali xaqiiq Laga hadlin ree Gedo kuma yarayn in dad Aan maslaxo ugu maqnayn Isu boohiyaan oo waliba xumaanta loo maleegayo looga been sheego. Haddii dawladdu tiri jubbaland waxaa wax ka dhisaayo xukuumadda soomaaliya waana qayb la mid ah soomaaliya jala sugo inta Laga habeynayo sharciyadii waddanka ma waxaa waddanka loo gacan gelinayaa kuwii halaan dhigay gooaa familiar xumadaasi qurux lagu doodo noqotay? Goormaa jubbaland Kenya ku biirtay oo talada odinga loogu hambalyeeyey kuwii Lahaa oo qaylinayo waa iyada idaacadaha Laga aflagaadaynayo oo Lala soo joogsanayo IGADD baa wax noo dhisayso? Maa Dhanka Laga hadlo mash mash xusin waaye “caqliga qof wax rabaa indho ma leh” waxaan odhan Lahaa Kuwa kuraasta u walaashay oo shilomada tuugsiga iyo gacanta shisheeyaha la war regatta waddanka waa XOR goaan Aan dawladdu ka gaari na IGADD Kama gaareyso ee idiin kana ha lumina waddanka a xoriyaddiisa iyo madaxbanaanidiisa wax ha u dhimina, adduun waa la isku bartaa ee junkyard waxaad samaynaysiin

  6. cabudwaq says:

    @farah husen

    culusow markii lasoo dooranayey waxaa lahaystay qayb ka mid ah dayniile adiguna waxaad ka hadlaysaa argagixiso ku dhuumanaya baadiye oo miino dhigaya waxaan kuu sheegayaa hadaad gedo kasoo jeedid hankaaga weynee kismaayo anagaa leh madaxweynaha jubbaland waxuu noqonayaa reer gedo walaalaheen absame soo dhawee aygaa mudan

  7. xamar in xasad iyo munaafaqad. bahdilka beesha daarood ay ku heshiisay ma haddaad ogaateen oo ku baraarugteen……….
    dib u xasuusta xasuuqii beesha daarood loogu gaystay 1991kii iyadoo loo aanaynayay siyaad barre ayaa m/weyne daarood ahaa nana gumaysan jiray
    haddana sheekadu ay marayso caasimada unukaa leh… m/weynaha unukaa leh… mawaxaad filaysaan wanaag iyo in la idin shrfo?????????? waa maya

  8. Geeel Qaad says:

    Sheekh axmed islaaam guul weyn ayuu soo dheelmay cadowgii afka duubnaa ee dhiiga mu,miniinta xalalaystay ayuu ka saaray deegaanka hawiye caasimadii dalka sweedh bay ka hayaan cidna uma ogola hadaba seey ku keenen inay dhulkaanaga dhaqalaha kasoobaxa nala qaybsadaan ree gado intii talada laweydiin lahaa mar hore ayay udiyaar garoo been dhisida maamulka cusub inta xamar martida ku aha ayagaa isa soo dhiibi doona

  9. B xaawo says:

    maxaa marka hore ugaasyada iyo dadka muhiimka ah ee reer gedo geeyay muqdisho? muqdisho xorkuma ahaanaysid never waa magaalo qabiil.ninkana culusowna waa dictator lakin nin wadanka wada maamulaa dictator noqdee nin aan waxba islahayn! wuxuusan ahayn ismooday walaahi tabartiisiina waxay noqotay diyaarad la kiraystay inuu dhoho magaaladaas aadi mayso.

  10. cali says:

    Ninka la yiraahdo farah xuseen, waxaan u badinaaya in uu eheen reer gedo iyo marexaan midna.

  11. waxan layabanahay dadka daarood waxa layiraahdo mashquulka ku ah oo buun buuninaya aniga waxan ku dhashay kismayo waxanan ahay qof mareexaana waxan idiin sheegaya wax darood layiraahdo oo macna samaynaya ma jiraan wax hawiye iyo daarood ladhahana majiraan waxas wa shekooyinki 1991 aduunkana dan aya jirta danta beehsa sade kuma jirto kamana dhex muuqato mamulka oga deenku hor boodayan , kenyana xooga ay rabto inay ku mel mariso. waxan u shegaya dadka ianan lamarin hababin waxan raba inan si cad idinkugu shego dadka mareexaanka ah laba arimood mida koobaad kenya iyo ethiopia oo laba xoog ah aya heshiis ku ah in mareexan laqaybiyo ogaadeena korka laga saaro oo loo gumeeyo ayadoo sas ah( igad) way ogatahay in daroodka jubooyinka dadgan ay mareexaan yihiin ( majority) lkn inay qaybiyan ayay go an saden waana waxa hada mareexaan ka dhexmuuqda oo ad aragtan hadaba maxa xal ah waxa jubooyinka isku haysta dowlada soomaliya iyo( igad) hadaba anaga yaa noo dana ? in igad aysan doonaynayn in mareexaan uu ku gorgortamo jubooyinka waxa daliil u ah sida ay cidamadi sade ee ku wajahna kismmayo ay ugu leexiyeen gedo ayagoo qorshayal gooni ah kaleh 2 sida ethiopia ay u hakisay howlgalkii ay marexan kala waday gobolka gedo ciidankiina loo curyamiyay. sade maxa la gudboon? suashas waxa u dayay jawabteeda dadka beesha sade thank u

