Home » Islam, News »

Barnaamijyo dacwadeed oo ay culumo ka wadeen magaalada Garowe oo caawa la soo gabagabeeyey

Garoowe, Somalia (AOL) – Wafdigii culumada ee booqashada ku yimid magaalada Garowe waxay xalay ku qabteen masjidka Al-hudaa Nadwo cinwaankeedu ahaa: Maalgashiga mawsimka dacwadeed (kaalimaha iyo mashaariicda), waxaana ka qaybgalay Sh. Yuusuf Aadan iyo Sheekh C/naasir. Nadwada ka dibna waxay dhalinyarada Soomaaliyeed kala hadleen khatarta iyo xaaraanimada TAHRIIBKA.

Nadwo

Saakay waxay culumadu soo booqdeen qoyskii uu ka tagey Sh. C/qaadir oo ay la yeesheen kulan gaaban oo aad u saamayn iyo qiiro badnaa. Ka dib Sh. Yuusuf Aadan iyo Sh. Axmed Maxamed Suleymaan ayaa muxaadaro gaar ah u jeediyey dumarka dacwada.

Ka dibna Sh. C/naasir ayaa muxaadaro dacwada ku saabsan u jeediyey culumada iyo ducaadda gobolka Nugaal, ka dibna waxaa kalimad faallayn ah ku soo khatimay Sh. Yuusuf Aadan.

Galabtayna Sh. Yuusuf iyo Sh. Axmed ayaa mar kale muxaadaro guud u jeediyey bahda waxbarashada ee magaalada Garoowe. Waxaa ka soo qaybgalay ardayda jaamacadaha, kuwa macaahida iyo kuwa dugsiyada.

Caawa ayaa Sh. C/naasir muxaadaro cinwaankeedu ahaa: in nafta lagu tarbiyeeyo JIDDI-yada (in si dhab ah loo dhaqmo). Waxaana kalimad faallo ah ku karay Sh. Yuusuf.

Intaa ka dib caawa waxaa lagu qabtay Hotelka NEW RAYS oo wafdigu dagana kulan gaaban oo ay isigu yimaadeen culumada magaaladua iyo wafdigii soo booqday. Culumada magaaladuna waxay aad iyo aad ugu mahadceliyeen culumada iyo ducaadda meelaha fogfog uga yimid hawsha qoyskii Sheekh C/qaadir, isla markaasna dhaqdhaqaaqa badan ee dacwadeed ka fuliyey magaalada, waxayna Ilaahay uga baryeen inuu ajarkooda weydiiyo, meelihii ay ka yimaadeena uu nabadgalyo ku geeyo.

Gabagabadiina wafdiga culumadu waxay reer Garowe uga mahadcesheen sida ay xafladii wareejinta deeqda qoyska u abaabuleen iyo sida ay usoo dhaweeyeenba, isla markaasna waxay soo gaarsiiyeen salaan ay uga sideen culumada iyo ducaadda jaaliyadda Soomaaliyeed ee USA.

Waxaa la rajeynayaa inay culumadu berri ka ambabixi doonaan magaalada Garoowe.

————
Ahmed Abdille, Garowe/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.