Home » News »

Kulamo iyo Wada Xaajoodyo ka soconaya Magaalada Garbahaarey

Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ka soconaya Kulamo iyo Wada xaajoodyo ku aadan shir Beri Magaaladaasi uga furmi doono Mas’uuliyiin, Saraakiil iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Gedo, iyadoo Ujeedada kulanka Berito ka furmi doonana Garbahaarey uu la xariiro arinka ku Sabsan Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay isku khilaafeen Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Garbahaareey2

Magaalada Garbahaarey ayaa iminka waxaa ku sugan Madax Sare oo ka tirsan Gobolka Gedo oo shaley galab halkaasi gaarey, kuwaasi oo ka yimid dhinaca Dolow, waxaana ka mid ah Gen Farataag, Bile Cabdile, Aw Libaax, Xasan dheere, Axmed Buulle Gareed, Axmed Ugaas oo horey u ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG, Fiilow oo ka tirsan Maamulka Ceelwaaq iyo Xubno kale iyadoo horeyna halkaasi ay ugu sugnaayeen Madaxda ugu Sareysa Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo, Saraakiisha Ciidamada iyo Gudoomiyayaasha degmooyinka Luuq, Dolow iyo Baladxaawo.

Inkastoo ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhaxeysa labada dhinac, balse Warar aanu ka soo xiganay Ilo muhiim ah ayaa sheegay in ay dhici karto Xubnahaasi in ay isku afgartaan in ay ka qeyb galaan shirka  berito ka furmi doono Kismaayo, ayna dhici karto kulanka ka furmaya Garbahaarey Berito in uu qaato ilaa 3 maalmood, taasina ay keeni karto in maalmo dib loo dhigo shirka Kismaayo.

Waxii warar ah ee ku soo kordha Kulanka Berito ka furmi doono Garbahaarey iyo Natiijooyinka ka soo baxa kala Soco Allgedo.

Maxamed Sheekh, Garbahaarey/Gedo.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

10 Jawaabood " Kulamo iyo Wada Xaajoodyo ka soconaya Magaalada Garbahaarey "

  1. waxaan rabaa halkan inaan talo usoojeediyo beelaha daarood ee koonfureed waxaan leeyah waryaan laysku kiin dirin cid isu kiin dhaantaa majirto waxaan leeyahay war bahooba oo laydha hawiye iyo qudhunqadhaadh iska xajista hadaad diidaan waxaan inugu dhici doonta in dalkiina hawiye iyo aar aaree iniigu taliso waa talo waayeel waa talo buuhoodle waad garanaysaan buuhoodle waa meesha kaliyee daaroodnimadu kashaqayso waxaan leenahay war tol wax isu dhaamaa majiraan ee ha la ilaashado dhulkiin war iska daaya qabyaalada xun ee aan lagaranayn

  2. waxgarad says:

    sida hada kasocota somaliya oo larabo in wax qaybsigu uu noqdo labo qaybood reer koonfurreed iyo ree waqooyi raysulwasaarahana lasiiyo waqooyi marka madaxwaynuhu uu yahay reer koonfureed,taasi waxay daroodka ka dhigaysaa kala raaca labadaas sidaas ayay ku noqonayaan dad la xukumo lana mid ah hadalkii cumar carte qaalib uu yiri 1991 oo ahaa kobolada dhexe iyo bari ha isu dhiibeen jamhadii SNM gobolada koonfereedna ha isu dhiibeen USC,inta daaroodku ay is haystaan oo iyagu isu jeedaan waxay noqonayaan minoraty waxayna kala raacayaan labadaa IRIR isku bahastay oo aan dhalasho kale ka dhexayn.

  3. Wan soo dhaweeynayaa shirka Garbaharey maxaa yelay rag tashaday ma il duufo ee siyaasiga odeyga culumad hawenka iyo dhalinyarada Beesha reer Gedo hamidowen

  4. siid ahmed says:

    anigaa ah injineer siid ahmed oo jooga magalada juba waxan soo dhaweyna shirka kafurmayo biri caasimada gobalka gedo ee garbarey waxan usoo jeedin lahaa siyasinta ,waxgaradka ,culma udiinka iyo dhamaan shacabka reer gado in ay fiiriyan meesha ay reer gado dantoda kujirta taasoo ah jubaland oo ah 3 gobal ayadoo ay san dantooda aysan kujirin 6 gobal oo ay kujira bay iyo bakool wixii jaga ah radinteed lidiin ma sheegaya balse danta guud halka ayeey kuxiran tahay 3 gobal ee jubaland state halkan waan dagnahay hala ogada

