Home » News »

Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo Mar kale ku Celisey in Xayiraada Hubka laga Qaado Soomaaliya

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho kadib markii Magaalada New York ay uga qeybgashay 14-kii bishan February kulan golaha ammaanka ee Qaramada midoobey uu kaga dooday ajandayaal ku saabsan arrimaha wadanka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay ku qabatay Airport-ka Muqdisho ay ku sheegtay in kulankaasi ay ku bandhigtay baahida dowladda Soomaaliya ay u qabto dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada badda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad badeeda,argagaxisada,tahriibka,kalluumeysiga sharci darada ah iyo wixii la mid ah .

Marwo Fawsiya Yuusuf waxa ay ku celcelisay baaqa dowladda ee ah in laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray Soomaaliya sanadkii 1991 –kii.

Wadahadalada aan la leenahay Xubnaha golaha ammaanka waxa uu socon doonaa ilaa iyo 7 bisha March , si cunaqabeynta hubka nalooga qaado,lana xoojiyo awooda ciidamadeena,iyadoo la kordhinayo howlgalada ciidamada nabad ilaalinta “AMISOM” ,si loo soo celiyo nabadda iyo deganaanshaha wadanka”.ayey Tiri ’Fawsiya Yusuf – Wasiirka Arrimaha dibadda

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga, waxa ay uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Kenya dadaalka walaalnimo iyo midda derisnimo ee ay garabka iyo taageerada ku siinayaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,

“Kenya waa dowlad saaxiib la ah Soomaaliya oo deris la ah, ciidamadeedu waxa ay nala qeybsadeen dhiig badan oo daatay, abaal baan uga heynaa, guul weyn ayey gaareen ,laakiin arrinta aan ka hadlay waa sidii loo dhisi lahaa ciidamada badda Soomaaliya, loona qalabeyn lahaa, ee ma ahan sida warbaahinta ay warka u buun-buuniyeen oo ay u fasirteen”.

Wasiirad Fawsiya intii ay ku sugneed Airport-ka ,waxa ay ku qaabishay halkaasi ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Augustine Philip Mahiga,iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saleysan xaaladda dalka.

Cabdi Faarax
Muqdisho/Soomaaliya

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.