Home » News »

Maxkamada Ciidamada oo Xukuno Dil ku Fulisey Askar ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliya

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Dilka askartaan ayaa wuxuu ka dhacay barxada iskuul Polisio ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo meel fagaare ah lagu toogtay.

Askarta la toogtay ayaa waxa ay gaarayeen ilaa saddex kuwaasi oo maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku heshay falal ah dil inay geysteen.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in raga saaka la toogtay ay kamid ahaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya dilna horay ay ugeesteen, Wuxuu sheegay in baaritaano dheer kadib kiiskooda uu cadaaday maanta xukunka lagu fuliyay.

Goobta dilka uu ka dhacaaye ayaa waxaa ku sugnaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka iyo masuuliyiin ka socotay maamulka Gobalka Banaadir.

Saddexda askari ee la toogtay ayaa waxaa ku jiray sarkaal labo xidigle ah oo la sheegay inuu horay dil u geestay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda ayaa fulisa xukuno kala duwan oo ay ku rido ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee dilalka iyo dambiyada kala duwan geestay.

Cabdi Faarax, Muqdisho/Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.