  5. mashalaaye says:

    hambalyo hambalyo waxaan halkan ugu hambalyeynayaa bulshada reer sade ee shirka sama raadiska ah uu uga furmahayo caasimada gedo ee garbaharey biritoole insha allah. hambalyo kadib waxaan beesha reer sade kula talinayaa lafdhuuxleh iyo dhagax marbaa la islahelaaye maanta waa maalin qaali idiin ah waa maalin taad wixii dhexdiina ku kala jiray ee madmadoowga ahaa intaad ku lafa gurtaan meesha ugasaari laheydeen waa maalin intaad mowqifwanaagsan meel wada dhigataan amaba iskuraacdaan ragga idin sugaya ee uu maamulka idinka dhexeeyo kula xisaabtami laheydeen maanta waa maalin ay umda somaliyeedoodhan shirkiina dhowreysa wixii kasoobaxa maxaayeelay somalidu waxay beesha sade ka aaminsatqahay inay bari iyo koofur ukalageeda sulux xiina na uu badanyahay iyo kala qeybsanaantiina maanta waa maalinta kaliya ee aa jaaniska aad iskuhorfariisateen aad hesheene habeerdareynina mirahiisana hanoqdeen kuwo waxku ool ah waqti baa la idin siiyay shirkii maamul u sameynta ee kismaayo kadhici lahaana dib ayaa la idin kugu dhigay iyadoo ladhowrayo natiijada kasoobaxda shirkiina waa wanaag hadaad ku heshiisan mira dhalkiisana uu noqdo mid wanaagsan oo aad maamul usameynta kala qeyb gashaan hadaadse ku heshiin waydaan waxaad noqoneysaan rag faryarada bidex kabaxay sorry raga shirka idiin baajiyay marlabaadna shirka maamul u sameynta madhicidoonto in dib la idin kugu dhigo halkaa ayaa la indin kaga kaafdoomi doonaa. marka si ay san waxaa soo dhan udhicin shirkiina hanoqdo mid mira wanaagsan dhala insha allah anaguna waynu idiin soo duceyneynaa inay beesha sade israacdo hal dhanna uwada jeesato mowqif mideysan illaahey waafajiyo madmadoowga iyo mugdiga dhixdooda ku kalajira meesha kasaaro Aamiin Aamiin ayaynu leenahay wabilaahi towfiiq.

  6. Adam yare says:

    Asc wr wbr Salam kadib mareexanow hadadna mid noqon oo aadna juba land qadan waa la idiin talin hawiye iyo raxawayn bana Idin talin intaad Bari shalaayi lahaydeem manta tashada?

  7. LABI-YAAL says:

    Halkii aan rabnay haday joogtaa GUUL bayna KU dhamaan doontaa juba land waa ladhisi in shaa allaah

  8. sc bacdu salaan waa maxay sababta loo hortaagan yahay in gobolada gedo laga xoreeyo alshabaab oo shirkan nalagu dedajinayo?anaga hadaan nahay dadka dega jubooyinka iyo gedo ma ogolin in shir la qabto ayadoo ay ciidamada dowlada ee gobolka gedo wali loo ogaleeyn in ay galaan kismaayo oo ay degan yihiin familadooda kenya iyo raskanbooni cadaalad kama aha shir loo dhan yahay oo cadaalad ku salaysan .1 haloo wcao dowlada ka dib labadan calooshood u shaqaytayaal oo xil doonka ah ina awlibaax iyo kuwa kale oo hor cararaya la qaba tolkiin waxa ay qabaan jago laguu magacaabo waxaa ka daran dhibka bari imaandoono.kenya iyo ethiopiana midbaan leeyahay hakala baxaan arimaha maamul u sameeynta gobolada dalka ha qabtaan shaqadi meeesha ay u imaadeen in ay dalka ka xoreeyaan alshabaab sida brundi ruwanda iyo jabuuti,ma maqleeysid ciidamadaas oo lagu leeyahay waxeey maamul u sameeynayaan gobolada kale ee dalka ee ay joogaan dadka deegaanka ayagaa mintuulo min degmo soo dooranaya siyaasiyiinti maamuli laheeyd not rag ayaga is doortay sida ahmed madoobe iyo awlibaax.warlord time is over dowlad ayuu leeyahay dalka marka yaan lana laqsiin cajaladan daaroodiisimka ah oo jeebka laga soo saaro maalinti dan gooni ah la leyahay ee aan si cadaalad ah wax u qaybsano hadii kale meesheeda ha taagnaato…

  9. axaa loo baahan yahay in caqliga laga shaqaysiiyo mareexaanow iska daaya nacaybka ogadeen u tanaasula masiirka caruurtiina taageera juba land waad ogtihiin sida lagu wado xaalada somaliya reer raysalwasaarihii idnkaa haysata xishooda oo dadka damcay booskiina raysalwasaarah lasiinay ladagaalama

  10. waa ilaahay mahadii haday mareexaan ay xaqii garteen waxaa idin oranayaadagaalka ka waan tooba walaalihiina gacnta qabsada magaaladiinan wada dhista hawiyo ha nexo markuu dan kaaleeyahay wuxuu yiraa mareexaan baa lagu yiraa marka kalana waa daaroodkii marka anigu waxaa idin lee yahay raysulwsaaraha la tuuridoono wax u qabta hawl culus ayaa idiin taalo mugdisho booskii daarood isaaq ayaa loo rabaa iririyo ayaa taal adigana walaalka halagu gudiro wiil sado jaaw

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.