Home » News »

Gudiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka oo sheegay in dib loo dhigay Shirkii ka furmi lahaa Kismaayo

kismaayoXilli dib u dhac uu ku yimid furmashada shirka maamul u sameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ee lagu waday inuu ka furmo Magaalada Kismaayo maanta oo Sabti ah, ayaa mas’uuliyiinta guddiga farsamada waxaa ay baaq ujeediyeen madaxda Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Farsamada Macalin Maxamed Ibraahin oo Magaalada Kismaayo shir jaraa’id ku qabtay ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya si toos ah ay ugu direen warqad ku xusan ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in ilaa iyo iminka madaxda Dowladda Soomaaliya aysan ka helin jawaab ku aadan ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Gobalada Jubbooyinka.

Inkastoo shirka maamul u sameynta Gobalada Jubbooyinka uu baaqday, hadana mas’uuliyiinta guddiga farsamada ee maamul u sameynta Jubbooyinka si cad uma aysan sheegin sababaha keenay dib u dhaca ku yimid shirka.

Odayaal, waxgarad iyo sidoo kale siyaasiyiin kala duwan oo kasoo jeeda Gobalada Jubbooyinka ayaa horay ugu baaqay in dib loo dhigo shirka maamul u sameynta Jubbooyinka ee iminka dib u dhacay.

Cabdi Faarax, Muqdisho/Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Gudiga Farsamada Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka oo sheegay in dib loo dhigay Shirkii ka furmi lahaa Kismaayo "

  1. cabdiwali says:

    haaaaaaaa kkkkkkkkkkk waaa waraaaaaaaay awalbo waan ogaa in aaysan absame kaligood wax dhisan karin ma haduuu waaga kubaryay mahadaay ogaadeen in la isu bahanyahay wakaaa saaki magaakada digaal ayaa kasocda ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa lagahelaaa

  2. rajucun says:

    “hooy SADOOW daarood ka soo raac HAWIYE kaaga sii darane”
    siyaasaduu hawiye kaa leyahayna waa:
    ALLAHAYOW NIN II DARAN MAXAAN DAAFTA HORE SEEXSHAY
    JIRKU NIMUUSAN DOONAYN MAXAAN DAAFTA HORE SEEXSHAY ee ka fiirsada cidad dooranaysan ogaadana hadad daarood intiisa kale wax ka tirsanaysaan hawiye caano idiin ma shubin

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.