Home » News »

Japan oo Safiir usoo Magacawday Soomaaliya

(Muqdisho, Soomaaliya (AOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Villa Soomaaliya ku qaabilay Safiirka cusub ay dowladda Japan u soo magaacwday Soomaaliya.

AMB_IMG_3861

Kadib markii uu ka gudoomay waraqadaha shaqadda ayuu Madaxweynaha sheegay in dowladda Japan ay ka mid tahay dowladdaha Soomaaliya toos ula xariira.  Japan ayaa waxaa ay Soomaaliya ku bixisay ilaa qarash dhan $200milyan si Soomaaliya nabadda dib loogu soo celiyo.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha sheegay in dalal gaaraya 20dal ay Soomaaliya u soo magacabeen Safiiro, kuwa kalena ay soo magacaabi doonaan. Taasna waxa keenay horumarka xagga amniga ay ka gaareen dhamaan ciidamadda qalabka sida iyo kuwa Midowga Afrika.

——————
Communication Office Office of the Somali President Mogadishu, Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.