Home » News »

Qurbajoogta Jubbooyinka oo Taageeray shir ka socda magaala madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaarey

Haddaanu nahay jaaliyadda Jubbooyinka ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka waxaan si wayn ugu faraxsanahay shirka Saaka ka furmaya magaalada Garbahaarey ee caasimadda Gobolka Gedo oo aanu filayno inuu yahay mid wax wayn ka badali doono niyadda shacabka Jubbooyinka.

Sidaanu ognahay waxaa halkaas shir uga furmayaa Saaka Siyaasiyiinta, Maamuada degmooyinka Gedo, iyo Saraakiisha ciidamada isla gobolka Gedo oo ka wada xaajoonaya arimaha hanaanka ugu haboon ee maamul u samaytna Jubboyinka. Qurbajoogta deegaanka Jubbooyinka waxay muddo badan ka dhursugayeen shir noocaan oo kale ah oo ay isugu yimadaan mas’uuliyiinta deegaanka, waxayna maanta arintaaan u muuqataa mid qiiro leh, muujinaysana ididiilo wanaagsan maadaama mas’uuliyiintii deegaanka Jubbooyinka ay halkaan ku wada sugan yihiin.

Walaalayaal, waxaan idinku boorinaynaa in kala fikir duwanaanshihiina aad xal ka gaartaan si aad u badbaadisaan dadka deegaanka oo muddo badan dhibaatooyin iyo faragalin badani ku socotay, balse hadaad maanta garateen inaad wax iska tiraahdaan arintan farxad wayn bay noo tahay.

Waxaan aamin sanahay in mustaqbalka deegaankiina iyo dadkiinaba ay maanta gacantiina ku jirto ilaahay ka sokow.

Hadaanu nahay qurbajoogta Jubbooyinka waxaanu taageersanahay Dolwadda federaalka Soomaliyeed Oo aanu aaminsanahay inay tahay mid si wadajir iyo isfagarad ku dhisan lagu soo doortay, balse mar walba dowladu ay tahay mid qaran, deegaan ahaanna aannu  xaq u leenahay inaanu aayaha iyo mustaqbalka deegaankayaga uu waajiba gaara ah naga saaran yahay.

Waxaanu ku hanwaynahay in shirkiina ka furmaya Garbahaarey uu noqdo mid dhaxal gal ah, oo qoto dheer, mustaqbal lagu raayana u horseeda reer Jubbaland.  Waxaa kale oo aanu  taageraynaa fikir walba oo ka qaybqaadanaya maamul u samaynta gobolada Jubbooyinak kaasoo kku dhisan is afgarad, cadaalad, daris wanaag  iyo maamul wanaag.

rashid3Qoraalkan waxaa lagala xariiri karaa:

Afhayeenka Qurbajoogta reer Jubbaland Eng. Abdirashid Sh. Mohamud Sh. Cabdulaahi, email: ainee2001@hotmail.com.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Qurbajoogta Jubbooyinka oo Taageeray shir ka socda magaala madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaarey "

  1. walee mareexaan hadaydan joojin waxaad wadaan waxaa inagu dhicin doonta ina aaraaree kuugu taliso garbahaaray iyo luuq warmiyaadan maqleyn waxa doonayo inuu kuu taliyo ma maqlayseen wuxuu lahaa aadan madoobe kkkkkkkkkkkkk war hooy jooga war haduu kuu taliyo ogaadeen waa walaalkaa haduu kuu taliyo harti waa walaalkaa war taageera shirka ka bilaami doona kismaanyo

  2. saacid says:

    acw dagaalka kismaanyo maanta kadhacay waxaa kadanbeeyo kuwo aan rabin in jubbolaand ladhso runtii anaga muhiim nooma aha yaamadax noqonayo waxaa ku hiim noo ah maamul wanaagsan nabad iyo horumar

  3. abusaacid says:

    jaalle mareexaan sida haad geed waayay marbo meel hakudaginee Daarood sooraaca Ama hawiya raaca hawiye ku xugeen haduu in siiyay Daarood wuxuu guu ogalyahay Ama aadbo xaq uleedahay in aad madax unoqoto,rer Gedo waligeen ma dax ma idin noqon maanta noqda oo darood iyo soomaaliya hogaamiye, ama ragii wax idiin yeerin yiray aan karaadino c/waaq

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.