  12. Geesi_Sade says:

    Waxaan Dowlaad lama dhaaho wallahi there has never been dowlad in Somalia since Jaalle M. Siyaad Barre. All of this men who call themselves ‘president’ since the fall of Dowlaadi Kacaanka are nothing but useless bastards qabiilstyaal, terrorists , Mooryaan puppets. Faarmaajo will have been a great president. But guess what? the international community picks who they want to be president! And they always pick the useless, lazy, uneducated one ! AUN Somalia

  13. minneapolis says:

    walahi waa wax laga xumaado war shalay waan ogeen somalia marki ay dawlada ka jirtay gobalkeena waa kan uliitay wada majirin isbitaalo ma laheen jamacado haba sheegin dugsi sare garbaharey keliaya aya laheed somaliyana ???? mareexan aya wax walbo qatay aya nala laha maantana marki aan tashanay maya aya la leeyahay aniga su asha aan jawabta u la ahay waxa weeye marexaan maxa xamar ka dhax yaal ???? waa mooriyaan ayaga aya tashan laha haday xigmad hayaan balse waxan ??? dabo fadhiyo aniga waxa ay ila tahay jubbaland dadki dhisi laha in aan nahay maanta in nala raadiyo waa nagu ceeb walahi oo la dhaho wax garadki marexan baa xamar diyarad ka soo raacli laha oo ladiiday ama wax u eg ilma adeerayalow tariiqda aan wax ka barano ina ???? in marexan matalo ama darood ani ma aaminsani magac xumada geeri baa laga xigsada dadka la leeyahay ma tagi karaan waayo soo dadkiisi ma ahan viva jubaland

  14. Haddii aan arrintan diirad ku eegay waxaa ii soo baxay arrintan:

    Niman gaajaysan oo Marreexaan ah + Axmed Madoobe oo dekad haysta = Marreexaan Ogaadeen ha la hoos geeyo.

    Hawiye nacayb qaba + Saacid oo aa jilicsan= Jubbaland yaan la dhisin.

    Xal baan hayaa:

    Marreexaan dab kuma taagna ee labada qolaba yaynaan raacin. Aannu maamul u dhisanno gobolka Gedo, dabadeedna innagoo awood gorgortan (bargaining power) intan ka ballaaran leh aannu miisaska lagu xaajeysto aadno.

    Waxaan la yaabay: Sow Axmed Cumar Jees ma ahayn ninkii Marreexaan dhexda u fariistay 1991-gii. Sowse Axmed Madoobe ma ahayn ninkii gacantiisa ku bireeyey maxaabiistii dagaal ee Bu’aale? Miyuusan idaacadda BBC ka oran “Dadkii horay “uu Cabbaas u laayey” kuwani kama duwana: Yacni waan aarsaday..

    Goormaan ka koraynaa nin Marreexaan ah oo qaaqle baahan ah in uu dhiiggeenna ka biisho carruurtiisa?

    Dadkase aad magacyada ku sheegaysaan ma taqaannaan cidda ay u shaqeeyaan? Sida uu nin hore u yiri:Marreexaan AuN.

  15. liibaan says:

    asc dhamaan akhristayaasha dharaftaleh ee ku xidhan allgedo.com hadaan fikrad yar ku darsado arintan jubooyinka horta hadaan laga fakerin mistaqbalka fog iyo kan dhowba waxaan noqonaynaa dad loo taliyo oo aan talo lahayan wax markaas tagan waxaa ka muuhiimsan mustaqbalka hawiye waxuu rabaaa inaan mamul daroodleyahay ka uskamin jobooyinaka oo uu dadka kalaqybiyo ilaa inta uu awood uhelayo ma waxaynu sugnas inay maamul inoo dhisaan ???? waa maya filayaa axmed nadoobe bari buu iska tageyaa ee aan askuno horta nammul hoboleed dadkaas magaca wadagaan leyahiin xamar wax inoo yaal ma jiraan hadii run laga hadlo farmaajo halgu mquusto

  16. wiilashaan Daarood ama Marreexaan sheego ama Ogaadeen sheego, ama Harti sheego,,,, waxaa Ballan ah in Jubbooyinka la idinkaga kaxeeyo sidii Xamar la idinka soo ceyshay………Dhamaan beelweynta Hawiye iyo Umadda Soomaaliyeed ee Samaanta jecel waxay diyaar u yihiin maanta sidii 1991 la idin gallay si ka darran in la idiin la dhaqmo, wax la yiraahdo Faderalna ma ogalin anaga,
    wax iidna ahayn ayaad is moodeen Jubbooyinka waxaa iska leh Hawiye+ Digil & Mirifle + Dir + Others,, Gobolka Gedo waxaa iska leh Raxanweyn & Dir & Garre , marreexaan waxaa dajiyey Siyaad Barre, Ogaadeen Ethiopia ha aado, Harti Bari ha aaddo . dalkaan waxuu wali la dhimanayaa caddaalad darradii Siyaad Barre maantana Hawiye waa fahmay taas in Marreexaan maalinba nooc noola dhaqmo ma yeelayno ……Qoftii la arkaana wax shaagto maahan… Qori & Qaaciis is raaci…….All Daarood ha la buriyo……. Raisul wazaare waxaa laga dhigaa wiil Dir ah oo Irrir Samaalle ah…..

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.